Ku-xigeenka Xoghayihii hore ee Maraykanka u qaabilsan Afrika oo Caalamka ku soo jeediyey Somaliland

 


Ku-xigeenkii xoghayihii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika, noqdayna Safiirka Maraykanka e e Dalalka Guinea iyo Itoobiya Ambassador Tibor Nagy, ayaa ka hadlay Faraqa u dhexeeya Somalilan d iyo Soomaaliya.

Qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku sheegay in Madaxda D awladda Soomaaliya sii wadayaan khiyaamada ay ku sameeyeen Beesha Caalamka, ka dib markii M uddo-kordhin loo sameeyay Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo muddo-xileedkiisu dha maaday bishii Februay ee sannadkan 2021.

Nagy wuxuu qoraalkiisa ku yidhi “Soomaaliya waxay u baahan tahay doorasho, laakiin Hoggaamiye yaa sha Soomaalida ayaa mar kale khiyaameeyay bulshada caalamka, iyaga oo kordhiyay Muddo-x ileedka Farmaajo”

Nagy oo hadalkiisa sii wata, ayaa ka dayriyey aaminaad la’aanta siyaaaseed ee Madaxda Soomaal iya, taasi oo uu sheegay in haddii ay sii socoto keeni doonta Cawaaqib xumo . “Way sii wadi doona an (Khiyaamada) ilaa ay ka dhalanayaan cawaaqib dhab ah” ayuu sheegay, waxaanu intaa sii raac iyey in Bayaankii Somaliland ka soo saartay Xaaladda Soomaaliya ee xilligan aanu ahayn oo keliya Bayaan, balse Somaliland tahay mid hagaagsan “Bayaannada Somaliland, ma aha Bayaan oo keliya, balse waxay u muuqataa mid hagaagsan oo ka wanaagsan Soomaaliya”.