Kooxaha ay ka kooban tahay Dowlada Somaliland!

 


Haddii aad fahansantahay Dowlada dalka Somaliland ka jirta xilligan inta kooxood ee ku bahawday,ay isugu jirto ,markaa way dhib yaraanaysaa in aad fahanto waxay qaban karto ,gaar ahaan dhinaca ho rumarka shacabku u baahan yahay.Runtii waxaan aad u jecelahay in aan si fudud kuu fahansiiyo,inta kooxood ee ay ka kooban tahay Dowlada Somaliland ee maanta xilka haysa.Waa hubaal in ay yihiin kooxo aan wada shaqayn Karin,isku dhinac u socon,isku ujeedo iyo hadaf midna aan hayn,balse ay yihiin kooxo ku heshiiyey dano aan sidaa u sii muhiim ahayn,waxaana ka mid ah:-



Kooxda 1aad:-


Waa koox dembiyo ka galay Qaranka Somaliland iyo caalamkaba,waxaa la soo hortaagay oo  dacwado oda dhegaysatay Maxkamadaha dalka, iyo qaar ku yaala wadamo dibada ah,waa lagu helay  dembiy adii lagu soo oogay,waxaa lagu riday xukun isugu jira xadhig iyo ganaax lacageed.Waxaa xukunka ku riday Maxkamadii sharciyeysay Doorashooyinkii dhaarisayna Dowlada maanta dalka ka talisa,iyo  Max kamadaha Dowlado kale. Haddii shaqsigu uu dembi ka galo bulshada uu la nool yahay iyo caalamkaba ,ma haboona in uu haddana masuul ka noqdo.



Kooxdda 2aad:-


Koox Aflegaadii Dowladii hore Xilka ku heshay : Waa koox xilka ku heshay Aflegaado,cay iyo ceebayn ay la dul daagnaan jireen Madaxdii Dowladii hore,waxaan laga yaabaa in qaar badan oo idinka mid ahi ay si fiican u xasuusan yihiin hadaladii xajiinta badnaa ay warbaahinta ka sheegi jireen xilligii ay muca aridka ahaayeen,waan hubaa in aanay maanta jeclayn in dib loo xasuusiyo wixii ay ku hadli jireen,wixii lagu jidhaahdaana ay dhibayaan.



Kooxda 3aad.


Koox loo yaqaan jebiyayaal:- Waa koox hore xilal kala duwan uga soo qabtay Dowladihii tan ka horee yey,waxaa jebiyayaal loogu bixiyey Dowlad kasta oo ay ku jiraan ma guulaysato,oo iyagaa ugu hore eya inta ka shaqaysa sidii loo waxyeelayn lahaa.



Kooxda 4aad.


Koox Qabiiliin ah :-
Waa koox lagu keenay, qaraabo nimo,reer nimo,sokooye nimo, iyo dhego nuglaan ta madaxda,ma aha haba yaraatee dad wax xirfad ah,aqoon ah u leh Dowladnimada,waxay caan ku yihiin in ay Dowlada kaa xigsadaan,iyo in ay u jawaabaan cid kasta oo Dowlada soo hadal qaada,run tiina waxaa lagu sifayn karaa koox aan fahansaneyn waxa Dowladu tahay.



Kooxda 5aad.


Koox cid kale inoo keentay:-
Waa koox u shaqaysa kooxo kale,ururo kale,ganacsato kale ,waxay ku j oogaan ,ku shaqeeyaan heshiis ay wada galeen Xisbiga talada haya iyo kooxaha ay ka tirsan yihiin kooxdani.Heshiiyada la wada galayna waxaa ugu muhiimsanaa dhaqaale iyo Siyaasada,taas ayey mee sha u joogaan ee umma joonba danaha Somaliland.



Kooxda 6aad.


Koox aan Somaliland-ba aaminsaneyn
, balse aaminsan in Soomaliweyn la mideeyo,Soomaaliweyntana waxay u yaqaanaan Muqdisho iyo Hargeysa oo keliya,waa koox looga taliyo Muqdisho,waxay si toos ah uga amar qaataan TFG Sheekh Shariif,waana xidhiidhiyayaasha Somaliland iyo  Soomaaliya,waxaa na laga yabaa in dhowaan tiradoodu kor u sii kacdo.



Kooxda 7aad.

Waa koox aad iyo aad ugu xariifiin ah habka xatooyada khayraadka dabiiciga ah ee dalka ,waxay  hes hiisyo la soo galeen Shirkado shisheeye ah ,waxay xooga saarayaan in ay si dhaqso ah u xaalufiyaan Sibidhka,Kaluunka,Macdanaha kale ee kala duwan ,kooxdani waxay shaqadoodii durba ka bilaabeen Gobolka Sanaag,Gobolka Saaxil iyo dhamaan Xeebaha Somaliland.



Kooxda 8aad.

Waa koox ka dhex shaqaysata Somaliland iyo Puntland
,sanad amase labadii sanadoodba dhinac ayey ka soo shaqeeyaan,runtiina in badan ayaad Saxaafada ku aragtay masuuliyiin isu soo dhiibay Somalil and,ama isu dhiibay Puntland,waa uun isla kooxdii,adigana waxba kuu tari maayaan,kii ay ka yimaade ena waxba ma yeelaan.



Hadal iyo dhamaan ma filayo in uu jiro horumar ay soo wado Dowlada Somaliland ee xilligan xilka dalka haysaa ,sababtoo ah kooxaha ay ka kooban tahay ma aha qaar sahli kara,keeni kara horumar dalka iyo dadkuba ku naaloodo.



Mahadsanidin

 

 

 

 

Abdi M.Saleiman (Mingiste)
Political analyst
abdi_saleiman@hotmail.com