Kulankii taariikhiga ahaa ee Stockholm iyo saddexda Xildhibeen ee golaha Wakiilada Somaliland

 



Goor barqo ah baan ku warhelay in ay joogaan saddex xildhibeenno ka ah golaha Wakiilada Somaliland. Isla doonasho Ilaah----goobta ay ku soo degeen waaba xaafad aan kaba sii fogayn xaafadda aan deg genahay. Nasiibwanaagga kale waa xubno aanu isku Eyni nahay oo skuuladiina aan ku wada jirnay. Waa farxad ii gaar ahayd taasina. Waxa aynu u barannay odayaal lixdan jir ah oo golayaasha innoo  fa dhiya. Dhawr xubnood oo aan ka arkay golaha Wakiilada Somaliland waxa iiga muuqday in ay u  badan yihiin da'dii kacday todobaatanaadkii. Sidaa awgeed odayaasha inta ka weyn 65 ee ku jirta golaha  W aki ilada waxa aan odhan lahaa kuraasta banneeya. Qolyahan aanu isku gedaha nahayna waxa aan odhan lahaa 5 sannadood oo danbe ha ka badsanina haddii Ilaahay idinku simo. Waa in loo banneeyaa dhallintii siddeetamaadkii dhashay.

Aan ku soo noqdo kulankii Xildhibeenada'e. Markiiba is aragnay oo waxoogaa kaftan iyo isweraysi ah na dhexmar. Saddexda xildhibeenba waa niman codkar ahoo, waxa ay nagu rideen madaafiic waaweyn oo ay leeyihiin "Qurbajoogga waxaanu moodaynay aqoontii iyo garaadkii dalka u maqnaa, balse la  hub sayoo gorayo haad noqon weyday". Taasoo ay ku tilmaamayeen waxqabad yaraanta dadka qurbaha, marka laga hadlayo dedaalka siyaasadeed ee laga samayn karo dibedaha iyo xataa dadka oo aan  urur sanayn oo kala tafaraaraqsan. Kulankaas aanu isku aragnay saddexda Xildhibeen, waxa uu ahaa mid taariikhi ah,oo aan aad ugu farxay.

Markay taariikhdu ahayd 11/04/2011 ayuu kulan casho sharafeed ahi ka dhacay xaafadda Akalla ee Stockholm. Cashasharafeeddaa waxa fidiyey maamulka Qaran Express oo soo habeeyey soona  casuu may xubno ka mid ah jaaliyadda reer Stockholm. Hadalkii soo dhoweynta iyo warbixinta isugu jiray markii ay dhammeeyeen maamulkii Qaran Express Keyse iyo wakiilka Somaliland Md: Cadaruus Sh Adan, waxa hadalkii lagu soo dhoweeyey Xildhibeen Maxamed Nuur Carraale (Duur). Si faahfaahsan buu uga warramay dalkii, wuxuuna isdultaagay ama carrabka ku adkeeyey in dalka looga baahnaa Isbeddel siyaasadeed. Isbeddelkiina uu dhacay. Waxa uu sii iftiimiyey in Isbeddelku aanuu noqon hebel ku  bed del hebel ee ay tahay in nidaam lagu bedelo nidaam laga doonayo hurumar in uu dalka gaadhsiiyo. Haddii aan la helin horumarkaas macno samayn mayso in wax la bedelaa. Waxa uu se ku ladhay  kollay ba in dadka banii'aadamku ay jecelyhiin in wax isbedelaan. Maantana waxa ay dawladdu isku deyeysaa in ay wax bedesho oo dedaal bay muujinaysaa. Waa se in aanay ka daalin dedaalkaas ee ay sii  laban laabtaa ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray Md: Maxamed N. Carraale (Duur).

Dabadeed waxa hadalkii la wareegay Md: Maxamed Yuusuf Xaaji Axmed (Waabeeye) oo si  faahfaah san uga warramay sidii ay ku yimaaddeen dalka Finland oo ay u yimaaddeen hawl la xidhiidha  doora shooyinka ka dhici doona dalkaas. Waxa kale oo uu aad ugu mahadnaqay ciddii soo abaabushay cashasharafeedda iyo Wakiilka Somaliland Caddaruus Sh Aadan oo uu sheegay in uu fududeeyey hawlo badan oo aanay markii hore ku talo gelin sida: kulankii ay la yeesheen xidhibeenno ka tirsan baarlamaanka Sweden iyo booqashadii ay ku tegeen Aqalka baarlamaanka Sweden. Maxamed Y. Axmed (Waabeeye) waxa uu ku soo gebagabeeyey kaftan ay aad uga heleen dhammaan xubnihii goobta ku sugnaa. Xildhibeenka oo dhoollacaddaynaya ayaa yidhi: "Waar nimanyahay waa mahadsantihiin, dee inta kale ee jidka ku soo jirtaana way mahadsanyihiin iyaguna".

Cali Xasan Maxamed (Cali-Mareexaan) ayaa isna hadalkii qaatay, mahadnaqii iyo warbixintii guud markii uu dhammeeyey ayuu si dardaaran ah iyo weliba waxsheeg ah ugu soo gunaanaday hadalkiisii. In uu ka qaybgalay arrimo farabadan oo xal u baahnaa, oo marmarka qaar uu la kulmay dhibaatooyin dil ahaa oo aad u adkaa xallintooda, balse ay marmarka qaar ku dhammaanaysay dhibaatadaasi wax ka yar saddex saacadood. Waxa uu xildhibaanku si guud u sheegay in ay qurbaha kula kulmeen xaalad tafaraaraq ah oo qurbajoogga reer Somaliland meelaha qaar aanay midaysnayn, taasoo xallinteeda ay arkeen in aanay fududayn. Wax la isku hayeyna aanay jirin. Sidaa darteed buu yidhi Xildhibeenku,----dee maanta ma ay ahayn in waddamadii hore u maray ay qabyaaladi kala kaxayso. Waxaanuu kula dardaarmay in loo midoobo danta guud.

Xubnahan booqashada ku jooga Scandinavianka waxa ay in muddo ah joogi doonaan, dalka Finland oo ay hawl u yimaaddeen. Waa laga yaabaa in ay dalal kalena sii maraan marka ay hawshooda dhammaystaan. Aniga waxa ay ii ahayd kulan taariikhi ah, waxa aan aad u jeclaystay sida ay u yihii xubno dhegaysanaya talada dadkooda, jecel in ay la doodaan, si deggen ugu jawaabaya wixii la weydiiyo, aanay ku jirin Islaweyni, dadkooda ku dhexjira. Arrimahaas oo ah astaamaha lagu garto dadka jecel in wax wanaagsan loo horseedo dadka. IN aan dadka loo kala qaybin Xisbiyo, ee ay dadku kala taageeri karaan Xisbigay doonaan iyagoo u midaysan danta guud, iyagoo wada socda ee saaxiibbo ah bay kala aragti duwanaan karaan marka ay noqoto arrimaha siyaasadda ee dalka. Waxa aan ku soo afjarayaa qoraalkan, Hmbalyo ayaan leeyahay Xildhibaanada ka kala socday KULMIYE iyo UDUB ee nagu soo booqday Stockholm.

Waxaanu leenahay haddaanu nahay reer Stocholm Wan Weyn baanu idiin loogi lahayne, dee waa naga degdegteen ee noo soo noqda aanu Gool idiin Loognee!

Nabaadiino

 

 

 

 

Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf (Dhegey)
Sweden