Koox ah Taageerayaasha Mayalka Adag ee xisbiga UDUB oo Ku Biiray KULMIYE

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed  Maxa muud Siilaanyo ayaa maalintii Isniinta ku qaabilay xarunta Selby Centre ee waqooyiga London koox ah taageerayaasha mayalka adag ee is-bed del doonka ah ee xisbiga UDUB ee ku nool carrigan Ingiriiska oo ku soo biiray xisbiga KULMIYE.

Taageerayaashaas oo ahaa badankoodu niman miisaan culus ku leh xisbul-xaakimka UDUB, aadna ugu dhuun daloola arrimaha xisbiga waxay hadaladii ay goobtaas ka yidhaahdeen iska wada daba mareen inuu xisbiga UDUB gebi ahaanba hoggaankii loo igmaday ee dalk ku fashilmay oo rajo ka soo jeedaa aanay jirin, waddankuna uu maanta u baahan yahay is-beddel iyo hoggaan adag oo u jiheeya ummadda dariiqa saxa ah kana saara xaaladda adag ee maanta waddanku ku suganyahay.

Taageerayaashaas miisanka culus ku leh xisbiga UDUB ee halkaas ka hadlay waxa ka mid ahaa Yuusuf Xirsi Axmed (Xariir) oo ahaa Qasnajiga Guud ee xisbiga UDUB ee UK. Xariir oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yidhi, :“ Tusaale haddii yar haddii aan idin siiyo, Madaxweynaha Daahir Riyaale Kaahin wuxuu booqasho ku yimi waddankan Ingiriiska muddo yar ka dib markii la doortay isagoo si fiican loo soo dhaweeyey, dadweynahana kula kulmay degmada Chelsea and Kensington halkaas oo uu ballanqaadyao badan ka jeediyey oo ay ka mid ahayd inuu samayn doon dawlad kooban oo tayo leh. Ballan qaadyadii uu sheegay oo dhan wax ka hirgelay ma jiraan haba yaraatee, waddankiina xaaladiisii way ka sii dartay”. Yusuf wuxuu intaa ku daray “Taasi waxay kaliftay in Madaxweynuhu dhawr goor oo dambe oo uu ku soo noqday Ingiriiska oo uu wajiga siin kari waayo dadkiisii inuu la kulamo iyadoo weliba marar badan laga codsaday oo qaban qaabo u sameeyeen jaaliyaduhu. Madaxweyne dadkiisii doonayaan oo ka cararaya waa nasiib darrada ugu weyn ee ay la kulmi karaan dad wax doortay”.

Taageerayaasha kale ee miisaanka culus waxa ka mid ah Axmed Xasan Nuur (Cunaaye) oo ka mid ahaa aasasayaashii xisbiga UDUB-UK, Maxamamuud Yuusuf Lugweyne, Cabdi Xuseen Iimaan, Cabdillaahi Gudaal (Gamaame) oo iyaguna ka mid ahaa aasasayaashii xisbiga UDUB isla mar ahaantaana ka mid ahaa guddigii fulinta ee ugu horreeyey.

Taageerayaashaas oo qoraal u soo gudbiyey saxaafadda oo nuqul ka mid ah ay heshay Somaliland.org wuxuu u qornaa sidatan:

Mowqika Isbedel-doonka Xisbiga UDUB

Sababta Keentay Isbedel-doonka iyo mowqifkooda hadda
Waxaanu taageernay Xisbiga UDUB, annagoo qabnay in Xisbigani wax qabad weyn ka geysan doono horumararinta dalka dhicnayaddiisa Siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshadaba. Waxaanu filaynay in uu noqdo xisbi fahma waxna ka qabta baahiyaha kala duwan ee dadweynaha reer Soomaaliland u qabo: Cadaaladda, waxbarahadda, caafimaadka, shaqo abuuris, biyo la cabo, hirgelinta ganacsiga xorta ah, adkaynta dimoqoraadiyadda iyo dib u eegida Dastuurka Qaranka ee aan dhammaystirnayn.
Waxaanu si aad ah u dhaliilnay wax-qabadkii dowladda iyo sida ay u waddo geedi-socodkii dimoqoraadiyadda oo weliba caalamkuna indhaha ku hayey, kaalin weyna ka qaatay iyagoo doonayey in dimoqoraadiyadda Soomaaliland tusaale wanaagsan u noqoto waddamada dunida seddexaad, waxaananu isku daynay in aanu talo ka geysano laakiin xukuumadu waxay muujisay in aanay dhego u lahayn dhegeysiga arrimahaas.
Waxaa si cad noogu muuqatay in mudadii xilka uu Madaxweyne Rayaale hayey oo ku dhow siddeed sanno in aan la hayn wax la taaban karayo oo uu dalka iyo dadka u qabtay. Taasina ay keentay in aan la hayn wax lagula noqon karayo dadkii markii hore codka siiyey, oo aan laga jawaabi karayn hal su’aal oo ay ku weydiiyaan. Haddii laga tegi waayo waxa keliya ee la taaban karo ee xukumadu hirgelisay waa doorashooyinkii inoo dhacay. Haddaba, doorashooyink inoo dhacay waxay u baahnayeen in la joogteeyo oo waqtigooda lagu qabto. Nasiib darro, waxaa caddaan noqotay oo an cidna ka qarsoonayn in la joogteyn waayey oo waqtigoodiina lagu qaban waayey. Tusaale ahaan:

Lama qaban doorashaddii guurtida ee waa la kordhiyey,
Lama qaban doorashaddii deeganada oo waqtigii la doortay xil-dhibaanadda deeegaanku dhammaaday muddo hore, lana garayn waqtiga illaa hadda la qaban doono.
Tii madaxweynaha oo illaa hadda tiraba 5 goor in ka badan la muddeeyey oo aan weli la qaban.
Ta Baarlamaanka waxaa hadda ka dhiman muddo yar oo la isweydiinayo sida loo qaban doono iyada oo 3 ka horeeyey aanay qabsoomin.


Magacyada taageerayaasha UDUB ee ku soo biiray KULMIYE waxa ka mid ah:

Axmad Xasan Nuur (Cunaaye)
Cabdulqaadir Maxamed Cabdalla
Maxamuud Yuusuf Lugweyne
Cabdillaahi Gudaal- Gamaame
Ibraahim Cayngal
Cabdi Cabdillaahi Mooge
Cabdi Saciid Maxamed
Yuusuf Xirsi Axmed
Colonel Mujaahid Adan Cabdi Abyan
Axmed Suudi Guuleed
Yuusuf Muuse Dage
Ibraahim Cabdillaahi Caalin
Cabdi Xuseen Iimaan (Cabdi Gool)
Cabdisamad Muuse Ciise
Mustafe Cabdi
Khadar Good Jaamac
Cabdi Xuseen Ismaaciil
Maxamed Ismaaciil
Maxamed Aadan
Axmed Shuuci
Carmiye Goox
Cabdi Xirsi
Maxamed Reygal
Ismaaciil Ciise
Ciise Jaamac Jufaale


Guddoomiye Axmed Siilaanyo ayaa mahadnaq aad u balaadhan u jeediyey taageerayaashaas wuxuuna yidhi, “Horta, intii aan odhan lahaa ayaad tidhaahdeen, hadaladiiniina si gaar ah ayey ii ii taabteen oo aan ugu diirsaday”.

Guddoomiye Siilaanyo oo wax ka yara taataabtay arrimaha waddanka ka taagan wuxuu sheegay in marka ay doorasho soo dhawaataba dawladdu ay soo daabacato lacag cusub oo dadka reer Burco lagu maaweeliyo in laga beddelo doonaa lacagta jiimbaarta hase ahaatee aanay waxba ka suuragelin hirgelinteeda.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay oo kale in iyadoo Puntland idaacadah ay leeyihiin ay badan yihiin in Burco loo diiday FM radio yar oo dadku dhagaystaan oo weliba ay ballan qaadeen inay tijaartu bixinayso kharashkeeda. Wuxuu gudoomiyuhu carrabaabay in markii loo diiday inay Beerta xorriyadda ka hadlaan, oo kheyriyadda ka hadlaan oo bannaan bixii laga mamnuucay in xafiisyadooda hortiisii ay bilaabeen inay ku qabsadaan bannaanbaxyada. Nasiib darro ayuu yidhi Guddoomiyuhu xafiiska KULMIYE ee Burco oo ku yaala meel magaalada dhexdeeda oo ka fiican oo ka ballaadhan kheyriyadda in bannaan bixii ka dhacay lagu qabsaday taageerayaashii KULMIYE.

Gudoomiye Axmed Siilaanyo wuxuu sheegay in gobolka Sanaag dhaqaale ahaan ku xidhanyahay Puntland, in Berbera baaba’day oo ganacsigeedii Jabuuti u wareegay oo aanay maanta dekeddaha deriska la baratami karin xakamaynta lagu sameeyey awgeed. Wuxuu sheegay in weli dawladdu bangiyadii Maxamed Siyaad Barre markii uu noolaa baab’ay ee ku dul kacay ay weli bangi ka dhiganayso dawladda Daahir Riyaale kuwaas oo noqday qaar musumaasuqa loogu adeegto (instrument of corruption).



Somaliland.Org