Kooxaha
Al-shabaab oo Waxba Kama Jiraan ka Dhigay
Safar Cabdillaahi Yuusuf ugu Anbabixi
Lahaa Maraykanka

Xooggaga islaamiyiinta ah ee Al-shabaab ayaa waxba kama jiraan ka
dhigay socdaal uu Madaxweynaha Embeghati
Cabdillaahi Yuusuf kaga qaybgali lahaa dalka Maraykanka shirweynaha
63aad ee Qaramada Midoobay, kadib markii xooggaga Al-shabaab ay
xidheen waddada isku xidha madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha.
Ciidammada Al-shabaab waxay ka horistaageen Cabdillaahi Yuusuf iyo
wasiirkiisii hore ee Arrimaha Dibedda Cali Jaamac Jangali inay
sinaba ku gaadhaan garoonka diyaaradaha, si ay diyaarad ugu raacaan
magaalada New York oo ka dhacayo shirweynaha 63aad ee aasaaskii
Qaramada Midoobay.
Wararku waxay intaa ku darayaan in Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf iyo
Wasiirkiisii Arrimaha Dibeddu ay ku xayiran yihiin madaxtooyada
Villa Somalia , taas oo u dheer tahay cabsi qaraxyo miino iyo
weeraro baasuuke oo si caadi ah marwalba loola beegsado madaxda
dawladda Embeghati lagu soo qaado.
"Kooxaha nabad-diidka ah ee Al-shabaab ayaa naga joojiyey
safarkayagii aannu ku tagaynay New York , ciidammada dawladduna
malaha awood ay kaga saaraan dhulka ay ku jiraan.” Sidaa waxa
yidhi Cabdillaahi Yuusuf.
Shirweynahan Qaramada Midoobay uga furmaya ayaa waxa ka soo
qaybgalaya in ka badan 130 qof oo ah madax iyo wakiilo matalaya
dawladaha ee xubnaha ka ah, waxaanna sannadkan shirweynahaa lagu
falanqayn doonaa joogaynta nabadda iyo ammaanka adduunka,
kor-u-qaadida dhaqaalaha iyo horumarka, xuquuqda adaamaha,
caddaaladda, hub-ka-dhigsta, la-dagaallanka argagixsada, ka hortagga
dambiyada iyo la-dagaallanka daroogada.
Togdheernews
|