KULAN XIISO LAHAA:
Gudiddii Dhaqaalaha Golaha Wakiilada iyo Ardayda Somaliland Ee Wax
ka Barata Uganda

Kulan weyn oo ah kii noociisa ugu
horeeyey ayaa dhexmaray Xubnaha G udidda Dhaqaalaha Golaha Wakiilada
Somaliland oo hadda yugaadha ku sugan iyo ardayda Somaliland ee
dalka uganda wax ka barata habeenkii khamiistu soo galaysay ee 13ka
bishani May. Kulankan oo ahaa mid si we yn loo soo agaasimay, ahaana
midkii ugu horeeyey ee dhex mara madax heer qaran iyo ardayda ayaa
lagu qabtay Food Plaza Restraunt.
Agaasinka xafladani oo ay si weyn
u soo abaabuleen ururka ardayda Somaliland ee Uganda oo uu taageero
mug leh ka qaatay mulkiilaha hotelkan cusub, Axmed Muuse.
Munaasibadda kulankan waxaa lagu bilaabay ayaadaha quraanka kariimka,
waxaana la gudo galay ubucdii kulanka oo ahayd is xog weraysi ku
saabsan xaalada nololeed ee ardayda iyo ta dalkiiba. Waxaa ugu
horayn lagu soo dhaweeyey, gudoomiyaha ardayda Somaliland , Mudane
Cabdixamiid Maxamuud Cumar, oo si qoto dheer uga warbixiyey xaalada
nololeed iyo duruufaha ardayda ku gadaaman. Wuxuu ku nuuxnuuxs aday
baahida loo qabo in la joogteeyo xidhiidhka ardayda iyo kan
xukuumada, si looga warhayo maraaxiisha kala duwan ee ardaydu
marayso. Wuxuu mahannaq balaadhan u jeediyey xubnaha Gudidda
Dhaqaalaha Golaha Wakiilada, kuna tilmaamay halyeeyo gartay inay la
xaajoodaan ardaydii dalkooda. Waxaa kale oo gudoomiyuhu amaan u
jeediyey ardayda reer somaliland ee dalkani oo kaalin hormoodnimo
kaga jira jaamacadaha dalkani, kunna tilmaamay inay yihiin ardayda
ugu dadaalka badan ardaydada wadamada kala duwan ka timid ee dalka
uganda wax ku barta. Cabdixamiid wuxuu carbaabey in ardaydu yihiin
safiiro sida ugu quruxoon u matala dalkoodii hooyo, maadama ayuu
yidhi aanu wax wakiil Somaliland ahi dalkani u joogin. Waxaa kale oo
gudoomiyuhu sheegay qiyaasta ardayda Somaliland wax ka barta oo
tiradoodu gaadhayso 70 arday oo 65 kamid ahi wax kabartaaan
jaamacada KIU, labadeeda qaybood ee ku kala yaala caasimada iyo
magaalada Ishaka oo ku taala galbeedka wadankan.
Kadib hadalkii furitaanka gudoomiyaha ardayda, waxaa mikirifoonka la
wareegay, xoghaya warfaafinta ururka ardayda Somaliland, Mudane
Siciid Maxamed Cismaan. Xoghayahu wuxuu mahanaq ka dib u falamo
guray fursadaha waxbarasho ee dalka Uganda, siyaabaha lagu iman karo
iyo sababaha keentay in ardaydu halkani uga doorbido wadamo badan oo
dunida ku yaal oo ardayda Somaliland waxbarasho ugu socdaasho.
Mudane Siciid wuxuu faahfaahin hufan ka bixiyey fursadaha waxbarasho
ee dihin ee dalka Uganda ee loo baahnaa in aynu ka faa’iidaysano.
Wuxuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in xukuumada Somaliland ka
hawl gasho sidii xidhiidh waxbarasho ula samaysan lahayd dalkani, si
buu yidhi, loogu helo arday badan waxbarasho bilaash ah oo suurtobi
karta haddii guntiga dhiisha layskaga dhigo, loona xasiliyo baahida
macaliin la’aaneed ee dalkeenii ka jirta sababtoo ah buu tilmaamay
inay ka jaban yihiin macalimiin dhulal aad u fog fog laga keeno,
kanna waxbarasho fiican yihiin.
Dhinaca kale, markii madaxda ururka ardayda somaliland ee Uganda ka
warbixiyeen duruufaha iyo xaaladaha nololeed ee ardayda, waxaa
madashii la wareegay xildhibaaanadii Gudida dhaqaalaha oo ay
wehiliyaan xoghaya guud ee golaha wakiiladu iyo xoghaynta gaarka ah
ee gudida dhaqaaluhu. Gudidadan oo uu hogaaminayey Xildhibaan Duur
ayaa sheegay in gudoomiyahoodii safar shaqo kaga maqnaa isaguna uu
gudoominayo xubnaha. Wuxuu ardayda uga mahad celiyey sida sharafta
iyo maamuska leh ee ay ugu soo dhaweeyeen dalka Uganda, oo uu
sheegay in run ahaantii uu si fiican ula dhacay. Magacyada
xildhibaanada yimi Uganda ee kulankaasi kala qayb galay ardayda:
Xildhibaan
Duur
Xildhbiaan
Bukhaari
Xildhibaan
Buluqaas
Xildhibaan
Cali Gabilay
Xildhibaan
Cali Mareexaan
Xildhibaan
Naasir Xaaji Cali Shire
Xildhibaan
Maxamed-Kayse
Xildhibaan
Maxamed Jaamac
Gudoomiyaha gudidani Mudane Duur ayaa ka cudurdaartaay in
Gudoomiyihii Guddida Dhaqaaluhu aanu la socon oo uu safar ugu
kicintay dalka Britian. Wuxuu ka warbixiyey ulajeedadda rasmiga ah
ee safarkoodani oo sheegay inay casuumad rasmi ka heleen dhigooda
barlaamanka Uganda si buu yidhi ay wax uga bartaan habka loo
naaqisho miisaaniyada iyo sida loo ansixiyo labadaba.
Waxaa sidoo kale halkaa ka hadal Xildhibaan Cali Gebiley, oo ahaa
odayga ugu da’ weyn gudida, siduu sheegay xildhibaan Duur. Mudane
Gebiley wuxuu dib u milicsaday geedi socodkii nabadeed ee Somaliland
iyo siday ku timidba. Wuxuu ardayda ku waaniyey in ay qaranimadooda
ilaashadaan, kunna dadaalaan sidii ay uga midho dhalin lahaayeen
muhiimada ay halkani u joogaan ee waxbarasho.
Dhinaca kale, waxaa mikirifoonka lagu soo dhaweeyey Xildhibaan
Naasir Xaaji Cali. Xildhibaanku wuxuu si dul ka xaadis ah u taabtay
waxqabadkooda guddi dhaqaale ahaan oo uu ku tilmaamay mid meel
fiican maraya, hirgeliyeena in si fiican ay u faaqidaan miisaaniyada
dalka lanna yeesheen xidhiidho kala duwan meelo ka baxsan Somaliland
sida Uganda. Xildhibaanku wuxuu ardayda ugu bushaareeyey in Ururka
Somaliland Forum oo uu ka mid yahay, ay dhawaan ku qaban doonaan
shirweyne caalamiya oo lagu lafa guri doono sidii loo ictiraafi
lahaa Somaliland. Shirkaasi oo lagu casuumi doono dad aqoon sare leh
oo ka kala socda wadamo kala duwan. Wuxuu sheegay inuu marti qaad u
fidiyey Gudoomiyaha Guddida Arimaha Dibada ee barlamaanka Uganda si
uu uga qayb galo kulankaasi, isana buu yidhi waa naga ajiibay.
Ka dib xog warankii mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa
Aadan Ciise oo ah madaxda Dahabshiil ee Uganda codsi u mariyey
xildhibaanada si buu yidhi loo taageero lix arday oo Somaliland ka
timid oo scholarshipkii ay ku dhiganayeen qaybta caafimaadka ee
jaamacadda Kampala International University ka idlaaday. Wuxuu
halkaasi ka sheegay in ilaa iyo haatan looga ururiyey lacag
gaadhaysa 25,000 dollar ganacsatada Soomaalida ah ee Uganda, loonna
baahan yahay 50,000 dollar si inta ka dhiman looga kafeeyo. Wuxuu
isagoo ardaydaasi codsigooda gudbinaya sheegay, in ganacsada,
xukuumada, iyo intii kale ee wax is bidi kartaaba kaalmo laaxad leh
la soo gaadho ardaydaasi ammintii scholarshipkoodu ka eeg tahay.
Gebo gebaddii kulanka, ahaydana meeshii ugu xiisaha badnayd, ayaa
ardaydo oo hamuuun u qabay su’aalo ay xildhibaanada weydiiyaan, ayaa
makarafoonka dhankooda loo jiiday. Ardayda oo si bisil uga warsaday
arrimo dhawr ah oo ku aadan siyaasada, dhaqaalaha, waxbarashada iwm.
Kuwaas oo kuwoodii ugu mudnaa ay ka mid ahaayeen sidii loo qabyo
tiri lahaa distoorka dalka u dejisan iyo shuruucda kalee la
halmaashaba iyo talooyin ku aadan sidii doorashooyinka dalka loo
midayn lahaa. Waxay xildhibaadu iyagoo su’aalaha si fiican u
qaybsanaya ka bixiyeen jawaabo waafiya oo baddi qanciyey ardaydii.
Gebi ahaan kulankan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan, oo si habsami
leh ku soo afjarmay. Kulankan ayaa ahaa mid aad moodaysay
xildhibaanadu in ay wejiyadooda farxadi ku dheehnayd, iyo ardayda oo
sacab ugu hagar baxay. Waxay xildhibaanadu ku balan qaadeen in
cabshooyinka ardayda iyo duruufaha jiraba ay u gudbin doonaan
shacabkii iyo xukuumadii ay ka yimaadeenba
Xoghayaha Warfaafinta Ururka Ardayda Somaliland Ee Uganda
Siciid
Maxamed X. Cismaan
Cismaan20@hotmail.com
|