Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo Cayimay Maalinta Diiwaan gelintu Ka Bilaabmayso Hargeysa

 

Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Axsaabta Siyaasada ayaa kulan Shalay galab ay ku yeesheen Xarunta Komishanka waxa iskula qaateen in Diiwaan galintii Gobolka Hargeisa la bilaabo 1-da Bisha December ee fooda inagu soo haysa, isla markaana 25 Bisha November 26, 27 ka Tababaradii Shaqaalaha hawsha qabanaya la fidiyo halka 28 iyo 29 Bisha November Komishanku ay ku diyaarinayaan agabka hawsha lagu fulinayo.

Kulankaas ay Asxaabata iyo Koomishanku isla qaateen waxa kale oo lagu go’aamiyay in diiwaan-galinta Gobolka Hargeysa ay socoto ilaa Sideeda Fiidnimo si labada Saacadood ee Habeen walba dheeradka noqonayaa ay u noqoto maalin dheeraad ah oo ka badan maalmihii 6 da ahaa ee Gobolada loogu talo galay baaxada Gobolka Dadka ku dhaqan awgeed.

Hawsha Diiwan-galinta ayaa la filayaa in ay 1-da Bishaasi dib u bilaabanto iyada oo ay duruufo badani ku soo baxeen habsami u socodkii markii hore loogu talo galay oo wakhti badani ku lumay, sidoo kale dib u bilaabista hawsha diiwan galinta Gobolka Hargeysa ayaa lagu wadaa ka hor in uu Dalka dib ugu soo laabto qaybtii ugu muhiim sanayd Qalabka diiwan galinta lagu qabanayo oo ku maqan Dalka Kenya kaas oo lagu soo shubayo barogaraamkii kala saari lahaa dadka ku noq noqda Diiwaan-galinta oo Shaqaalahii Hindida ahaa ee Aqoonta u lahaa Dalka ka baxeen Qaraxyadii ka dhacay Hargeysa isla markaana Shaqaale cusub lagu soo tababarayo.

Dhinaca kalena waxa wali ku gedaaman habsami u socodkii hawlaha diiwaan galinta cabashooyin badan oo ka taagan Shaqaalahii ka soo shaqeeyay Labada Gobol ee Awdal iyo Saaxil kuwaas oo Qaarkood Shalay hor tageen Golaha Wakiilada si ay mudanayaasha ka soo jeeda Goboladooda ugu gudbiyaan dhibaatooyinka haysta, halka ay kooxo kalena ay wali ka hortumanyahiin Komishanka Doorashooyinka.

Cabashooyinkaas ayaa inta badan waxa ay Shaqaaluhu sabab uga dhigayaan Qaabka ay masuuliyiinta Komishanku u maamulayeen Nidaamka Shaqo oo ay sheegeen in aanu waayo aragnimo ku dhisnayn isla markaan lahayn Qorshe Fur furan

Dhinaca kale Komishanka Doorashooyinka ayaa xalay soo saaray ogaysiis ku saabsan diiwaan-galinta cod-bixiyayaasha iyo goorta ay blaabmayso waxaanu u qornaa sidan:

“In kastoo ay ina hakisay dhacdadii weerarka ahayd ee 29-kii October, haddana diiwaan-galinta cod-bixiyayaashu way socotaa.

Khubaradii farsamo yaqaanada ahaa waxay ku hawlan yihiin inay diyaariyaan habkii diiwaan-galinta ee loo waajihi lahaa gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa).

Sidaa darteed guddida doorashooyinka qaranku waxay ogaysiinayaan in shaqaalihii la tababarayay ay yimaadaan jaamacada Hargeysa maalinta Salaasada ee taariikhdu tahay 25/11/08 todobada subaxnimo (7:00am).

Diiwaan-galintu waxay ka bilaabmi doontaa Maroodi-jeex maalinta Isniinta ee bishuna tahay 01/12/08 waxaanay soconaysaa lix cisho oo ku eeg maalinta Sabtida.

Waxay guddida doorashooyinku dadwaynaha ogaysiinayaan in tirooyinka hordhaca ah ee iska diiwaan-galiyay gobolada Saaxil iyo Awdal ay yihiin sida soo socota:

gobolka Saaxil-------------------------- 51,538

gobolka Awdal------------------------- 133,864

Haddaba, nidaamkii lagu ogaanayay qofka mar labaad is diiwaan-galiyay shaqadiisu way socotaa marka taasi dhamaato guddida doorashooyinku waxay soo saari doonaan tiradda kama dambaysta ah.
 

 


Gudoomiyaha guddida Doorashooyinka
Mudane Maxamed Ismaaciil Maxamed