Kulan
dhex maray Saxaafadda Gobolka sool iyo Wasiiradda Somaliland ee ku
sugan lasanod
Lasanod (TNN)-Saxaafadda Gobolka
sool iyo Wasiiradda Somaliland ee ku sugan magaaladda Laascaanood
ayaa waxa ay saaka yeesheen Kulan ka dib markii codsi ka yimi dhanka
Xuku umadda Somaliland, Kulankan oo ahaa mid qaatay muddo saacdo ah
ayaa lagu gorfeeyey arimo badan.
Wasiirada ka qayb galay kulan ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka
Arimaha gudaha iyo Cadaa ladda iyada oo dhinac Saxaafaddana ay
dhamaantood wada joogay, ugu horayn waxaa ku lankas furay
wasiirka Arimaha gudaha Cabdilaahi Cirro oo waano iyo wax sheegba u
soo jee diyey Saxaafadda waxana kale oo uu ka hadlay xadhiga
joogtada ee wariyayaasha gobalka loo gaysto sidii looga bixi lahaa
Sidoo kale wasiirka Cadaaladda ayaa xusay in wariyaayasha jooga
Laascaanood aysan was aaradda Warfaafinta ka haysan Aqoonsi
isla markaasna ay waajib tahay in wariyayaasha la siiyo kaadhadhka
Aqoonsiga ah, waxana isla markaasna uu xusay in loo bahan yahay in
sux ufiyiinta sool ay helaan Tababaro
Dhanka Saxaafadda Gobalka Sool ayaa ugu horayn waxaa u hadlay Axmed
Cali Faarax oo ah wariye ka tirsan Tv-ga ETN waxana uu xusay in
wariyaashu ay inta badan la kulmaan cabu dhin joogta ah oo aan
xaq loogu la hayn,
Faysal Jaamac Aadan ayaa wasiiradan ka codsaday in Askariga Policeka
ah uusan Suxufiyii nta isla markiiba aysan soo qaban ee uu soo
maro wada sharciga ah ee Maxkamdu jidaysay
Cabdisamad Kayse Maxamuud ayaa ka sheekeeyey baahiyaha joogtada ah
ee ay qaban su xufiyiinta Gobalka Sool waxana uu sheegay in
wariyayaasha ka hawl gala gobaladda Somali land ee ay helaan
tababaro, siminaaro iyo gunooyin kale balse kuwan Laascaanood ka
hawl gala ay ka ooman yihiin
Ugu danbayntii shirkan suxufiyiinta iyo wasiiradu waxa uu ku soo ibo
belay jawi wanaagsan iyada oo Wasiirka arimaha gudaha uu ka codsaday
in wariyaashu ay soo gudbiyaan waxa ay ka cabanaayan isla markaasna
loo balamay kulan kale
Timacade News Network TNN
Lasanod Office
|