Koox Dablay Ah Oo Raashin WFP Leedahay Ku Dhacay Tuula da Yufle Oo Ka Tirsan Ceerigaabo Iyo Bilayska Oo Sheegay Inay Qabeen Afar Ka Mid Ah Raggii Falkaasi Fuliyay

 

Koox dablay ah ayaa dhacay raashin ay lahayd Hay’adda WFP oo loo waday magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kadib markii ay baabuurtii siday Raashinkaasi oo marayey tuulada la yidhaa Yufle oo sodomeeye km kaga beegan magaalada Ceerigaabo ay rasaas huwiyeen.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf Ee gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Ducaal “Subaxnimadii saaka (Shalay) ayaa raashin lagu quudinayey dadka danyarta ah ee ay abaaruhu saameeyeen oo ay ugu talo gashay hay’adda WFP inay siiso dadkaa danyarta ah ee deegaanada magaalada ceerigaabo ayaa kolonyadii waday raashinkaasi ay koox dabalay ahi ku weerareen tuuladda Yufle oo sodomeeye KM ka xigta galbeedka Magaalada Ceerigaaboo, kuwaas oo kala hadhay laba baabuur oo ka mid ah kuwii raashinka siday.

sidoo kale goobtaasi waxa iyaguna ku soo dareeray dadkii tuulada Yufle Deganaa iyo Agagaarkeeda Oo ah halka deblayda labada gaadhi ee raashinka ah la hadhay ay ka soo jeedaan sida uu ii xaqiijiyey taliyaha qaybta booliiska C/risaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Waxa aanu u haynaa Afar ka mid ah koodaa falka geysatay, waxa kale oo aanu ku daba jirnaa saddex ka mid ah”.

Tuulooyin gobolka ka mid ah ayaa ah kuwo marka loo eego magaalada Ceerigaabo ee la siiyo raashinkan dadka uga liita qoysaska qaata raashinka, sababta oo ah waxa saameeyey abaar aad u dheer iyo xoolihii ay manaafacaadsanayeen oo ka madhay, waana ta keentay inay dadka deegaanku ay ku qamaamaan raashinkan oo ay fadhataystaan.

dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Sanaag Cali Cabi Hure ayaa isaguna ka dhawaajiyey inay filayeen inuu falkani dhaco marka loo eego baahida ka jirta jiida, wuxuuna sheegay inay dhawr jeer oo hore ay ku wargeliyeen hay’adda WFP inay eegto xaaladda ka taagan jiidaasi, sidoo kale hay’adda WFP ayaa la odhan karaa waxay il duuftay ujeedadiii dhabta ahayd ee ay u bixinayeen raashinkan.

Deegaanka Ceerigaabo ayaa isagu ah kan ugu dhaqaalaha furan gobolka Sanaag marka loo eego tuulooyinka ay abaaruhu saameeyeen, iyo sidoo kale miyiyada ay barra kiciyeen abaaraha ba’an ee gobolka ka jira.

Gobolka Sanaag ayaa ah gobolka ugu balaahan Jamhuuriyada Somaliland, una badan xoolo dhaqato, balse waxa si weyn u hadheeyey abaaro aad u ba’an, taas oo guud ahaan aanay Di’in Roobabkii guga iyo kuwii dayrta, inkasta oo shalay iyo Doraad ay ka de’een roobab jiidaasi buuralayda Silsilada Golis gaar ahaan Surad, iyo deegaanada Carmaale, Gudaha magaalada ceerigaabo iyo nawaaxigeeda.

Xukuumadda ayaan iyadu haba yaraate wax taakulayn ah oo lagu gargaarayo dadka ay xooluhu ka madheen ee ay saameeyeen abaaraha baahsani ka geysan wax gacan ah.

 



Haatuf