Koonfurta Sudan oo noqotay dal cusub

 



Sudan (TNN)-Dabaaldeg ayaa ka bilaabmay magaalo madaxda koonfurta Sudan ee Juba. Wariyaha BBCda ayaa sheegaya in farxad ay dadka la qayliyeen markii ay ka daawanayeen dadka telefishin wayn dibada loo dhigay.

Dadka qaar ayaa bilaabay ciyaar iyagoo tumaaya gurbaano, calanka Koonfurta Sudana lul aayo.

Sidoo kale waxaa jiray farxad dheeraad ah markii uu sheegay madaxweynaha Sudan Cumar Al Bashiir inuu aqbalay natiijada.Madaxweyne Obama ayaa sheegay in Maraykanka uu si ras mi ah u aqoonsanaayo Koonfurta Sudan bisha July.

Madaxweyne Obama ayaa hadlayay saacado ka dib markii lagu dhawaaqay natiijadii ugu danbaysay ee aftida madaxbanaanida ee loo qaaday koonfurta Sudan bishii hore.

Ku dhawaad sagaashan iyo sagaal boqolkiiba dadka waxay u codeeyeen inay rabaan inay ka go'aan Waqooyiga Sudan.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay aftida la qabtay dagaalo sanooyin badan socday ka dib inay adduunka u tahay tusaale.

Wasiirka dhaqanka ee Koonfurta Sudan ayaa sheegay in dowladda dalka cusub ay sugayso shaqo badan.


Source:BBC