WAR-SAXAAFADEED

 


Ujeeddo: Kulanka hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo Mac-had Caalami ah

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha hoggaanka sare xisbigu waxa y kulan ballaadhan la yeesheen wefti ka socda Mac-hadka Arrimaha Doorashooyinka ee Jo ogtaynta Dimuqraadiyadda Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo EISA (Electoral Institute f or Sustainable Democracy in Africa) oo fadhigiisu yahay Koonfur Afrika, maanta oo taariikh du tahay 27/02/2016.

Hoggaanka sare KULMIYE oo xafiiska Murrashaxa xisbiga ku qaabilay weftigan oo ka kooba n lix xubnood oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Mac-hadka EISA Mr. Denis Kadima iyo khub aro wehelinaysa, kuwaas oo ururka Midowga Yurub u soo wakiishay xogogaal u noqoshada iyo qiimayn ay ku sameeyaan xaaladaha iyo duruufaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee waqtigan ka socota dalka iyo doorashooyinka Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada ee u qo rshaysan horraanta sannadka dambe ee 2017-ka.

masuuliyiinta xisbiga KULMIYE iyo xubnaha weftigu waxay ka wadahadleen habsami-u-soc odka diiwaangelinta codbixiyayaasha ilaa hadda laga hirgeliyey Gobollada Togdheer iyo Aw dal oo weli ay ka socoto, sidoo kalena waxay wax iska waydiiyeen hawlaha u diyaargarow ga doorashooyinka iyo wixii caqabado ah ee hortaagan qabsoomidooda iyo weliba aragtida xisbiga ee doorashooyinka isa-saarka ah ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.

Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo xubnaha kale ee hoggaanka xisbigu waxay wef tiga siiyeen xog-warran ku saabsan hawlaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka, iyagoo u sheegay in diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland ilaa hadda si fiican u socoto oo aana y jirin wax caqabad ah oo ka horyimi, isla markaana waxay carrabka ku adkeeyeen in Komis hanka Doorashooyinku u baahan yahay in loo dedejiyo taageerada beesha caalamka si aan ay hawlaha samaynta kaadhadhka codbixinta iyo dhammaystirka hirgelinta diiwa angelintu hakad uga galin.


Waxa kaloo madaxda KULMIYE u sheegeen weftigaasi inay xisbi ahaan iyo xukuumad ahaa nba diyaar u yihiin doorashooyinka oo ay dhammaystireen wixii kaga beegnaa dhankooda, kuna kalsoonyihiin inay si ammaan ah u dhici doonaan, isla markaana isa-saarka doorash ooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu yihiin wax hore Qaranku isula qaatay oo lagu mideeyey xeer, inkastoo laba doorasho oo hal mar la wadaqabtaa culayskooda leeyihiin oo ay ku cusub yihiin dalka iyo Guddiga Doorashooyinkaba.

Hasa yeeshee, xeerka doorashada Golaha Wakiillada aannu weli diyaar ahayn oo uu ku laa lan yahay aqalka Baarlamanka, sidaasi darteedna loo baahan yahay in la dedejiyo samayn ta xeerkaasi.
 

 


Alla Mahad Leh

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE