Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland oo kulan Balaadhan ku Soo Bandhigtay Qorshaha Siyaasadeed ee Arimaha Dibada iyo Guulihii laga Soo hooyay Shirkii London.


 

 



Jaaniskii Madaxwaynuhu u helay Hadalkii uu ka jeediyay meesha iyo Wadamadii uu gaadhsiiyay....


Hargeisa (TNN)-Munaasabad Balaadhan oo lagu Falanqaynayay Ka qayb galkii shirkii London iyo saam a ynta uu ku yeeshay Somaliland ayaa Xalay lagu Soo bandhigay Hotel Maansoor ee Magaalada Harg eisa.

Munaasabadaasi oo ahayd mid aad u balaadhan isla markaana ay Soo Qaban qaabiyeen Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin aad u tiro badan oo isugu jira, Wasiirro, Xildhibaano, Madaxdhaqameed, Axsaabta Qaranka iyo Ururada Siyaasada kuwaasi oo kala ahaa Wasiirka Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw Daahir, Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.maxamed C/laahi Cumar, Wasiirka Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale, Wasiirka Caafimaadka Xuseen Xoog, Wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Sh. Khaliil C/laahi, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Masuuliyiin ka kala Socda Seddexda Xisbiga Qaran, Xubno ka mid ah Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada, Xubno ka mid ah Qurbajooga Somaliland iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.
Xog-haya Guud ee Xisbiga Ucid Maxamuud Cali Muuse (Jiir) oo halkaasi ka haday ayaa tilmaamay in aan Indhaha laga qarsan Karin waxqabadka Wasaarada Arimaha dibada iyo Doorka Muhiimka ah ee ay ka Ciyaareen Horumarka Ictiraaf Raadinta Somallnad .

Waxaa kale oo uu aad u Amaanay Waxqabadka Wasiirka Arimaha Dibada oo uu ku Tilmaamay in uu Somaliland ka Riday kar Saarnaa isla markaana Guul wayn ka soo hooyay, Waxa uu sheegay in Woxogaa ka jiraan Arimaha Gudaha isaga oo farta ku fiiqay Danyarta laga rarayo goobaha suuqa, waxaanu kula taliyay in Wasiirku Caqli fayaw oo aragti dheer la yimaado oo uu Meel u raadiyo dadkaasi

Xubin ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Udub Dr.Maxamed Aw Daahir oo xafladaasi ka hadlay ayaa ka ka warbixiyay Guulihii Somaliland ka soo hoyday Shirkii London iyo Qaabkii wada tashiga lahayd ee Shirkaasi loo tagay, waxa kale oo uu sii raaciyay Natiijada ka soo baxday Kulankii Waftigii ingiriiska iyo xisbiyada Qaranka kaasi oo uu sheegay in ay ka Xaqiijiyeen Ajanadaha Shirka iyo Doorka ay Somaliland ku yeelan karto, Xisbiga udubna uu go,aansaday in la taageero shirkaasi oo uu sheegay in ay iyagu ugu horayntiiba ku dhiiradeen Somaliland oo dhamina markii danbe ku raacday “Natiijo kasta oo la helo dabajoog ayay u baahanta, neecaw ictiraaf ayaa inoo soo hilaacday” ayuu yidhi Maxamed Aw Daahir

Waxa kale oo uu Farta ku Fiiqay in Xukuumadu ka Jawaabto cida Hogaamin doona Shirka dhex mari kara Somaliland iyo Somaliya, Kuwaasi oo uu Tilmaamay in ay ahaadaan Cid Xogogaal u ah Wixii dhexmaray labada Dal 1960-kii, Isaga oo Xusay Siyaabaha ictiraafku ku yimaado oo uu sheegay in Sawirka Gudaha la Qurxiyo si indhaha Caalamku uqabtaan Somaliland, waa in Gobolada Barri hoos loo eegaa

Maxamed Aw Daahir Waxa uu sheegay in aanu Garanayn Gogosha nabadeed ee Buuhoodle halkay taalo kana Codsaday In Madaxwaynuhu sheego, waxaanu ku Dheeraaday in Taladda Beesha Dhulbahante ka Go’do Madaxdhaqameedka iyo Garaadada sidaa Awgeed Xukuumadu Awooda Saarto.IMG_1615
Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo isagu halkaasi ka hadlay waxaa ka Waramay Go’aamadii ka soo baxay shirkii London, Waxa uu Mahadnaq u diray Qurbajooga Somaliland oo dhan

“Cashar Wanaagsan ayuu u ahaa Wada jirkeena dhamaan Somaliland waa Guul Shirka qodobada ka soo baxay kuwa ugu adag, labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya waa lawada hadashiinayaa, waa guul usoo hoyatay Somaliland, Shirkani waxa uu cadeeyay nimankii lahaa Soomaaliya ayaa la inoo ictiraafsan yahay, taasina waxay keentay Siilaanyo iyo Shariif iyaga oo isku darajo ah ayay wada fadhiisanay,”ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.

Muuse Biixi oo daba socday hadal dhawaan ka soo yeedhay madaxweynaha Puntland, wuxuu yidhi “Dhidar onkod kiciyay, waxaan leeyahay bosaso ninkaa ka madaxda ah, waxaad ka hadashay mid la filayay may ahayn , manaad xeerin daris wanaaga iyo jaarnimadeeda, Africa xuduudii isticmaarka ayay ku dhisanyihiin, waxaynu uwada hadlaynaa somalidii talyaanigu guulaysan jiray iyo somalilandtii ingiriiska, ma dhacayso inaad qabiil ku dood.”

Guddoomiyaha oo ka hadlayay xaaladda bariga dalka wuxuu yidhi Waxaan ka “Waxa ay wax inaga xumaadaan marka arrin aynu wada leenahay la isku tuurtuuro, arintaa waxaynu uga simanahay sida tii shirkii London aynu ugu wada midaysnay, markaa yaan cid wax lagu tuhmin.Madax dhaqameedku waa gacmaha ay guurtidu u adeegsato arimahaa, waxaynu diyaar u nahay inaynu doono madaxdhaqameedkii bariga, baaq walalayaal wixii aad tabanaysaan waan idinka bogsiinay, waxaanu idiin soo jeedinaynaa inaynu nabad iyo deganaansho ku wada noolaano, idinka oo maqan idinla gar naqsan mayno, waynu isku baahanahay , qayb naga midaa tihiin, somaliland ha u diyaar garawdo inay cadawgeeda iska dhiciso.”

Xildhibaan Maxamed C/qaadir Xasan (Indho-indho) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha guurtida ayaa hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay ka jeediyay ayaa ku dooday inay xukuumadda Somaliland geesinimo muujisay markii ay ka qeyb gashay shirkii London, waxaanu yidhi “Somaliland may ahayn beed jabaya, xili waliba wakhtigiisa ayuu leeyahay, madaxwaynaha maanta jooga ayaa maamuuskeed yeelan doona, waxayna ahayd arin geesinimo leh, qodobka lixaad ee la ingu kala saarayaa waxa uu leeyahay shirku waxa uu aqoonsaday in ay wada hadlaan somaliland iyo somaliya oo ay ka wada hadlaan danohooda. waxaan idiin cadaynayaa in aanay ingiriiska iyo talyaanigu xuduuda samayn balse ay sameeyeen Dhulbahante iyo Warsan gali, kiibaanay aduunaydu aqoonsaday kiibanayna ingiriis iyo talyaani ku dhaqmeen.”

“ Somaliland way wada hadashay shirkii burco waxaanay kuwada hadashay aayeheeda, cid ka maqnayd may jirin , cid naqsabaysay may jirin, Shirar badan baa dhacay oo somaliland lagu xoojinayo kuwaasi oo lagaga wada hadlayay nabada Somaliland kuwaasi oo dhan waanu ka qayb galnay, wax tabasho ahina may jirin, waxanay naga noqdeen fulay dibadaha wareegta oo aan gartooda sheegan,”ayuu yidhi Xildhibaan C/Qaadir Indho.

Xildhibaanka oo ka hadlayay tabashada beelaha dhulbahante ee uu ka soo jeedo, wuxuu yidhi “ Wada hadalku waa tabasho oo Somaliland lagama wada hadlayo, waxaan odhon lahayd horaa loo yidhi, maanta laascaanood iyo ceerigaabo Somaliland way joogtaa, shirarkaa badan ee la galayna waxay ahaayeen in shirarkii hore la cusbaynaysiiyo oo dib loo eego, maalinba magaalo ayaa madhnayd, shalayna laascaanoodbaa la gaadhay biriishna looma fuulin, waa in raga madaxwaynaha la shaqaynayaa waa in ay noqdaan qaar muhiimada siinaya dadka reer laascaanood, hadday wax qabad tahay iyo hadday caawimo kale tahay sidaasi ayay dadkaasi ku iman karaan oo la iskugu xidhmi karaa, markaa yaan laga dhigi dadkaasi sidii sheikh shariif loo wada hadlayay oo kale.”

Wasiirka cusub ee Maaliyada Somaliland C/casiis Maxamed Samaale oo ka hadlay xafladaasi wuxuu yidhi “Run ahaantii wixii ka soo baxay shirkaa London waa wax ay umadda Somaliland kawada dharagsantahay waxaanu ahaa mid aynu talo qaran ku galnay illaahayna wax wanaagsan ayuu ka soo saray, waxaanu ahaa mid guul laga gaadhay ee illaahay si wanaagsan ha inoogu dhamaystiro. Waxaa Muhiim ah in talaabooyinka danbe ee ina horyaale in si midaysan looga wada tashado, iyo guddi laga midaysanyahay oo lafaha laga sii guray, taladdii hore ee shirkaa aynu la tagnay ayaynu u baahanay”

“ umadda reer Somaliland way tashatay, waxa ay ku tashatayna maaha wax qorgortan gali kari, waxaa guushu ku jirtaa in la illaaliyo, wasaarada khaarajiguna wada tashigaa ay bilawday ha badiso oo Somaliland oo dhan ha ka qayb galiso.”


Wasiirka Arimaha Dibada Dr.Maxamed C/laahi Cumar ayaa shirkaasi kaga waramay siyaasadda arrimaha dibada ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi “Hanaanka siyaasadeed ee xukuumada Somaliland ay ku maamulayso Arimaha dibada, iyo nuxurka shirkii London. Ujeedada ugu wayn ee Siyaasada dibada waa in Dalkani heli Ictiraaf Caalamiya, waxaanu mahadnaq usoo jeedinaynaa xukuumadihii kala duwanaa ee halkaasi so”o gaadhsiiyay siyaasada dibada.waxaanu is tusnay in dib loo qiimeeyo jidadka iyo tabaha la adeegsanayo iyo in aanu wax ku kordhin karno waxyaabihii hore, gobolka isbedello badan ayaa ka dhacay oo wadamo badan oo aan ictiraaf haysan ayaa helay. waxa weeye in dunida laga codsado ictiraaf iyada oo la adeegsanayo la soo noqosahada qadiyadeedana, in lala fal galo dunida in dunida lala xaajoodo.”

“Siyaada dunida waxaa haga dhacdooyinka dunida ka dhaca, kuwaasi ayaa samayn ku leh oo mudan in laga faa’iidayso, waxaanu samaynay siyaadad ah in dunida lala fal galo taasi oo ka hortagaysa wixii dalka wax yeelaya, kalana soo baxno wixii wax tari kara Somaliland, shirkii london waxa uu cadaynayaa siyaasadii aynu qaadanay iyo natiijadii nooga soo baxday, ”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxyaabihii kale ee ay Somaliland ka faa’iiday shirkii London iyo shirarkii kala duwanaa ee ay la galeen Madaxda wadamada ka soo qayb galay Qaabkii ay uwajeheen iyo doorkii ay fuliyeen saaxiibada Somaliland. sifaha iyo dariiqii ay u martay Somaliland shirkani waxa uu ahaa mid wax ku soo kordhin kara ujeedadii ay Somaliland lahayd oo ahaa in beesha caalamka ay ka mid noqoto, Qodobka lixaad ee shirka ayaa ahaa in Somaliland iyo somaliya ay u wada hadli karaan sidii labada dal oo kala madax banaan, waxaa meesha ka baxday waxyaabihii ka soo bixi jiray shirarkii hore iyo wixii la isku odhon jiray somaliya taasi oo uu shirku meesha ka saaray.”
“Jaaniskii Madaxwaynuhu u helay Hadalkii uu ka jeediyay meesha iyo Wadamadii uu gaadhsiiyay. Waxa uu shirku kordhiyay miisaanka dawladeed ee Somaliland kuwaasi oo ku dhaqma talo wadaag, taasi oo wax ka badali doonta in Somaliland loola dhami dooni si ka duwan sidii hore. Waxa uu soo dhaweeyay in somailand iyo somaliya ay uwada hadlaan si kala madaxbanaan

Waxa uu soo dhaweeyay shir murtiyeedkii ka soo baxay baaqii shirkii London iyo ka jamciyada quruumaha ka dhaxaysa goleheeda Amaana, Qaabka loo galayo waxa uu noqon doonaa mid laga wada tashado,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.Ugu dambayntii Dhalinyarada Aqoonsi raadinta somalialnd ee Wadamada Cabarta ayaa ugu Danbayntii shahaado sharaf gudoonsiiyay wasiirka Arimaha dibada Dr.Maxamed C/laahi Cumar oo ay ku Maamuuseen Doorkii uu ka Ciyaaray Siyaasad Arimaha Dibada Somaliland
 

 


Sacad Muuse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeisa,Somaliland