Ku Simaha Badhasaabka
Gobolka Gabiley Iyo Taliyaha Qaybta Oo Si Wada-Jir Ah U Beeniyey War
Ku Soo Baxay Shabakada Hadhwanaagnews.

Gabiley (TNN)-Ku simaha Badhasaabka Gobolka Gabiley Cali Cabdi C/laahi
(Cali Case) iyo Taliyaha Qa ybta Gobolka Gabiley Axmed Maxamed
Guutaale ayaa Galinkii danbe ee Maanta si adag u beeniyey W ar ku
soo baxay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.
Kaasi, oo sheegayey in Laba Nin oo loo
tuhmay inay ka tirsan yihiin Ururka
Al-Shabaab
ee ka dagaalama Koonfurta Dalka Soomaaliya lagu qabtay Degmada
Tog-wajaale,
kuwaas oo lagu sheegay in lagu hayo Cadaymo.
Badhasaabka Gobolka Gabiley Cali Cabdi C/laahi
iyo Taliyaha Qaybta Axmed Maxamed Guutaale
ayaa Arrintan ku beeniyeen Shir-jaraa’id oo ay si-wada-jir ah ugu
qabteen Xafiiska Xarunta Gobolka Gabil ey. Shirkaa-jaraa’id oo uu
ugu horreyn ka hadlay Badhasaabka Gobolka Gabiley Cali Cabdi C/laahi(Cali
Case) ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin
warkaa ku soo baxay Shabakada wararka
Hadhw anaagnews ee sheegayey in Laba Nin lagu qabtay Degmada
Tog-wajaale oo ka tirsan
Xarakada Al-Shabaab, isaga oo arrintaa
ka hadlaya waxa uu yidhi:-“waxa Maanta galinkii danbe website ka
Hadh wanaagnews ku
soo baxay war aad u fool xun
oo runtii naga argagixiyay, warakaas oo odhanaya: Laba nin oo
lagu tuhmay inay ka mid yihiin Ururka Alshabaab, isla markaana lagu
hayo Cadaymo aya a lagu qabtay Degmada
Togwajaale oo waliba Booliiska wajaale su’aalo ka
waydiinayaan arrintaasi ayaa kusoo baxay websiteka
Hadhwanaagnews”, ayuu yidhi Badhasaabka
Gobolku, waxaanu hada lkiisa ku daray:- “Anakuna hadaanu nahay
Masuuliyiintii Gobolka ee ku shaqada lahayd Amniga Gobo lka guud
ahaan iyo Maamulka Gobolka waxaanu cadaynaynaa
in aanu jirin Warkaasi, oo aanu sal iyo raad toona lahayn.
Saacad saacad ayaanu Booliiska warka u kala helnaa oo aanu u kala
qaadanaa”. Ayuu yidhi Badhasaabku.
Ku simaha Badhasaabku waxa uu hadalkiisa ku daray:-
“Laba Nin oo
Alshabaab ka mid ah ayaa la qa btayna
Arrin wayn weeyi oo Qaranimada
dhaawacaya in la yidhaa Nin suuqa jooga ayaanu waraysa nay oo
noo cadeeyeyna, iyadoon waxba laga waydiin Masuuliyiintii Amniga iyo
Gobolkaba. Waana arrin dhaawacaysa Shabakada
lafteeda oo hoos u dhigaysa Sumcada” “Shabakada Hadhwanaagna
waa Shabakadaha aanu sida wayn ugu hanwaynahay, in waxyaabahaa oo
kale lagu soo qoro ee aa n jirina way dhaawacaysaa Shabakada
Sumcadeeda lafteeda. Waxaanuna cadaynaynaa mar labaad in aanu jirin
Warkaa ku soo baxay Shabakadu hadaanu nahay Masuuliyiintii Gobolka.
Sidoo kale waxa shirkaa-jaraa’id ka hadlay taliyaha qaybta Gobolka
Gabiley Axmed Maxamed Guuta ale oo
sheegay Isna in aanay jirin cid Alshabaab loo qabtay Isaga oo
arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi:-“Anigoo ah Mas’uulkii ugu
sareeyay amniga Gobolka waxan halkan ka caddaynayaa in aanay jirin
Cid loo qabtay Alshabaab oo lagu xidhay Degmada Tog-Wajaale, xaalada
guud ahaaneed ee Gobolkuna aad bay u dagantahay wax dhib oo ka
jiraana habayaraatee majirto cida warkaas
qortay ayay gaar ku tahay waxaanan Saxaafada qaarkeed u soo
jeedinayaa in ay ka waantoobaan Warar ka Been
abuurka ah, marka ay u baahdan in ay War Xaqiijiyaana waxa
haboon in ay la xidhiidhaan Kolba Cidda ay khusayso”. Ayuu yidhi
Talye Guutaale."
Axmed Sheekh Nuur Ducaale (Axmed Biito)
|