Kulankii Maanta ee Madaxweynaha Somaliland iyo Wefdi Balaadhan oo ka socday Hay’adda UNDP
 

Hargeysa (Longlivesomaliland news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mu dane Daahir Rayaale Kaahin, waxa u maanta ku qaabilay xarunta  madaxtooy ad da wafti ballaadhan oo ka socda laanta Qaramada midoobay ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan UNDP.

Waftigaas oo uu hogaaminayo madaxa laanta UNDP-da u qaabilsan horumarinta  ma shaariicda iyo xidhiidhka arrimaha gargaaarka bini’aadanimo Mr Mark Bowden  wa xay madaxweynaha ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin mashaariicda horumarka ah ee laanta UNDP ay ka wadaan Somaliland iyo kuwa u qorshaysan in ay ka fuliyaan mustaqbalka dhaw.

Madaxweynuhu waxa uu wafitagaasi UNDP-da si ballaadhan ugaga waramay  xaala dda abaaraha iyo roob la’aanta ku habsatay gobolo badan oo ka mid ah Somaliland iyo gar-gaarka deg-dega ah ee ay u baahan yihiin.

Madaxweynuhu isaga oo arrintaa abaaraha sii faah-faahinaya waxa uu ydhi “ Gobo ladaa abaaruhu ay ka dhaceen intooda badan dadkii xoolo dhaqadatada ahaa in badan baa xoolihii ka dhamaadeen dadkiina waxa haatan la soo gudboonaaday cunto yari iyo caafimaad xumo, sidaa awgeed waxa lagama maarmaan ah in dadkaa lala gaadho mucaawinooyin xaga cunno qaybinta iyo biyahaba la gaadhsiiyo inta aanay arrintu faraha ka bixin.

Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey in laanta UNDP iyo hay’addaha kale ee gargaarka oo ay ka mid yihiin WFP, FOA iyo UNICEF in ay ka taageeran dadka ay abaaruhu ku habsadeen ee reer Somaliland arrimaha soo socda.

1.Cunno degdeg ah oo dadka la gaadhsiiyo.
2 In xoolaha wixii ka hadhay si dhakhso ah loo talaalo, si caafimaadkooda loo sugo.
3.In laga hawl galo sidii biyo loo gaadhsiin lahaa dadka tabaalaysan, caafimaadko od ana loo sugi lahaa hadii Eebe idmo.

Mr Mark Bowden wakiilka UNDP waxa uu marka hore uga mahad naqay  madaxweyn aha soo dhawaynta fiican ee uu u fidiyey isaga iyo waftigiisa iyadoo aanay hayn  ma rkii ugu horeysay ee ay Somaliland yimaadaaan.

Mr Bowden waxa kale oo uu sheegay in laanta UNDP ay kordhin doonto  mucaawin ooyinka ay Somaliland ka siiso dhinaca horumarinta biyaha, isla markaana waxa uu sheegay in uu si dhakhso ah u gaadhsiin doono xafiisyada qaramada misdoonbay u qaabilsan taakulaynta dadka baaraha iyo biyo la’aantu ay ku dhacday ee reer Som aliland.


Mr Bowdan mar uu soo qaaday mashaariicda horumarinta ah ee laanta UNDP ka  wa ddo Somaliland waxa uu sheegay in dhismihii jeelka magaalada Hargeysa in la  dha mays tiri doono inta ka horeysa sannadkan dabayaaqadiisa iyada oo waliba UNDP-du Somaliland ay ka taageeri doonto jeelka loogu talo galay caruurta falalka  damb yada ah gasha kaasoo laga hirgalin doono tuulada mija caseeye oo markii hore laga bilaabay.

Kulankaa madaxweynuhu uu maanta layeeshay waftigaa ka socda laanta UNDP waxa kale oo goob joog ka ahaa wasiirka qorhaynta Mudane Cali Ibraahim (Cali Sanyare).
 


Allaa Mahad Leh
 



Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenak madaxtooyadda JSL