Kulan
lagu xoojinayo wada Shaqaybnta Booliska iyo Xaafadaha oo Burco ka
Furmay
Burco (Timacade news)-Kulan
balaadhan oo lagaga hadlayo sidii loo xoojin lahaa w ada
shaqaynta ciidamada Booliska iyo guddiyada xaafadaha oo ay ka qayb
qaada nayaan guddiyada ilaa 7 Degmo Somaliland ayaa manta ka furmay
Magaalada Bur co ee Gobalka Togdheer.
Kulankan oo soconaya muddo afar maalmooda oo ayna iska kaashanayaan
fulintiisa Hay’ada Horn Peace /DRC oo ahaa kii ugu balaadhnaa ee
lagu qabto Burco ayaa w axaa ka qayb galaya in ka badan 120
Xubnood oo isugu jira Madaxda Booliska, Cuq aasha, iyo guddiyada
xaafadaha ee degmooyinka Burco, Berbera, Laascaanood, S heekh,
Wajaale, iyo Ceerigaabo waxaanay ahmiyada tahay in laysku xidho oo
kor l oo qaado habka wada shaqaynayd ee ciidamada amaanka iyo
dadweynaha.
Duqa Burco Maxamuud Axmed Xasan Dhego lab oo isaguna furey saaka
kulankaasi ayaa waxaa uu cadeeyey in abuurista gudiyada xaafadaha ay
hawl culus ka furte en gudida nabad gelyada iyo weliba
maamulka degmadaba.
Gudoomiyahan waxaa uu xusay inay weliba ay mashaariic iskaa wax u
qabso ah ay fuliyeen xaafadaha, Duqa Burco waxaa kale oo uu cadeeyey
inay dhinacyada ama anka ay ka waxtar badan ka gaysteen
kuwaasi oo ay isku xidhmeen masuuliyiinta xaafadaha iyo saldhigyada
Booliska, balse waxaa ugu baaqay inay madaxda Booli ska ay
xaqiijiyaan siday ula xidhiidhi lahaayeen xaafadahaas, taasi oo ah
mida ugu dhibta badan isgaadhsiinteeda.
Sidoo kalena madaxa xidhiidhka mashaariicda Hay’ada Horn Peace
Maxamed Cali M axamed oo isagu faahfaahin ka bixinayey
qorshaha kulankan ayna waxaa uu cade eyey in talaabadan oo
horey looga bilaabay Magaalada Burco 2004, ay ku fidiyeen deegaamo
badan oo ka mida Gobalka Togdheer, iyada oo nuxurka laga duulayana
yahay in la kala fahmo sidii Booliska looga gacan siin lahaa .
Sarkaalkani waxaa uu sheegay inay qorshan ay horumar ku sameeyeen
guddiyada xaafaduhu, kuwaasi oo xalilay mashaakil badan oo ay
maxkamaduhu u taagwaaye en sida kiisaska dhulka , taasi oo uu
xusay in askarigu u baahan yahay gacan siin uu wax ku qabto.
Kulankan oo ay ku kulmeen dhinacyada amaanka iyo bulshada ayaa waxaa
uu ku s oo beegmay xili ay degmada Burco ka abuurmeen in ka
badan 500 xubnood oo laga sameeyey tiro ku dhow 45 goobood oo ah
xaafadaha Burco, kuwaasi oo wada sha qayn dhow la leh
ciidamada Booliska Gobolka .
Ugu danbayntii kulankan ayaa iyaguna waxaa ka mid ahaa masuuliyiinta
ka hadas hay Xildhibaano Golaha Deegaanka Burco oo horjoogo u
ah, guddiyada Burco oo ka koobnaa ilaa 5 Xildhibaan iyo weliba
sarkaalka DRC u qaaabilsan dhinaca wacyi geli nta Axmed
Yaasiin
Reported By: Yusuf Ibraahim Warsame
Ilka Case, Burco
Email: xagaa67@hotmail.com
|