Komishanka xuquuqul insaanka qaranka jsl oo ka hadlay dilkii dhawaan ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka dilla iyo gabiley

 

Hargeysa (longlivesomaliland News)-Komisanka xuquuqul insaaka  qara nka jamhuuriyada Somaliland ayaa si xun u cambaareeyay falkii  waxas hnimada ahaa ee dhawaan lagu laayay afarta qof ee ku safrayay jidka u dhexeeya magaalooyinka gabiley iyo dilla,iyaga oo falkaasi ku  tilma amay mid ka baxsan bini,aadamnimada isla markaasina meel ka dhac wayn ku ah xuquuqda bini,aadanka iyo diinta islaamkaba.

Sidaasi waxa laga sheegay shirjaraa,id oo uu saaka ku qabtay xarunta wasaarada cadaalada jsl gudoomiyaha komishanka xuquuqul insaanka qaranka somalialnd Axmed yuusuf xuseen,

gudoomiyuhu waxa uu sheegay in ay komishanka ququuqul in saanka qaranka Somaliland cambaaraynayaan falkaasi lagu laayay dadka muwaadiniinta ah ee aan waxba galabsan,iyaga oo ku guda jira hawshoodii ay xaqa ulahaayeen,isla markaana aan ku lug lahayn waxdagaal ah,falkaasi lagula kacayna uu ahaa mid ka baxsan kana fog bini,aadamnimada,

sidoo kale waxa uu xusay gudoomiyuhu in dadkii fuliyay arintaasi lagu xukumo shareecada islaamka oo la qisaaso,kuwii ka danbeeyayana la horkeeno sharciga,isla markaana cid kasta oo ku lug layd falkaasi laga qaado talaabo sharciga waafaqsan.

Waxa uu gudoomiyaha xuquuqul insaanka qaranku xukuuumada Somaliland ugu baaqay in ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaado dadkii falkaasi sameeyay si ay cid kastaa uga digtoonaato in ay ku kacdo fal noocaasi oo kale ah,waxana uu in taasi raaciyay in ay komishan ahaan tacsi u dirayaan dhamaanba qaraabada dadkii lagu laayay falkaasi,marxuumiinta ku dhintayna uu Eebe uga baryayo in uu janadii ka waraabiyo,isaga oo intaasi raaciyay in ay gacan ka gardarani dishay.

Sidoo kale waxa isna shirkaasi jaraa,id ka hadlay saleebaan xuquuq oo ka tirsan komishanka xuquuqul insaanka qaranka jsl.oo sheeagay in ay komishan ahaan cambaaraynayaan cidii falkaasi dalka faasha xun ah fulisay isla markaana dadkii falkaasi ka danbeeyay sharciga la horkeeno.


 


Mustafe Future
LongliveSomaliland News Desk
Hargeisa, Somalilanad