Komishanka oiyo Sadexda Xisbi Qaran oo kulan Adag Yeeshay

 

Saddexda xisbi qaran Komishanka Doorashooyinka iyo, ayaa kulan xasaasi ah oo albaabadu u xidhnaayeen maanta ku yeeshay xarunta Guddiga  Door ashooyinka  ee magaalada Hargeysa.

Kulankaas oo aan wax war ah laga soo saarin waxyaabihii lagaga  wadahad lay iyo natiijada ka soo baxday toona, ayaa la sheegay in ujeeddadiisu ahayd sidii xisbi qaran isula meel dhigi lahaayeen arrinta lagu muransan yahay ee xubnaha Komishanka Doorashooyinka.

Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee UCID Mr. Aadan  Maxa med Mire (Waqaf) oo markii shirkaasi dhammaaday saxaafaddu wax ka weydiiysay arrimaha lagaga wadahadlay kulankaas, ayaa daboolka ka qaaday in xisbiga UDUB ka warwareegayo heshiis kama-dambays oo laga gaadho khilaafka ka taagan Komishanka Doorashooyinka iyo gudo-galka hawlaha loogu gogol-xaadhayo qabsoomidda doorashada Madaxtooyada, hindisahaas oo uu sheegay in labada xisbi mucaarad dabada ka riixayaan.

"Kulankan labadayada xisbi mucaarad ayaa Komishanka ka codsaday inuu isugu kaayo yeedho saddexdayada xisbi, isla markaana goob-joog ka ahaado, waatii hawshu qaybo innaga ahayd, markaa labada qodob ee kala ahaa xeerka anshaxa iyo Komishanka mid ka mid ah uun baannu ka hadlaynay oo ahaa ka xeer-beegtida, soo jeedin ayaanuna keenay, xisbiga UDUB-na waxa uu yidhi waan soo daraasaynayaa berrina [maanta] 9:00 subaxnimo ayeynu isu imanaynaa," ayuu yidhi Md. Waqaf oo ku hadlayey afka axsaabta mucaaradka ah.

Mar la weydiiyey su’aal ku saabsan natiijadii laga filayey Komishanka ee ah in seerfarkii shaqaynayo iyo in doorashadii waqtigeeda dhacayso, ayaa Md. Waqaf ka gaabsaday inuu ka wax jawaab ah ka bixiyo, balse waxa uu xusay in arrintaas loo ballansan yahay wejiga labaad ee kulanka maanta si go’aan kama-dambays ah looga soo saaro.

Guddoomiye-ku-xigeenka UCID oo la su’aalay rajada axsaabta mucaaradku ka qabaan in xisbiga UDUB oggolaado hindisahooda, waxa uu ku jawaabay; "Wallaahi; wax ay innagaga wada xidhan tahay saddexda xisbi iyo  Komisha nka, waayo isku doon baynu saaranahay waxaanan qabaa inay iska soo afjarmi doonto."

Geesta kale, Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa gaashaanka ku dhuftay hindise cusub oo labada xisbi mucaarad ku  doonay aan in wax laga beddelo xeerka anshaxa doorashada, taasoo uu sheegay xisbi ahaan inay ka soo baaraan-degi doonaan, isla markaana aqbali  doona an oo keliya haddii uu sharciga iyo nidaamka dalka u yaal waafaqsan yahay.

"Shirkan la isugu yimi wuxuu ahaa heshiiskii kama-dambaysta ahaa ee doorashada madaxtooyada lagu galayey, laakiin waxa meesha timi in labada xisbi mucaarad la yimaaddeen fikrad cusub oo ah in xeerka anshaxa wax laga beddelo, wax-ka-beddeliddu wax muhiim ah weeye iyaguna way ka soo baaran-dageen, iyagaana soo sameeyey oo noola yimi, markaa annaga markii naloo keenay waxa lana noqotay in waxa ku yaalla aannu ka soo baraan-degno, qodobadda meesha la keenayna hadday yihiin wax sharciga iyo nidaamka waddanka u yaal waafaqsan waannu aqbali, hadii kale waxaannu keeni wax lagu saxo, waxaanuna u ballanay in berri [maanta] aannu isu nimaadno si aan tifaftirno," ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee UDUB.


TogdheerNews