KULMIYE:
Dimoqraadiyad Afka Baarkiisa ah
Akhriste in badan ayay hogaamiyayaasha Xisbiga Kulmiye ee Mucaaridka
u weyni inoo sawireen in danta iyo badbaadada Somaliland ay ku jirto
Xisbiga Kulmiye sababta oo ah- waa sida ay hadalka u dhigaane- waa
xisbi dhexdiisa dimoqraadiyadu biyo dhigtay. Gudoomiyaha Xisbiga
Kulmiye Axmed Siilaanyo ayaa isagu madal walba la soo taagnaa in
xisbigiisu kaga duwan yahay axsaabta kale ee Somaliland wada tashiga,
isku tanaasulka iyo mabaad'ida aasaasiga ah ee dimoqraadiyada oo si
dhab ah uga jirta xisbiga Kulmiye dhexdiisa.
Nasiib daro dhacdooyinka iyo waayaha dunidu waxa ay ina barayaan
xaqiiq taasi ka duwan iyo in waxasi oo dhami ay yihiin uun afka
baarkiisa iyo beer laxawsi siyaasadeed oo lagu dagihayo cida hadba
loo dan leeyahay. Runta biyo kama dhibcaanka ahina waxa ay tahay in
aanu Somaliland ka jirin xisbi ku kale dimoqraadiyad, wada tashi iyo
isku tanaasul ugu faani kara!
Dhacdadii ugu danbaysay ee daaha ka rogaysa beenta qaawan ee
Gudoomiyaha Kulmiye dadweynaha ka iibinayey waa doorashada
murashaxiinta uu xisbigu u soo sharaxayo tartanka Madaxweyanaha iyo
K/xigeenka. Waxa cadaatay in xisbiga Kulmiye hogaankiisa sare cid u
xidhan yahay isla markaana aan lagula loolami Karin Odayga xisbiga
madaxda ka ah. Tani waxa ay sida dharaarta oo kale u sii cadaatay
markii Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, oo ah aqoonyahan da'yar oo
damac ka galay jagada hogaanka sare ee Xisbiga si cad iyo si
dadbanba loogu sheegay inaanu jagadaasi geyin, aakhiritaankiina soo
dedejisay in xildhibaanku damaciisii la noqdo, candhuuftiisana dib u
liqo ka dib markuu quus ka soo istaagay jawigii tartan iyo loolan
xalaal ahi ku suurta gali lahaa. Sidoo kale waxa iyana laga wada
dheregsan yahay halka uu ku danbeeyey masiirkii Dr. Axmed Xuseen
Ciise oo ahaa xubin miisaan culus ku leh xisbiga Kulmiye dhexdiisa,
ahaana u-qeybsanaha Arimaha Dibeda ee xisbigaasi. Dr. Axmed Xuseen
Ciise waxa laga raacay ka dib markii uu cadeeyey hamigiisa ah inuu
loolan u galo murashaxa xisbiga ee Doorashooyinka la filayo. Waxa la
wada ogyahay in iska dhaaf murashaxnimo uu aqoonyahanku hunguri ka
galo'e, si dhib iyo sasabasho leh loogu soo xaasiliyey
xubinimadiisii Golaha Dhexe.
Akhriste tibaaxda ugu danbaysa ee si cad inoogu muujinaysa in aanay
sinaan, wada tashi iyo xisbinimo ka jirin Kulmiye dhexdiisa waxa
weeyi loolankii loo galay jagada murashaxa Madaxweyne ku xigeenka ee
xisbiga. Jagadani waxa isku soo sharaxay afar murashax oo kala ah:
1. Cabdiraxman Aw Cali Faarax 2. Axmed Xaaji Cali Cadami 3. Prof.
Ismcaaiil Muumin Aare iyo 4. Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaacil (Saylici).
Afarta murashax hadii aynu mid mid u qiimayno waxa aynu arki karnaa
in masalan Cabdiraxman Aw Cali yahay siyaasi ruug cadaa ah, in badan
dalkan u soo halgamay, soo qabtay jagada Madaxweyne ku xigeen,
dhinaca aqoontana ah khabiir xaga diyaaradaha ah. Axmed Xaji Cali
Cadami waa oday hormuud ka soo ahaa Gudigii hore ee Doorashooyinka
Qaranka, waxana uu xiligaasi dad badan ka kasbaday kalsooni iyo
ixtiraam uu ku helay kaalintiisii hogaamineed. Waxa kale oo Cadami
uu baal dahab ah kaga jiraa dib u heshiisiinta iyo dib u yagleelkii
Somaliland. Prof. Ismacil Aare waa aqoonyahan sida la sheegay in
badan ka soo shaqeeyay hay'adaha caalamiga ah, duruufaha nololeed ee
dhabta ah ee dadkana si fiican ula socda. Cabdiraxman Saylici waa
ninka ugu aqoon liita raga tartamayey, waayo aragnimo siyaasadeedna
ka wata 5 sano oo uu xildhibaan gole deegaan ahaa.
Malaha isaga oo Axmed Siilaanyo ku doorbidaya Saylici khibrad
yaridiisa siyaasadeed, iyo heerka aqoontiisa ee hooseeya marka la
barbar dhigo raga tartanku ka dhexeeyo, ayuu si badheedh ah u soo
faragaliyey hanaankii doorasho ee si sinnaan ah loogu xaqsoori lahaa
murashaxiinta xisbiga, olole qaawanna u qaaday murashax Cabdiraxman
Saylici. Ha yeeshee, farigalintani ayaan-darada ahi waxa ay dhalisay
in rag culus oo miisaan ku leh xisbigu ay gaashaanka ku dhuftaan
talo maroorsiga iyo kali talisnimada Siilaanyo.
Gunaanadkii maqaalkan kooban, waxa soo ifbaxay isla markaana sida
cadceeda oo kale u soo daahiray beentii qaawanayd ee Oday Siilaanyo
la soo taagnaa hadh iyo habeen kuna sheegan jiray in xisbigiisu cid
walba u furan yahay. Dhacdadani u danbaysay ee ka dhacday Burco waxa
ay ina tusaystaa sida Odaygu si badheedh ah adhaxda uga jabiyey
xisbigiisii.
Keyse Maxamed Biixi
keybiixi@yahoo.com
Hargeysa
|