Kulmiye:
Gari Laba Nin Ka Ma Wada Qosliso

Hogaanka xisbiga waxa la gudboon in arrinka la soo darsay Kulmiye si
deg deg ah loo soo afjaro. Somaliduna waxay ku maahmaadaa "Gari laba
nin kama wada qosliso".
Xisbiga haddii uu shiray,
kooramkiina uu buuxay, go'aanna ka soo baxay doorashadii 2 musharax
ee Kulmiye uga qayb galayey Doorashada Mar 2009.
Waxa halkaas ku cad in ragga laga badiyey ay ka xumaanayaan
natiijada ka soo baxday. Haddaba waxa la gudboon in ay ixtiraamaan
go'aanka shirka Golaha Dhexe, Shir Guddoonka, Hogaanka xisbiga,
xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga ee aad uga xun dhacdooyinka iyo
falaka jiitamaya ee xisbiga lagaga jiidinaayo yoolkiisa ku aadan
doorashooyinka soo socoda.
Gartu waxay tahay:
Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye ee Burco wuu mudaysnaa, waqti ayaa
loo qorsheeye, madal hawl muddo la sugaayey lagu fuliyo ayuu ahaa,
dhaqaale ayaa ku baxay, waxaana ergooyin ka ahaa Baarlamaankii
Kulmiye ee ka wakiilka ahaa xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga meel
ay joogaanba. Sharciyad ay ku socoday.
Shirku wuu furmay, inkastoo uu dib u dhacay maalin. markii ay soo
xaadir waayeen Gudoomiye ku-xigeenka kowaad, Musa Bixi, iyo
Xooghayaha Guud, Kayse Xassan Cige. Sababta kaliftay in ay ka
baaqdaan furitaankii shirkii ay madaxda ka ahayn mid laga aqbali
karo ma aha.
Doorashadii Jagooyinka musharaxiinta Madaxtooyada markii la filaayey
in ay dhacdo waxa soo baxday farsamooyin iyo xeelado aan loo
fadhiyin oo ah in olole gola-ka-fuul ah la bilaabo oo ku wajahan wax
ka bedel xeer hoosaadkii lagu tartamaayey ee Kulmiye ku dhaqmi jiray
ilaa intii la aasaasay May 2002.
Golaha Dhexe ee Kulmiye oo ka wakiil ah Shirweyneihii Kulmiye ee
2aad ee ka dhacay Hargeysa, Mar 2008, ayey ahayd wixii wax ka bedel
ah ee xeerarka Xisbiga in lagu dhameeyo. Laakiin ma ahyn in
arrinkaas wax ka bedelka xeer hoosaadka lagu kala saaraayey
tartamayaasha jagada Madaxweyne ku-xigeenka wuu yimaad madasha
shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye ee Burco.
Haddii waxa ka bedel lagu sameyn lahaa waxa la burburin lahaa
xeerarkii xisbigu ee wax lagu dooranaayey ilaa May 2002. Taasina
waxay u horseedi lahayd in ay noqoto caado xisbigu yeesho mar kasta
oo tartan yimaado.
Shir Guddonkii cusbaa ee Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye Eebe waxa uu
waafajiyey dariiqa saxa ahaa ee ku qotoma sharciga xisbiga markii ay
meel mariyeen in uu shirku guda galo doorashada musharaxiinta
jagooyinka Madaxtooyada, in kastoo ay soo gali waayeen labadii
musharax ee jagada Madaxweyne ku-xigeenka oo kala ah Cabdiraxman Aw
Cali & Cadami iyo taageerayaashoodii. Ergooyinkii loo diray in ay
soo ladqabeeyaan
waxay kala soo noqdeen faromadhan.
2 Musharax waxay xaq u lahaayeen in ay madasha shirka ka sheegtaan
cabashooyinkooda ama soo jeedintooda oo ay u soo bandhigaan shirka.
Go'aanka ay kaga baxeen shirka iyaga iyo taageerayaashoduba waxay ka
hor imanaysaa dhamaan shuruucda iyo xeerarka xisbiga u yaal. Marka
arrimahaas oo kale dhacaanna, xisbigu waa in uu isticmaala
qawaaniinta anshax marinta (Disciplinary Procedures) ee lagu talo
galay xubintii ku xadgudbta xeerarka xisbiga iyo shirarkiisa.
Waxa kale oo isweydiin mudan in Cabdiraxman Aw Cali & Cadami ay si
dhakhso badan ula xidhiidhaan Idaacdaha BBC & VOA iyo jaraa'idka
gudaha iyo debeddaba oo ay ku dhawaaqaan shirka Golaha Dhexe ee
Kulmiye waa Xaaraan, waa Foojari, waa boob waana qayrul sharci.
Intii ka dambeysay gonaanadkii shirkii Burco, waxa la isku dayey in
waliba la
muslaxo nimankii Kulmiye ka dhigay in uu noqdo:" Libaax dabin u
galay dad ay coloobeen".
Xisbiga Kulmiye ma jooggo maalin lagu dhex gorgortamo ee waa xilli
doorasho. Mudnaanta waa in la siiyaa habkii uu doorashad soo socotaa
ku heli lahaa. Haddii uu ku sii waaro xaalkana, faa'iido ayey u
tahay xisbiyada kale ee tartanka ku jira.
Xubnaha Golaha Dhexe ee Kulmiye waa madaxdii Xisbiga, waxayna
matalaan xubnaha iyo tageerayaasha Kulmiye meel ay joogaanba,
waxaanna looga fadhiyaa in ay gutaan xilka saaran. Golaha Dhexe waa
in ay mudnaantan siiyaan in Branaamijyada siyaasadeed ee Xisbigu uu
meel u socodo, ciddii doontaa madax ha ka ahaatee.
Cabdiraxman Aw Cali & Cadami iyo taageerayaashoodu waa ka mid Golaha
Dhexe ee Kulmiye iyo waliba Golaha Fulintaba. Waa in ay aqbalaan
doorashada Kulmiye ee Axmed Silaanyo & Cabdiraxman Saylici
Haddii laysku dayo in waxa laga bedelo waxay noqonaysaa dhamaadka
xisbiga Kulmiye, taasna laguma gali karo doorasho.
M Yonis Awale
London/UK
|