Doorashooyinka oo madaxweynaha u gudbinaya xilliga ay u muddeeyeen qabashada Doorashooyinka Wakiillada Iyo Deegaannada

Hargeysa( TNN) :- Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland,
ayaa Maadaxweyne Muuse Biixi u gudbinaya Qoraal ay ku caddahay
xilliga ay u qorsheeyeen inay qabtaan doorashada Goleyaasha
Wak iillada iyo deegaannada ee isku sidkan.
Ma jiro War Rasmiya oo ka soo baxay Guddiga doorashada, balse
Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa Warg eyska Geeska Afrika u sheegay in
komiishanku markay soo dhameeyaan Diwaangelinta cod-bixiyeyaa sha ee
Gobollada Sool iyo Sanaag Toddobaadkan ay Madaxweynaha u gudbinayaan
Ajandahooda qaba shada iyo xilliga ay u muddeeyeen inay qabtaan
doorashada isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada
Somaliland, si markaasi ka dib uu Madaxweynuhu Wareegto ugu soo
saaro.
Heshiiskii laga gaadhay khilaafkii qabashada Doorashada ee sannadkii
hore dabayaaqadiisii ay wada ga adheen Xisbiyada Somaliland, ayaa
waxa ku xusnaa in Doorashada isku sidkan la qabanayo bisha 5-aad ee
sannadka 2021-ka, laakiin waxa loo baahan yahay in komiishanku isagu
muddeeyo xilliga uu doorash ada ku qaban karo, haddii waafaqayo
xilliga Xisbiyadu ku heshiiyeen iyo haddii kaleba, taasi oo marka
dambana Madaxweynuhu uu Wareegto ku ansixinayo.
|