Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ku dhawaaqay in ay Doorashada Golaha Deegaanka ay ku qaban doonaan bilaa Diiwaangelin bisha April

 

 


Hargeysa(TNN) Af-haeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Maxamed Xirsi Geelle oo shir jaraa’id manta ku qabtay Hargeysa ayaa ku dhawaaqay in ay soo dhaweynayaan Laalista Dii waangelinta oo ay Doorashada soo socoto ku qaban doonaan Diiwaangelin la’aan

“Anaga shaqadayadu waa inay Doorasho qabsoonto oo kolba marka muddo la joogo laqabto doorasho si ay dadku u soo doortaan cidii xukumi lahay” ayuu yidhi “ waxaanu intaa raaciyay Golaha Guurtiddu wakhtigii ay u qabteen oo ah April, Xeer No: 14 sidaas buu dhigayaa, Madaxweynaha Somalilanda Axmed Siilaanyana dhawr jeer oo uu nagala hadlay waxa uu nagu adkeeyay inay wakhtigeeda dhacdo”

Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinku waxa uu sheegay in ay diyaar u tahay kharashkii loogu talagalay Doorashada oo uu sheegay Somaliland in ay qaadhaan bixiyayaashu ka taakuleeyeen, isla markaana ay iyagu diyaar u yihiin inay qabtaan

Maxamed Xirsi Geelle waxa uu sheegay Diiwaangelintu inay maraaxil kala duwan soo martay oo ay xumaatay hase yeeshee markii Komishankii hore ay laaleen ay ka maarmi weyday in sharciyadda la mariyo tiina ay Doorashadii Madaxtooyaddu ku qabsoontay, waxaanu sheegay in imika wadatashiyo badan oo la sameeyay ay sababtay marka la eego hawsha Sixitaanku inay hawl badan qaadaanayso sidaas daraadeed la isla eegay in diiwaanfgelin la’aan lagu galo iyo inkale sidaas daraadeed maadaama farsamo ahaan aanay suurto gal ahayn in aan loo baajin Doorashadii Diiwaangelinta

Isagoo sheegay markay dib u eegeen muhiimadda Diiwaangelinta iyo xuquuqda Aasaasiga ah ee qofku xaqa u leeyahay in uu Doorasho helo sidaas daraadeed waa in la tixgeliyo xuquuqdii muwaadinka markaas waxaanu qaadanay in bilaa Diiwaangelin lagu galo waana tallo ka soo baxday Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Komishanka
 

 

 

Source:Waaheen