Korodhso Aqoontaada:

 



Nabad akhristayaal.

Sida aynnu inteenna badani wada naqaanno, xuruufta afka Soomaaligu waxay ka kooban yihiin laba iyo soddon xaraf - waxaynnu u jeednaa inta si rasmi ah la isugu raacsan yahay ee lagu shaqeeyo (function al letters) amaba wax lagu qoro.
Laba iyo soddonkaasi xarafna, waxay u sii qaybsamaan saddex qaybood oo kala ah:

Kow iyo labaatan shibbane (consonants)
Toban shaqal (vowels) oo iyaguna u sii kala kala baxa, shan dhaadheer iyo shan gaagaaban Iyo calaama dda loo yaqaanno, hamse (apostrophe).

Haddaba, inta ogaalkay ah; ma jirto weedh (sentence) af Soomaali ah oo macna buuxa leh oo soo kooba ysa xuruuftaasi oo dhammaystirani!

Arrintaasina waxay ku kaliftey qoraaga, in uu raadiyo weedh af Soomaali ah oo soo koobeysa laba iyo soddonkaasi xaraf ee lagu shaqeeyo - Ilaahay mahaddiina wuu ku guuleystey- waana tan hoosta ku qoran weedhaasi oo dhammaystirani!


Sheekh
Sharma'arke ayaa intuu go' shaal ah iyo shaadh cad qaatay oo u macawis Jaawa ah jilbaha dhig ay, xarrago awgeed is xariifiyey!

Waxa haddaba isweydiin mudan, maxay weedhani ku soo kordhineysaa afkeenna hooyo ama ay faa'deyn eysaa!

Waxyaabaha aynnu ka dheefi karno weedhan, waxa ka mid ah:

Barashada tirada xuruufta afkeenna iyo inta qaybood ee ay xuruuftaasi u sii kala baxdo Ururin ama soo koobid ay weedhu u soo koobeyso qofka doonaya, in uu xuruufta afkeenna u barto si hawl yar Far baras hada da' yarta soo koreysa iyo xasuustooda xuruufta afkeenna ayay iyagana waxtar u leedahay.

Illaa iyo inta aynnu aqoon korodhsi ama maqaal xiisa leh ku kulmi doonno - Eebbe idamkii- isma dhaafno.
Akhriste, adiga oo mahadsan; wixii faallo ah iigu soo dir (Email)kan hoosta ku qoran.
 

 


Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com