Kulan qado ah oo ay wada yeesheen Wasiirka Arimaha Dibada iyo Salaadiinta magaalada Hargeysa.

 

 

Hargeisa (TNN) -Kulan qado ah oo ay wada yeesheen Wasiirka Arimaha Dibada,DR. Maxamed Cab dillaahi Cumar, sulaadiin iyo sheekhal baladka magaalada Hargeysa.


Kulankaas oo ka dhacay hotelka Summer Time, arimaha ugu mihiimsanaa ee lagaga wada hadlay waxa ka mid ahaa; iswaraysi iyo wada tashi ay kaga hadleen xaalada guud ee dalka dhinacyadiisa kala duwan.

Sulaandiinta kulankaas ka soo qayb galay waxa ka mid ahaa:

1. Ugaas Ibaahin Axmed Kaahin (Jilbadhige)
2. Suldaan Xusen Ismaaciil Geele
3. Suldaan Xiis Barre Yuusuf
4. Suldaan Jaamac Cismaan Aadan
5. Suldaan Ibraahin Sulub Nuur
6. Suldaan Ismaaciil Suldan Cabdiraxman
7. Suldaan Xasan Nuur Askar
8. Suldaan Xusen Aw muuse
9. Suldan Axmed Nuur Samaale
10. Suldaan Axmed Daahir Cilmi
11. Suldaan Ismacil Aadan Baxar

Waxa kale oo ka mid ahaa odayaashii kulankaa goobjoogga ka ahaa sheekhal baladka magaalada Hargeysa, Sh. Farxiye Sh. Ibrahin Sh. Yuusuf Sh. Madar.

Salaadiinta halkaa ka hadashay waxa ka mid ahaa Suldan Jaamac Cimaan Aadan oo kulanka furay ayaa ka hadlay isku imaatinka iyo wada tashigu qiimaha uu leeyahay iyo sida marwalba ay sulaa diintu heeganka ugu yihiin horumarka ummadda reer Somaliland.

Waxaa kale oo halkaa ka hadlay Suldaan Axmed Nuur Samaale oo ku dheeraaday taariikhdii iyo dhaqan wanaaggii soo jireenka ahaa ee ummadda reer Somaliland. Waxaanu ku dhiirrigaliyey in lasii xoojiyo dhaqan wanaaggaa.

Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadlay Ugaas Ibraahin Jilbadhige Kuna booriyey sulaadiinta iyo Wasiirka in laysku xidhnaaado lana sii wado xidhiidhka iyo wada tashiga quruxdabadan ee ay maanta iskugu yimaadeen halkan.

Waxa ugu danbayntii halkaa ka hadlay Wasiirka, DR Maxamed Cabdillaahi Cumar oo aad ugu mah adnaqay sulaadiinta kulankan ay iskugu yimaadeen kuna amaanay dadaalka ay ugu jiraan isku s oo dhawaynta ummadda ay xilka u hayaan.

Waxa u wasiirku ka hadlay waajibaadka kala duwan ee xukuumada iyo madax dhaqameedka iyo masuuliyadaha ay wadaagaan ee ka saaran ummadda ay madaxda u yihiin.

Wax u wasiirku ku booriyey madax dhaqameedyada adkaynta nabadgalyada iyo in meel looga so o wada jeesto layskana kaashado danaha qaranka, xukuumad iyo shacabba.

Gabagabadii waxa halkaa duco iyo allabari ka soo jeediyey Sh. Farxiye Sh. Ibrahin Sh. Madar.

Kulankaas oo ku dhamaaday jawi farxadleh waxa ay odayaashu ugu danbaystii ku dhamaystireen booqasho ay ku tageen maqaamka sheikh madar ee magaalada Hargeysa.

Source:Somaliland.Org