kulan balaadhan oo uu maanta wasiirka xanaanada xooluhui la yeeshay cuqaasha iyopnsa;laadiinta magaalada burco


 



Burco (TNN)-Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa maanta waxa uu shir la yeeshay cuqaasha iyo wax garadka Gobolka Toghdheer,shirkani ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxda gobolka Togdheer,ka degmada.


shirkani ayaa ahaa mid lagaga wada hadlaayay xaalada dhabta ah ee ka jirta magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ,gaar ahaana nabad gelyada, daryeelka deegaanka, mashaariicda horumarineed ee Gobolka Togdheer,

Shirkani ayaa waxaa ka hadlay cuqaashii iyo salaadiintii goob jooga ahaa iyagoo dhamaan tood si iskumida u soo dhoweeyay shirkani dhex maraaya iyaga iyo wasiirka xanaanada xo olaha.Waxaanay dhamaantood amaan u soo jeediyeen wasaarada xanaanada xoolaha oo ay ku tilmaameen in ay ka mid tahay wasaaradaha ugu wax qabadka badan.
Wasiirka Wasaarada XanaanadaXoolaha, Dr Cabdi Aw Daahir Cali, oo goobtaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay midnimadu iyo wax wada qabsigu,Wasiirka a yaa waxaa uu ka xog waramay mashaariicda ay wasaaradiisu u fidiso shacabka somalilan d,iyo wax qabadka xukuumada .intii uu wasiirku ku guda jiray shirkaasi ayaa waxaa uu ka waramay mashaqadii ka dhacday magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag.

Gabagabadii shirkani , ayaa waxaa Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha,madaxda Go bolka iyo cuqaashii kulankani ka soo qayb gashay, waxay si wada jira baaqa nabadeed ugu direen dadka walaalaha ee dirirtu ku dhex martay gudaha magaalada Ceerigaabi iyagoo u guna baaqay in ay iska daayaan dagaalka isla markaana ay nabad ku soo dabaalaan wax kasta oo dhexdooda yaala.

 



Axmed Maxamed Ismaacii l(Hanad)
hanad0802@hotmail.com
Timacade News Desk
Burco,Somaliland