Koob Loogu Magacdaray Mujaahid Mahdi Cali oo Maanta laga bilaabay Gobolka Gabiley

Gabiley (Longlivesomaliland News)- Koob loogu Magac daray Alle ha unaxariistee Mujaahid Mahdi Cali ayaa Maanta si rasmi ah uga bilaabmay Garoonka kubada  C agta ee Caasimada Gobolka Gabiley, Xafladaasi oo uu soo qabanqaabiyay  Shuca yb Maxamed Muuse oo ka mid ah Dhalinyarada firfircoon ee Gobolka Gabiley.

Munaasabadii Furitaanka Koobkaasi oo ay ka soo qaybgaleen Wasiiru Dawlaha  H awalha Guud iyo Guryaynta Somaliland Xirsi Awcabdi Sheekh, Madaxa Ololaha  Xi sbiga Udub Cismaan Hindi, Badhasaabka Gobolka Gabiley, Maayarka Degmada, Ta liyaha Qaybta Gobolka, Masuuliyiin iyo Dhalinyarro tiro badan oo ka kala timi   De g mooyinka Gobolka Gabiley.

Masuuliyiintii halkaasi ka hadashay waxaa ka mid ahaa Wasiiru Dawlaha Hawlaha Guud iyo Guryayta Somaliland Xirsi Aw Cabdi Sheekh waxaana uu ka waramay  m uhiimada ay ciyaaruhu uleeyihiin bulshada iyo inay dhalinyaradu kaga qayb  gala an wareegaasi ciyaar wanaag, xasilooni iyo degenaan. Waxaanu kula  dardaarm ay inay sii wadaan xirfadooda ciyaareed intii ay ku mashquuli lahaayeen  balwad aha iyo wixii la mid ah.

Waxaa isaguna Xafladaasi furitaanka Koobka Mujaahid Mahdi Cali ka hadlay  Bad hasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) waxaana uu ka  w aramay Qiimaha uu Mujaahid mahdi cali ku lahaa halgankii hubaysnaa ee Dalka lagu xoreeyay, waxaana uu ku dhiiri galiyay dhalinyada inay dhawraan nidaamka kana qayb qaataan ciyaaraha noocan oo kale ah, waxaana uu ku adkeeyay inay muujiyaan isu tanaasul oo ay u hanbalyeeyaan kooxda badisa.

Munaasabadaasi oo aan look ala hadhin waxaa isaguna Hadal kooban ka  jeediya y Shucayb Maxamed Muuse oo isagu soo Agaasimay Koobkan. Waxaana uu  she egay shucayb inuu koobkani uyahay dhalinyarada dhiiri galin iyo Xus  maamuuse ed loo samaynayo Mujaahidkii Waynaa Alle ha unaxariistee Mahdi Cali oo  taariik hda Ururukii SNM qayb libaax kaga jiray, waxaana uu ku adkeeyay dhalinyarada inay kor uqaadaan ciyaaraha Gobolka Gabiley, iyada oo ay muhiim tahay in  dhali nyarada laga mashquuliyo Dhibaatooyinka aafeeyay ee Balwadaha iyo  waxyaa baha kale ee ragaadiyay mustaqablkooda.

Shucay maxamed waxaa uu sheegay in koobkani ay ka qayb galayaan kooxaha heerka labaad ee Gobolka Gabiley, waxaana uu intaasi ku daray in ay tahay  ma rkii ugu horaysay ee koob noocan oo kale ah lagu xuso Mujaahid mahdi cali, hase ahaatee uu noqon doono mid sanad walba Lagu qabto wakhtigan oo kale  Gobol ka Gabiley.

Dhinca kale waxaa xafladaasi ka hadlay maayarka Degmada Gabiley Aadan  Mux umed Badde oo isaguna uga baaqay ciyaartay iyo dadkii xafladaasi kasoo qayb galay inay faataxada u maraan Mujaahid Mahdi Alle Ha u naxariistee. Waxaanu Maayarku wuxuu si kooban uga sheekeeyay taariikhda mujaahidka, dhalinyartan waxaa uu u sheegay inay Gabiley maanta Gobol tahay laga doonayo inay ka  qay bqaataan ciyaaraha Gobolaada Somaliland, waxaana uu sheegay inay kaalin  lax aadle kaga jiraan ciyaaraha Somaliland.



Koobkan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka mid noqon doono  ciyaar aha sanad laha ah ee lagu qabto Gabiley sida tartanka orodka ee sanadkiiba mar lagu qabto gobolkaasi iyo koobka Xasan cawaale oo sanadkan dib uga dhacay wakhtigiisii.

Kooxaha ka qayb galaya Koobkan ayaa waxa ay kala yihiin:

Sooyaal 

AStonvilla

FC niil

FC Cadho

Dhoobo

Gaashaan

Heego

Lion

 


 

Weriye Nimcaan Dheeg Ibraahim
Nimcaan
@Longlivesomaliland.com
Longlivesomaliland News Desk
Gabiley Office  Somaliland