Kulanka Safiir Baashe Cawil la qaatay shalay Jaali yadda ayaa ujeedadiisa la sheegay inay ahayd is-xogwaraysi iyo isbarasho 

 


Abu Dhabi (TNN) :-Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil o o warbixin faahfaahsan ka siiyey xubnahii jaaliyadda ee ka soo qeybgalay kulanka afura da, ayaa sheegay maadama uu yahay safiirkii dhamaan jaaliyadda reer Somaliland ee d alka Imaaraadka Carabtu, waajibkiisa tahay inuu xogwaran ka siiyo mashaariicda horu marineed ee dalka ka socota, gaar ahaan kuwa dalka Imaaraadku ka fuliyeen, ama xilli gan qorsheysan inay fuliyaan, sida dhismaha dhaamamka biyaha ee gobolada dalka qaa rkood, taageeradii xilliyada kala duwan ay ka geysteen taakulayntii abaaraha, iyo mash aariicda horumarinta kaabayaasha waxbarashada, caafimaadka, iwm.

Mr. Baashe Cawil ayaa si weyn u amaanay kaalinta dalka Imaaraadka carabtu ka qaate en horumarinta dhaqaalaha iyo kaabayaasha Somaliland dhinacyada kala duwan, isla m arkaana noqoday wadankii ugu horeeyey ee maalgashi farabadan ku aaminay inuu gash ado dalka oo heshiis casriyeyn la galay dekeda Berbera, taasoo la filayo inay wax badan ka qaato kobcinta dhaqaalaha dalka iyo dadka Somaliland, taasoo saxeexida heshiiskaa si keenay in indhaha caalamku u soo jeediso maalgashiga dalka, xilligana dhaq dhaqaaq yo badan oo dhinaca maalgashiga dalku la xidhiidha ifafaalahiisu bilaabmay.

Mr. Baashe Cawil ayaa u soo jeediyey bulshada Somaliland guddo/ dibedba iyo xisbiyada mucaaradka muhiimada ay leedahay isku-duubnidu iyo in qeybaha bulshadu taageerto soona dhoweyso wax kastoo cusub oo dalka u soo kordha, meelna looga soo wada jees to ka ilaasashadeeda cid kastoo isku deyda inay majara-habaabiso, iyagoo u adeegaya da dhinacyo diidan, maadama taasi u noqon doonto dhaxal jiilasha soo socda ee dadkee na.

Dhinaca kale, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil Cumar ayaa dhambaal tacsi ah u diray geeridii ku timi maxruux Maxamed cabdi Iskeerse, oo galabta ku geeryooday cusbitaalka Hargeysa.
Ninba intuu jiraba waa mid aan laga jawaabayne,
Jibaadkiyo baroor maatadaa jawda damin weyday,
Jagaduu banneeyay ilmada jagac ka siiyeene,
Allahayow janee oo ka yeel Nebiga jaarkiisa, Aamiin

INNAA LILAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Geeri kastaa naxdin iyo murugo deeda ay ay leedahay. Haseyeeshee, geeriyahu kala naxdin badan oo kala saameyn culus. Waxaa n dhamaan Reer Mohamed Abdi Iskeerse ka tacsiyadeenayaa geeridaa naxdinta leh, ee ku timid Marxuum Mohamed Abdi Iskeerse, oo aanu ahyn saaxiib gaar ah, Isla markaaa na ahaa halgamaa door lixaadleh kasoo qaatay olalihii Xisbiga Kulmiye, iyo dib u dhiskii qarankan Somaliland. Waxaaan allaha awoodleh u waydiinaynaa marxuumkaa in uu qab riga u nuuro, ehelkiisa iyo dhamaan Reer Somaliland na samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin.
Mr. Baashe Cawil ayaa sheegay in marxuum Siyaasi Maxamed cabdi Iskeerse taariikh dh eer la soo maray xilligii xisbiga Kulmiye aasaaskiisu ka socday dalka Maraykanka, xidhiidh fiicana u dhexeyn jiray, waxaanu Ilaahay uga baryey inuu naxariistiisa Jannatul Fardo wsa ka waraabiyo, ehelkiisii, qaraabadii, xisbiga Kulmiye iyo dhamaan ummada reer Som a liland samir iyo iimaan ka siiyo.