Ku Simaha Guddoomiyaha Kulmiye Oo Ka Hadlay Xadhiga Lala Maagan Yahay Maxamed Xaashi Cilmi Iyo Dilkii Ka Dhacay Wajaale

 


“Maamulkan La Yaabi Maayo Oo Waa Ka Caqligoodu Siiyey Maxamed Xaashi Oo Ay Hore U Xidheen Hadana Doonaya Inay Xidhaan, Laakiin Ummadan Dadkii U Soo Halgamay Lagu  H or Jiid Jiidayo Ayey Nusqaan Ku Tahay”

“Marka La Dilo Dad Shacbi Ah Laba Odaybaa Loo Yeedhaa Oo La Yidhaa 5 Kun Oo Mag Ah Qaata Dawladaa Bixinaysee” Mujaahid Muuse Biixi Cabdi


Hargeysa, January 22, 2010 ( Timacade News)–Ku simaha Guddoomiyaha KULMIYE isla  m arkaana ah Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye mujaahid Muuse Biixi  Ca bdi ayaa dhaliilo waawayn xukuumada uga soo jeediyey xadhiga la sheegay in xukuumadu ay la maagan tahay mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi iyo dilkii ay dhawaan ciidanka  bilay ska Wajaale ay ku toogteen labadii marxuum ee dhalin yarada ahaa.

Waxa kale oo uu xukuumada dhaliilo uga soo jeediyey dilalka ay ciidamada Amaanku ay kula kacaan dadka shacabka ah oo uu tilmaamay inaanay hawsha ay hayaan u  tababarn ayn.

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu shalay la yeeshay  wa riye Axmed Siciid Cige,kaas oo uu sidoo kalena kaga hadlay khilaafka cakiran ee ka dhex aloosan shirgudoonka golaha guurtida oo uu ku baaqay in si dhakhso ah xal dhamays  tir an looga gaadho.

waraysigaasina oo ugu horayn la waydiiyey, arinta ay C.I.D-du ugu yeedheen  siyaasiya ga Eng: Maxamed Xaashi Cilmi iyo arinta laba qof ee todobaadkan ay bilaysku ku dileen dagmada Wajaale.

Isagoo ka hadlaya arintaasina waxa uu yidhi “waa nasiib daro wayn in maalin walba  bila yskeenu laayo dad caadiya oo shacaba oo si khaldan uu u laayo, arintaa dhaliisheeda  ko owaad waxa leh xukuumada uu hogaamiyo Daahir Rayaale waxay ahayd bilayska in la  ta babaro, in loo sheego waxay qabanayaan, bilayska in loo tababaro ayey ahayd dadka  in ay nabad galiyaan cadawgana laayaan, imika tusaalaan kusiinayaa shalay (doraad) labaa laga keenay meyd ah Wajaale maalin dhawayd golaha wakiilada buuqii ka jiray laba meyd ah ayaa laga qaaday,maalintii ka horaysay xaafadaa Axmed Dhagax oo mudo haraaday labaa lagu dilay tii ka horaysay ee Riigiina labaa lagu dilay, tii kasii horaysay qolo dhul  la gu haysto oo wasaarada hawlaha guud ay isku haysteen labaa lagu wada dilay, markaa waxa weeyaan laba qof oo gaadhi ku wada jira ama meel wada taagan ayaa markaaba layska tooganayaa. Inta ,mid mid loo dillay ee kiis caynkaas ah oo bilayska ka dhacay wuu faro badan yahay arintaasi eedeeda waxa leh madaxda xukuumada ayaan tababarin  ba an qabaa bilayska waayo dadkii inta dhimatay ee qof qof u dhimatayna tiradeeda imika ma hayo laakiin kolay sodon korbay u dhaafaysaa intii ay xukuumadu jirtay iyo tobankan, markaa arintaasi waa aafo qaran oo soo koradhay oo u baahan in si qaranimo ah looga hor tago xukuumadan dhaliisheedu dhan u dhaafi mayso.

S: Horta adigu sarkaal ciidankana waad ahayde sideebaad is leedahay waa looga  baxaya a, oo xukuumaduba way joogtay oo madaxweynuhuna xataa tacsibuu u diray oo kuma faraxsana iyaga laftoodu, laakiin askarta waad ogtoo wax aan tababarnayn weeyaan ?

J: Madaxweynuhu waxa uu fadhiyey meesha todoba sano iyo badh uu madaxweyne ahaa iyo shan kuxigeen uu ahaa wuu tababari karayey ciidanka, in loo sheego ciidanka xilkoodu inuu yahay dadka inay nabad galiyaan cadawgana ay ka ilaaliyaan, waa in falsafadu horta taa ay noqotaa, askariga waa in la tababaraa wuxuu qabanayo, goormu xabad dhuunta gaynayaa,goormu ridayaa waxani waa shuruuc dhan oo la garanayo oo ragan ciidamada hayaa aanay garanayn laakiin waxa soo dhacday arin ka dhib yar nabad galyadaanu ilaalinaynay marka la dilo laba odaybaa loo yeedhaa oo la yidhaa 5 kun ka qaado magta dawladaa bixinaysee cashuurtiina magtay ku bixinayaan, dadkiina way adoominayaan oo way baqo galinayaan, taasina wax la qaadan karo maaha markaa waa inay xukuumadu siyaasad cad ka yeelataa, hadii aanay siyaasad cad ka yeelana Insha allahu qaar siyaasad cad ka yeesha oo ummada nabad galiya baa iman doona.

S: Waxa kale oo aad kusoo hadal qaaday hadalkaaga arinta ku saabsan siyaasiga  Maxam ed Xaashi Cilmi oo haatan KUMLIYE Ka tirsan oo maalmahanba ay jirtay in looga yeedhay xarunta C.I.D-da oo qoraal rasmiya la gaadhsiiyey oo Maxamed laftiisu uu cadeeyey bal ka waran arintaasi mawqifka xisbigiina ?


J: Arintaasi oo arin aad looga xumaado ah layaab malaha taariikhdan Somaliland aadbay u khaldan tahay Maxamed Xaashi iyo raga lamida ee halgankii naftooda dalka usoo huray inbadana inay wax wanaajiyaan noloshoodii ku dhamaystay ixtiraam iyo qadarin iyo muunayn bay dalka ka istaahilaan laakiin ummadanaa yaab leh oo dadkoodii karaamada laha maalin walba wax aanay gayin lagula kacayaa, qolodan maamulka haysa la yaabi maayo iyaga oo intaa u dhaafi maayo, caqligoodu waa kaa siiyey Maxamed Xaashi Cilmi xidha ee aan laba cali deero-deero hirdiyin hadana markale doonaya inay xidhaan iyaga caqligoodu waa kaa, laakiin ummadan dhan ee Somaliland ee dadkooda karaamada leh ee usoo halgamay lagu hor jiid jiidayo ayey sharaf jab iyo nusqaan ku tahay.
S: Sharciga saw looma sina oo hadii masalan wax uu qoray lagu haysto saw looma yeedhi karo ?

J: Tuugta iyo waxa dadka dila iyo waxa mushtamaca dhibaya ee Station-nada looga  yeed haa, Maxamed Xaashi iyo raga odayaasha ah iyo ninka oday ah hadii wax laga tirsanaayo hab loo soo maro bay leedahay oo maxkamadaa la geeyaa oo kiisku intuu leegyahay baa la eegaa, maxkamada waaran soo goysa oo wado lagu qanac sanyahay isna uu ku  qana csan yahay laakiin Maxamed Xaashi maaha tuugta (House browking) kuwa aqalada jabiya oo kale ah.


S: Xogogaal baad u tihiin oo Maxamed xisbigiinu ka tirsan yahay maxay tahay arinta loogu yeedhayo warqada ku qoran?

J:Warqada wax ku qoran ma jiro waxa weeyi C.I.D-da ku waraysanaysee askarigaa soo raac intaasa ku qoran, intiina wuu diiday wax la aqbali karana maaha.

S: Muuse waxa kale oo jirtay in maalmahan aad ku hawlanaydeen adigoo ah ku simihii  Gu ddoomiyaha KULMIYE iyo ku simaha UCID Aadan Waqaf arintii khilaafkii Guurtida oo  shirg udoonka aad isla jiid jiidayseen ka waran arintaasi halkay maraysaa ?

J: Horta arintaasi saamayn wayn bay dalka iyo inagaba inagu leedahay,waxa muuqata cid abuurtayba fidmo in laga dhex kiciyey Guurtidii oo gilgil wayni ka jiro, horta guurtidu xaga sharciyan waa aqalka sare labada aqal xubnaha joogaa iyaga ii dhig cidii wax ka sheegaysa dhaliisheeda kolba ciduun baa joogi doonta laakiin waa aqal distuuriyan iyo qanacaad wax walba u fadhiya khal khal wayn iyo buuq baa soo galay anagu markaa af iyo adinba waxaanu ka ordaynay in khal khalka la damiyo waayo doorashadii baynu u diyaar garoobaynaa, Guddoomiyihii iyo Guddoomiye ku xigeenkiiba iyo joogtadii ay isku qasbaan waxba noo socon maayaan, markaa waanu ka hawl galnay anagu waanu u tagnay labada oday ee isku xigaba labadaba waanu abiil garaynay inay arintaa dhulka dhigaan oo ay waxooda ku dhamaystaan gudahooda saxaafadana sidaasanu kala hadalnay kana hadhi mayno nin wal oo xubin Guurtida ah waxaanu leenahay waar arintaasi maanta inama anfacdo oo halkaa qaylo kama filaynee arintaa dhulka dhiga, sidaa baananu nin walba ka baryeynaa waayo xalkale waanu u garan waynay,nasiib daro waxay ahayd markuu shalay (doraad) ka hadlayey ninkan odayga ah ee madaxweynuhu waxaan qabaa arintaa kamuu gudan waajibaadkiisa oo muu damin dabkaa, anigu odhan maayo si uu ugu lug lahaa Ilaahay baa iga og laakiin muu damin dabkaa oo roolkiisa kamuu qaadan.

S: Labadiina xisbi mucaarid waxaad ku eedaysaan inay xukuumadu ka danbaysay arinta khilaafkan madaxweynuhuna shalay (doraad) wuxuu yidhi shuqul kuma lihin oo anagu  ar intaasi shirgudoonka golaha ayaa is haya iyagay u taalaa oo iyagay tahay inay  heshiiy aan golahana ay heshiisiiyaan taa ka waran ?


J: Horta waxa lagu eedaynayaa madaxwenuhu hadaf qaran oo dhan buu masuul ka yahay markii meel mushkiladi ka timaado ama hay’ád ama gobol ama beel wuxuu xaq u leeyahay inuu dawo u doono, waxaanu ku dhaliilaynaa oo u eekaanaysaa haduu qaban waayana inuu ogal yahay ama ka danbeeyey, waxaanu ku dhaliilaynaa waxay ahayd markaaba hortayo in isaga laga arko dhaqdhaqaaq uu u caqli celiyo oo leeyahay maanta doorashadii baynu galaynaa dhaqdhaqaaq uma baahnin waar wixiina damiya taa lagama hayo, taa hadaan laga hayn muu jecel yahay inuu dabku socdo mise wuu soo abaabuley inuu dabku bakhtiyo ninka ku tuhmaa layaab malaha, imikadana waxaanu ka doonaynaa inuu damiyo, talaabana kamuu qaadin umana muuqato inuu daminayo colaada.


Source:Haatuf