KULANKII KAAH HOTEL:
Wejiga Runta ah ee KULMIYE
iyo Gabboose !!!!!!!
Waa maalin jimce ah, 2dii bisha
April salaaddii casar kadib. Dhallinyaro aanu asxaab nahay ayaa ila
soo hadlay, kuye waar Cabdishakuuroow ma KAAH HOTEL ayaad joogtaa?
Yaabay, oo is weydiiyay waxan KAAH HOTEL ka jira. haddaan
xasuustaydii dib u ceshay, waxaan xasuustay war maalmahan ba ay
dhallinyaradu hadal haysay, oo ahaa beel dhallinyarteeda ku
kulminaysa kulan ay ka soo qaybgalayaan madaxda xisbiga KULMIYE.
Anigaa ilaaway ee kaadhkii ka qaybgalka waan arkay, waxaan se is
weydiiyay hadalkan dadku sheegayaan iyo kaadhka waxa ku qorani isma
lahee waa sidee? Dadku waxay shee gayeen kulan beel
dhallinyarteeda iyo madaxda xisbiga KULMIYE dhex maraya, kaadhka ka
qaybgalkana waxaa ku qoran dad isbedeldoon ah iyo xisbiga KULMIYE oo
ku kulmaya KAAH HOTEL.
Si kasta oo ay noqoto ba, anigu labada goor marna ma tageen. Waayo
labada fikradood midna ma aaminsani. Isbedeldoon waan ahay, laakiin
isbedelka aan doonayaa maaha in xukumada oo qudha la bedelo, ee waa
in siyaasadeena oo dhan wax laga bedelo. Xaasha! Dembi qaran ayaan u
arkaa in mabda’ayga iyo aragtidaydu ku salaysnaadan qabyaalad iyo
qudhun. Qaaq qadhaadhaa oo fool xumaa!
Haddaan u daadago dulucda qoraalkayga, runtii Somaliland marka dusha
laga eego wax aad arkaysaa qaran jira oo dhisan oo weliba
buuxiyay shuruudihii dawladnimada, laakiin markaad hoos u fiirisid
waxaad ka daalacanaysaa qabyada iyo qudhunka siyaasadu ay sababtay.
Waa dal dadkiisu daacad yahay oo waa kii Abwaan Hadraawi lahaa
“Bulshade enu waa duul, daacad iyo xishood badan” waa dad qaranimadu
ka dhab tahay, qiiro dawladnimo na u dheer tahay, laakiin maxay
kaaga taala waxaa helay siyaasiyiin danley ah. Siyaasigeenu mucaarid
iyo muxafid ba waa danley, kursi jaceyl, afxumo, dantaada ka raac
iyo qabyaaladayn ayaa u ah mabda’. Dadku iskuma jiree, inta xun ayaa
badan. Way jiraan rag ilaahay caqli iyo iimaan labadaba siiyey,
dadkuna way yaqaanaan, laakiin waa iska sabana aakhiroo wax ba
lagama dhageysto. Beenta ayaa runta laga doorbidaa, duli ayaa daacad
lagu doorsaday, af ku xooglaha ayaa laga jecel yahay aqoonyahanka.
Siyaasi ma tihid hadaanad caytamayn, danaysanayn ama aanad
qabyaaladaynayn. Alle ha inoo sikhree, waa xaalada aynu ku suganahay.
KULMIYE: MA WAXAAN KU MOODAY, MISE WAXAAD NOQOTAY !!
Kulmiye waa xisbi qaran oo la jecel yahay, rag badan oo culus ayaa
ku jira, waxaa tagee ra misaanka bulshadeena oo ah haweenka
iyo dhallinyarada. Kuma taageeran reernimo ama qabyaalad. Garan
maayo, waxan ku kelifay inuu qabyaalad tageero ku raadsado. Toloow
ma waxaa dhab ah hadaladii Cismaan Hindi iyo Muj. Cali Guray ee ay
ku sheegaye en inuu KULMIYE yahay xisbi qabyaaladeed. Waa run
siyaasada soomaaliyeed waa cayn kan, laakiin miyaan laga
korayn qabyaalada, maxaa dib inoo ceshay? Sowka KULMIYE she
egta inuu yahay xisbi dimuqraadiyadeed, hadduu talada dalka ku
guulaysto, ma sidan buu bulshada ku maamulayaa? Haddii ba reernimo
loogu ololaynayo, dabcan reernimo ayaa wax lagaga doonayaa, lagagana
dooni doonaa.
GABBOOSE MID BAAN ODHANAYAA!
Uf qabiilka annaa leh,
Wuxuun baa ku addeegta,
Nin iskii kartidiisa,
Isku taagi karayn,
Una haysta ateero,
Ayaantu dembi gaysto.
Laga hoos galo eedda!
- ERGO,
GAARRIYE
Gaboosoow, waxaad tahay
aqoonyahan iyo siyaasi caan ah. Dalka taariikh ayaad ku leedahay,
waad ogayd markaad xidhnaydeen sidii la idiinku mudaharaaday,
beeshaada oo qudh ahi may mudaharaadayn ee ummadda Somaliland oo
dhan baa u doodaysay sii dayntiina, imikana dad badan oo cid walba
leh ayaa ku taageera. Waa ayaan darro adigoo u ololaynaya murashax
madaxweyne, inaad adeegsato reerkaaga, haddaad hore u ahayd siyaasi
qaran, maanta waxaad noqotay siyaasi reer u taagan ee barasho
wanaagsan adeer! Waxaan aad uga xumahay in adiga oo kale aad san u
fikirtid, waxaa lagugu yaqaanay odaynimo, aqoon iyo karti, laakiin
aniga iyo dhallinyarta ila fikirka ahiba waanu ku baranay.
DHALLINYARTANA AAN LA DARDAARMO!
Ayid waad is xigtaaniyo,
Idinkaa isku reerriyo,
Aqligii lixdan kii,
Maanta iib gali maayo!
Sidaan aaminsanahayna,
Af kuu doono ha sheegtee,
Wuxuun baa ehel ii ah,
Dadka kaan af aqaano’ee
Si wax ii la arkaya’ee
Na midayso ujeeddo!
- ERGO, GAARRIYE
Saaxiibayaal, waxaynu nahay dhallinyar mustaqbal leh. Mustaqbalka
wadankuna waa in aga. Waad aragtiin aabayaasheen halkay ina
dhigeen, waad aragtiin in talada siyaasige enu qaranjab tahay,
waanad og tihiin khiyaaliga iyo hirarka beenta ah ee bulshadeena
lagu maaweelinaayo. Bal xisaabtamoo intaas oo dhan haddii laysku
daro maxaa ku soo baxaya? Mustaqbal la’aan, faqri, jahli iyo aayo
la’aanta dalkeena oo sii xoogaysata. Bal haddaba waa kuma qofka ay
wax ka xumaanayaan? Waa adiga oo ah dhallinyar. Ninkan siyaasiga ahi
wuu shaqeystay, cimrigiisiina wuu soo qaatay, dal iyo dad toona dan
kama laha, caqli xumadooda baasaaboor iyo dal qalaad ayey ubadkoogii
ku halaynayaan. Waa adiga qofka noloshiisa lagu ciyaarayaa, doqoneey
dabkaa ba’a, adna waad u sacabina ysaa. Maxaad uga cabaadaysaa
shaqo la’aanta, musuqmaasuqa iyo caddaalad darrada, adigaa u
ogolaaday oo firsad u siiyay. Is weydii goor maad u ogolaatay
musuqmaasuqa? Markaad reernimo wax ku dooratay, qabyaaladna aad wax
kaga doontay, ee aad weliba reernimo wax dalka u dan ahaa ku diiday.
Ciil badanaa markaas ayaad weliba doonaysa in lagu aqoonsado, oo aad
hesho mustaqbal wanaagsan, caddaalad iyo nolol aad u sareysa.
Dhallinyarooy, waad qardo-jeexdeen, dhib ayaad raaxo moodeen, habeen
madow ayaad maalin cad u haysatiin, maxaa adigoo dhallinyaro ah,
jecel inaad mustaqbal fiican heshid, nolosha macaankeegii kuu dhiman
yahay, kugu soo celinaya anaa reer hebel ah iyo caqligii lixdankii?
Dalka oo dhan adigoo sheegan kara, maxaa deegaan qudha kugu
naanaabiyey? Maxaad adigoo dadkaaga ku dhexjira, iskaga soocaysaa?
Qalinkii: Cabdishakuur Cali Muxumed Cilmi
Kuuliyadda sharciga, Jaamacadda Hargeysa
awmuxumed@yahoo.com
4460167
|