Kulan Maanta Dhex Maray Madaxweynaha Somaliland iyo Wefdi Ka Socda Hay’adda UNDP

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefdi balaadhan oo ka socda Laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta Mashaariicda ee loo yaqaano UDNP.

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu si weyn ugu mahad naqay imaatinka wefdiga ka socda laanta QM ee UNDP ay ku yimaadeen Somaliland , iyaga oo u kuur galaya dhacdadii foosha xumayd ee argagaxisadu ka fulisay saddex goobood oo ka tirsan Magaalada Hargeysa oo ay ka mid ahayd xaruntii UNDP ay ku lahayd Hargeysa.Madaxweynuhu mar uu ka hadlayay dhacdadii argagaxisada ee ka dhacday 29-kii bishii hore Magaalada Hargeysa, waxa uu tibaaxay in dhacdadaasi ay la mid ahayd kuwo badan oo dunida daafaheeda ka dhacay, haddii ay noqoto Maraykan , Yurub , Aasiya iyo Afrika

Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu sheegay in dhacdadan oo kale argagaxisadu ay isku dayeen in ay ka fuliyaan Somaliland , hase yeeshee aanu hore uga guulaysan , waxase nasiib darro ah in tan cusub ee nagu dhacday ay ahayd mid aanan ka warqabin.

Madaxweynuhu waxa uu ka codsaday laanta UDNP iyo hay’adaha kale aan dawliga ahayn ee ka hawl gala Somaliland in ay halkii ka sii wadaan waxqabadkoodii iyo mashaariicdii ay ka wadeen dalka oo aanay dhacdadii wax saamayn ah ku yeelan iskaashiga iyo wax wada qabsiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo hay’addaha UNDP ay ka mid tahay.

Mr Mark Bowden oo u qaabilsan Hay’adda Qaramada Midoobay Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu Madaxweynaha iyo xukuumada Somalilandba uga mahad naqay soo dhawaynta fiican ee ay kala kulmeen mudadii gaabnayd ee ay dalka ku sugnaayeen, waxana uu sheegay in ujeedada socdaalkoodu ay tahay in ay u kuur galaan dhacdadii foosha xumayd ee argagixisadu ka fulisay Somaliland iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen iyaga iyo Xukuumada Somaliland.

Mr Bowden waxa kale oo uu cadeeyay in laanta UNDP ay sii wadi doonto Mashaariicdii horumarka ahayd ee ay ka wadeen Somaliland, xukuumada Somalilandna iska kaashan doonaan baadhista iyo xogaha ku saabsan kuwii falkaasi foosha xun gaystay iyo mustaqbalkaba sidii looga gaashaaman lahaa in arrimaha noocan oo kale ahi dalka ka dhacaan, waxana uu sheegay in marnaba dhacdadaasi aanay xakamaynayn wax wada qabsigii iyo iskaashigii ka dhexeeyay iyaga iyo xukuumada iyo fulintii mashaariicdii horumarinta ahayd ee ay dalka ka wadeen oo sidoodii u socon doona.


Waxa kale oo kulankaasi goob joog ka ahaa Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Qorshaynta Mudane Cali Ibraahim “Cali Sanyare” iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale.
 

Alla Mahad

Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

 


SN