Kooxda Guurtidu Waxay
Riyaale Ku Taageer tay Shan Wax Oo Khatar Ku
Ah Aqoonsiga
Sida dalal badan oo adduunka kala
noqday, Somaliland iyo Somalia waxay kala noqdeen sannadkii 1991.
Sababta ugu weyneyd kala noqoshada waxay ahayd dadka Somaliland oo
intay dawladnimadoodii u rareen Somalia si ay u horseed aan
Somaliweyn laga duudsiyay qaybtii ay ku lahaayeen daawladii
Is-raaca ee cusbayd dabadeedna markii ay ka gadoodeen arrintaas loo
laaayay si arxandarro ah oo soo afjartay 30kii sano ee Is-raaca
(1960-1990). Somaliland waxay leedahay xuduud caalami ah waxaanay
xaq aan la duudsiyikarin u leedahay aqoonsiga Beesha Caalamka.
Madaxweyne kasta oo loo doorto Jamhuuriyadda Somaliland waxaa waajib
ku ah inuu ku dhaqaaqo kuna maamulo dalka shuruudaha siyaasadeed ee
ay ku kasbankarto aqoonsi dhakhso leh ee Beesha Caalamka kuwaas oo
kala ah: Qabashada doorashada madaxweynaha xilliga loogu talagalo,
ku dhaqanka Dastuurka Qaranka, horumarinta dhaqaalaha, dhawrista
xuquuqda muwaadiniinta iyo ilaalinta nabadgelyada. Madaxweynaha ku
xadgudba ama si kas ah dhaawac ugu geysta shuruudahan siyaasadeed
waxa hubaal ah inuu yahay qaran-dumiye ka soo horjeeda
madaxbanaanida Somaliland lana dagaallamaya aqoonsigeeda. Xukunka
Somaliland maanta ka jira ee uu madaxweynaha ka yahay Daahir Riyaale
Kaahin waa xukun ku dhisan maskax kelitalisnimo iyo dulmi laga soo
gudbay oo si kas ah ugu xad-gudbaya una jebinaya shuruudaha
siyaasadeed ee kor ku xusan arrintaas oo lid ku ah madaxbanaanida
iyo aqoonsiga Somaliland .
Fadhigii uu isugu yimid Golaha Guurtida Somaliland 28kii March, 2009
waxa ummaddu ka filaysay inay Guurtidu si weyn ugu gacan-saydhayso
muddo kordhin kale oo loo sameeyo Madaxweyne Daahir Riyaale maadama
aanay jirin waxa sabab ah oo loo cuskado, Riyaalana aanu marnaba
ahayn madaxweyne is-taahila muddo kordhin maadaama uu dalka ku
maamulo kalitlaisnimo lid ku ah qaranimadiisa iyo aqoonsigiisa.
Nasiibdarro waxaa dhacday ummadiina la yaab iyo amankaag ku noqday
in koox u xilanaysa dano gaar ah ay kelitalisnimada Madaxweyne
Daahir Riyaale ka doortay nabadgelyada, qaranimada iyo aqoonsiga
Somaaliland una codeeyeen inuu xukunka dalka sii hayo 6 bilood oo
dambe. Arrintanu waxay Riyaale u tahay fursad saa`id ah oo uu ku sii
wiiqayo aqoonsiga iyo madaxbanaanida dalka taas oo ah ujeedada ka
dambaysa kelitalisnimadiisa. Kooxdan Riyaale u codaysay waxay kale
oo ku xad-gudubtay waqtiga doorashada la qabanayo oo ah awood uu
iska leeyahay Guddiga Doorashada Qaranka oo qudha.
Xubnahan Guurtida ee u codeeyay kelitalisnimada Dahir Riyaale waxay
ka koobanyihiin 42 xubnood waxayna kala yihiin: Yuusuf Sh. Axmed
Cabdilaahi, Nuur Rayaale Khayre, Xuseen Madar Xoosh, Ibraahim Ciise
Buux, Cabdiraxmaan Axmed Araaye, Diini Cabdullaahi Hande, Maxamoud
Xareed Rooble,Daahir Cali Jaamac, Axmed Daahir Maxamoud, Sh.
Maxamoud Xirsi Faarax, Nuur Sugaal Geelle, Axmed Waaberi Maydhane,
Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac, SH. Axmed Nuur Furre, Cali Aden Qalinle,
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Maxamed, Sh. Cabdiraxmaan
Maxamed Muuse, Sh.Khaliif Sh. Xasan Cusmaan, Muxumud Aw Axmed X
Aden, Saleebaan Garas Seed, Maxamed Carab, Xasan Axmed Faarax,
Xaashi Cabdi Shiil, Cabdi Cabdillaahi Xasan, Xaaji Cabdi Xuseen
Yuusuf, Maxamoud Maxamed Yaasiin, Maxamoud Cabdillahi Qaalib, Axmed
Muuse Obsiiye, Ibraahim Aw Nuur Jiciir, Farxaan Ciise Ubaxle, Saciid
Cabdillahi Yaasir, Ina Xiris Guur-xume, Cabdiqaadir Aw Xuseen Mire,
Cabdicaasiis Maxamed gaax-nuug, Siciid Jaamac Cali, Cawil
Cabdullaahi Caydiid, Cabdiqaadir Maxamed Xasan, Cabdillaahi Shiikh
Xasan Cismaan, Shiikh Cumar Shiikh Axmed Fure,Yuusuf Cabdillaahi
Cawaale, Axmed Nuur Aw Cali Aadan iyo Jirde Siciid Maxamed
Kooxdanu waxay si cad Daahir Riyaale ugu taageereen shanta (5)
arrimood ee hoos ku qoran kuwaas oo dhammaantood khatar ku ah
aqoonsiga iyo qaranimada Somalailand waxayna kala yihiin:-
Horjoogsiga Doorashada Madaxweynaha:- Doorashada madaxweynaha oo
waqtigeeda la qabto waa shuruudda kowaad ee Somaliland u keenikarta
aqoonsi deg deg ah ee Beesha Caaalamka maadaama dalku ku dhaqmayo
hanaanka dimoqaraadiga ah ee horseeda sumcad wanaag iyo horumar.
Madaxweyne Riyaale waxa uu si badheedh ah u horjoogaa in doorashada
madaxweynaha laga qabto dalka taas oo ah dagaal cad oo uu ku hayo
aqoonsiga Somaliland. Arrintan oo khatar ku aqoonsiga dalka iyo
qaranimada waxay werwergelisay Beesha Caalamka oo u hanweyneyd
Somaliland. Kooxda Guurtida u codaysay Riyaale way ku taageertay
arrintan.
Laalidda Dastuurka dalka:- Dastuurka dalka oo lagu dhaqmaa waxa uu
Somaliland caalamka uga soo jiidayaa isna sharaf iyo in loo arko dal
ku dhaqmaya shuruucda uu dejisto taas oo sugaysa deganaanshihiisa
isla markaana loo arkayo inuu istaahilo aqoonsiga Beesha Caalamka.
Daahir Riyaale waxa uu ku tuntay Dastuurka Qaranka iskuna bedalay
kelitaliye isku koobay awooddii dalka sidii Siyaad Barre waxna aan
ka weydiin Golayaasha Qaranka iyo Garsoorka. Madaxweynaha awoodiisu
waxa weeye inuu
saxeexo oo qudha waxa Golayaasha Qaranku ansixiyaan. Isagaa ayaa
isku darsaday 3dii awoodood ee dawladda ee kala ah: Awoodda fulinta,
Awoodda Sharci-dejinta iyo Awoodda Garsoorka taas oo ah
kelitalisnimo fool-xun oo wiiqaysa hanaanka dawladnimo siina
didinaysa Beesha Caalamka isla markaana sii fogaynaysa aqoonsiga
Somaliland. Kooxda Guurtida u codaysay Riyaale way ku taageertay
arrintan.
Burburinta Dhaqaalaha Dalka:- Dhaqaalaha Somaliland waxa uu u kala
baxaa laba qaybood oo kala ah qayb dalka ka soo baxda iyo qayb
adduunku baxsho. Labada qaybood waxaa loogu talagalay, marka laga
reebo mushaharka shaqaalaha dawladda iyo ciidamada, in lagu
horumariyo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha
iwm iyo in lagu dhiso kaabayaasha-dhaqaalaha sida wadooyinka,
biriijyada, is-gaarsiinta iwm. Daahir Riyaale waxa uu ka dhigay
dhaqaalihii dalka wax ay isaga iyo wasiiradiisu jeebka ku shubtaan,
wax uu laaluush u bixiyo si markasta loogu kordhiyo muddo xaaraan ah
iyo wax uu ku bixiyo isku dirka iyo iska horkeenka Beelaha
Somaliland. Dekedii weyneyd ee Berbera oo ahayd nolosha ummadda
oodda ayuu u rogay arrintaas oo uu ka dambeeyo madaxweynaha Jabuuti,
Ismaaciil Geelle. Dhaqaalaha adduunku baxsho hadii aan lagu fulin
waxa loogu talagalo iyadana waxaa lagu waayaa kalsoonida Beesha
Caalamka oo wax u dhimikarta aqoonsiga dhaawicinakarta qaranka.
Kooxda Guurtida u codaysay Riyaale arrintanna way ku taageertay.
Ku-xad-gubka Xuquuqda Aadanaha:- Dawladaha waaweyn ee adduunka ee la
rabo inay aqoonsadaan Somaliland waxay aad u tixgeshaan xuquuqda
aadanaha oo ah shuruud weyn oo ka mid ah shuruudaha lagu aqoonsado
laguna maalgeliyo dal cusub sida Somaliland oo kale. Madaxweyne
Riyaale waxa uu caadaystay ku-xad-gudubka xuquuqda muwaadiniinta
Somaliland. Waxa amarkiisa ku dhinta dad rayid ah oo aan waxba
galabsan. Waxa uu sharcidarro xabsiga ugu diray madaxda Xisbiga
Qaran oo qaarkood ka mid ahaayeen aasaasayaashii Ururkii SNM qaar
kalane xubno muhiim ah ka haayeen halgankaas ummadduna ku daawatay,
waxa uu markasta si sharcidarro ah ku xidhaa weriyayaasha iyo
muwaadiniinta caadiga ah oo ay ugu dambeeyeen 3dii weriye ee uu
xabsiga u taxaabay 28kii March, 2009 si aanay uga hadlin xaqiiqada
dalka ka jirta. Kooxda Guurtida u codaysay Riyaale arrintanna way ku
taageertay.
Khalkhalgelinta Nabadgelyada Dalka:- Nabadgelyadu waa arrin muhiim
ah oo lagu qiimeeyo dal aqoonsi raadinaya. Dhawaan waxaa dhacday in
milliishiya hubaysan oo Reer Boorame ah ay weerar ku soo qaaday
degaanka Ceel-berdaale oo dad lagu laayay dadna lagu dhaawacay.
Dadkii dembiyadaas geystay waxa la soo weriyay in aan cidi soo qaban
taas oo ah fidno uu Daahir Riyaale ka dhex-abuurayo labada beelod ee
kala dega
Boorame iyo Gebilay. Waxaa kale oo dhacday in dhawaan markii uu
Burco ka socday Shirka Beelaha Galbeedka iyo Bariga Burco uu Daahir
Riyaale isku dayay inuu dagaal ka dhex-rido labadaas beelood. Waxa
iyada Ciidamada Madaxtooyada iyo Boliiska lagu weeraraa Shirarka
Golayaasha Qaranaka Somaliland sidii magaalada Hargeisa ka dhacday
bishan March 25dii, 2009 si cabsi iyo khalkhal loogu abuuro markay
gudanayaan hawlaha qaranka.
Golayaasha Qaranka oo ciidan lagu weeraro waa ummadda oo ciidan
lagu galo waayo waxaa soo doortay wakiilna ay ka yihiin ummadda
Somaliland. Arrimahan dhammaantood waxay halis ku yihiin
nabadgelyada dalka iyo qaranimada waxayna saamayn ku yeelankaraan
aqoonsiga la sugayo. Nabadgelyo xumadan waxaa ka dambeeya Daahir
Riyaale si uu u huriyo colaad sokeeye oo horjoogsata doorashada
madaxweynaha iyo aqoonsiga Somaliland isla markaana gayaysiisa dalka
burbur sida Somalia haddana waxaa lagu eedeeyaa Mucaaradka Dalka oo
saliim ka ah. Kooxda Guurtida u codaysay Riyaale arrintanna way ku
taageereen.
Waxay kale oo Kooxda Guurtida u codaysay Riyaale horseedeen arrin
dalka ku cusub halisna ku ah midnimada qaranka iyo jiritaanka
Somaliland taas oo ah gobollaysi fool-xun oo ay weliba ku
taageerayaan kelitalisnimada Dahir Riyaale. Kooxdanu waxay toos uga
mas`uul noqodoontaa:
A) Wax allaale wixii dhibaato ah oo dambe ee uu geysto Maamulka
Daahir Riyaale.
B) Wixii dhibaato dambe ku yimaada nidaamka dimoqaraadiga iyo
aqoonsiga dalka.
C) Wixii mustaqbalka gaadha midnimada qaranka iyo jiritaanka
Somaliland.
Axsaabta Qaranka iyo ummaddu waa in aanay marnaba aqbalin muddo
kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Daahir Riyaale ee cusub waayo wax
sabab ah oo loo cuskaday ma jirto balse waxay gacan siinaysaa
kelitalisnimada Riyaale ee khatarta ku ah nabadgelyada, qaranimada
iyo aqoonsiga Somaliland.
By:
Ibrahim Hassan Gagale
|