KULANKII MADAARKA BURCO,LACAG GAADHAYSA $10,700 OO LAGU DEEQAY IYO SEDDEXDA XISBI QARAN EE SOMALILAND OO DEEQ LACAGEED UGU YABOOHAY

 



London (TNN)-Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimahay oo ay isku soo dubarideen Ururka Somal iland UK (Somaliland Society UK) ayaa habeenkii taariikhdu ahayd 10/03/2013 ka dhacday galbeed ka magaaladda London. Xafladaasi waxa ka soo qeyb galay dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid magaaladda London dacaladeeda. Xafladaasi waxa goob joog ka ahaa mas'uuliyiin ka kala so cotay seddex xisbi qaran oo uu ka mid ahaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid Md. Axmed Aden Ism aaciil (Keyse Gurey),Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen, Xildhibaan Maxamed Xaaji Yusuf ahna gud oo miye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye, Xildhibaan Cali Mareexaan, Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska,Cali Aadan Cawaale, gudoomiyaha Jaamacadda Burco,Professor Saleebaan Dirir,Gudoomiyaha SSUK Cabdale Saalim, Guddida Horumarinka Gobolka Togdheer,Gudoomiyaha Wacyigalinta iyo Abaabulka Xisbiga Waddani Nagiib Maxamed Cismaan, G West London Community Imaan Maxamed Ciise,Ciyaartooyadii Gobolka togdheer Xaamud good iyo Cabdi Good iyo marti sha raf kale oo aad u fara badan.


Safiirka Somaliland u fadhiya dalkan Ingiriiska Ambassador Cali Aadan Cawaale ayaa ugu horeyn mahadnaq usoo jeediyey dadkii soo abaabuley kulankan loogu talo galay in dhaqaale loogu ururiyo madaarka Burco,Waxa uu soo jeediyey hadalo aad u qiimo badan ,wuxuuna kula dar-daarmay in ay had iyo jeer ku dedalaan in ay sidanoo kale isugu yimadaan oo ay ka shaqeeyaan horumarka dalkooda.


Xafladaas oo ujeedadeedu ahayd dhaqaale ururin madaarka Burco waxa Gabogabadii xafladaasi loogu ururiyay dhaqaale loogu talagalay in lagu taageero dub-u-dhiska Madaarka Magaaladaasi Burco.Dhaqaalihii habeenkaa lagu yaboohay ee ay shacabka reer Somaliland bixiyeen lacag dhan $10,700 dollar waxa lacagtaa iyana ka qayb qaatay Seddexda Xisbi Qaran ee Somaliland oo iyag una ku yaboohay deeq lacageed oo kala ah Xisbiga Kulmiye $1,200; Xisbiga Ucid $1, 000; & Xisbiga Waddani $1, 000.Waxa dhamaan ka hadlay marti shafartii xaflada kasoo qaybgashay oo isugu jirt ay rag iyo Haweenba,waxa iyaguna goob-joog ka ahaa qaar ma mid ah ciyaartooyadii reer Burco ugu caansanaa oo nasiib u yeeshay inay kulanka kasoo qayb galaan, Xafladaasi oo ku soo gabo-gabowday jawi aad u fiican,Waxa geba-gebadii Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen kula sii dar daarm ay dadweynihii ka soo qeyb galay xafladaas in ay had iyo jeer heegan u ahaadaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen mashruucyadda horumarineed ee ka socda dalkoodii hooyo.


Halkan  riix si aad u daawo sawiradii xaflada




Xamse Axmed Salaan
London
www.salaanmedia.com