Komishanka Doorashooyinka oo Halis ugu jira inuu Cagta saarayo Wadadii hore uuna soo hayo Cudurkii dilay Saaxibadoodii Hore

 

Komishanka Doorashooyinka oo Halis ugu jira inuu Cagta saarayo Wadadii hore uuna soo hayo Cudurkii dilay Saaxibadoodii Hore

Maxaa ka Hortaagan Ku Dhawaaqida Waqtiga Doorashada intaaanay fashilmin.



Shacabka Somaliland ayaa meel kasta oo ay joogaan waxaa ay isweydiinayaan Doorashadii  Ma daxtooyada goormaa ayaa la qabanayaa , Maxayse tahay cilada hortaagan inay ku dhawaqaan Komishanku waqtigii ay dhacaysay ?.

Hadaba waxay maalmahan ay Saxaafadda Somaliland qalinka u qateen in ay dhexdabaalayaan Komishankan Cusubi fadeexado iyo Musuqmaasaq sida uu qoray wariyaha HadhwanaagMedia Hargeisa iyo weliba Wargeyska OGAAL, Cadadkii Sabtidii 27/03/10 isna soo bandhigay in  Shirk adda la siiyay kaadhadhka cusub ay xogtii Diiwaangelinta u qaadeen Koonfur Afrika ,Mana  cad da ayey yidhaahdeen sababta keentay in xogtaa la sheegay loo qaado dalka Koonfur Afrika, iyadoo aan weli Komishanku soo bandhigin natiijada ka soo baxday Server-ka dib u kala  shaan dhaynaya liiska codbixiyeyayaasha doorashooyinka Somaliland.

Inkastoo ay hawlo badan qabteen oo Komishanku oo ay fureen Xafiisyadii Gobolada iyo  Degmo oyinka ayna dhaariyeen xubnihii loo soo xulay inay noqdaan hawlwadeennada Komishanka  Doo rashooyinka cusub ee gobollada Somaliland, Ayna dusha ku sidaan Masuuliyad aad u weyn oo ah masiir ummadeed, laguna eegaayo siday uga soo baxaan, ayey iminka u xuubsiibanayaan inay ummadda guul u keenaan iyo inay magac-xumadii Saaxibadoodii hore la huleleen iyo weliba ciqaab Alle oo adag inay mutaystaan.”

Sidaa daradeed iyadoo ay tahay waajib saaran in komishanka doorashooyinku ku dhawaaqaan maalinta ay doorashada Madaxtooyadu qabsoomayso, Isla markaana meesha ka baxday soona afjarantay ciddii faa,iido ugu jirtay carqaladeynta geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland iyo Qabsoomida Doorashada Madaxtooyada ayaa hadana waxaa taagan mid weli la sugaayo  saba bta komishanka doorashooyinka ka hortaagan ku dhawaaqida maalinta ay ku qabsoomayso doorashadu.

Waxay maraysaa 2 sanno iyo badh inta Doorashadii la qaban waayay, waxayna gaadhay heer ay Caalamku oo dhan isugu keen yimadaan markii hore Oo aynu ku siganay in ay Khatar gasho Somaliland “oo Ilaahay ina badbaadshay, Hadaba yaanay mar dambe dib u dhicin khilaaf kale, waxaa waajib idinku(Komishanka Doorashooyinka) ah inaad iclaamisaan waqtigii Doorashada Madaxtooyada.”

Dadweynaha ayaa markay awood kale waayeen , aamaan badan iyo waa loo hanweynyahay ku soo khatimay Komishankan Cusub lakiin Amusnaantan iyo wadada ay ku socdaan(Komishanka Cusub) waa cudurkii Komishankii Hore oo soo noqday, waxaanu idinka codsanaynaa inaad garataan waxaynu dhammaanteen danta caamka ahi inoogu jirto , sidii loo heli lahaa bulsho midaysan oo Horumar hiigsanaysa. Isku-sigashadii iyo dadweynihii kacay yaanu dib inoogu soo rogaal celin , mana aha marka xeedho iyo fandhaal kala dhacaan in sida Africaanka “Xisku inagu soo noqdo “ ,

Waana la ogyahay Marxaladda adag ee la maraayo iyo adkaysiga ama dhabar adayga Bulshadu ku jiro loona baahanyahay Cidii loo igmay ee waajibku saarnaa inay umadda Doorasho u qabtaan .

Waxaan ugu baaqaynaa Komishanka Doorashooyinka inaanay dalku mar kale gelin khilaaf  Siyaa sadeed, Sida ugu suurtagelsana waa in aad u fulisaan Caalamkii inoo soo gurmaday Heshiiskii 6-da qodob ka koobnaa ee soo gudbiyeen ama ay noola yimadeen Guurtiduna Ansixisay  Axsaab tuna ay iyana aqbaleen, waxayna ina gayaysiisay inuu bulshadeena saameyn ku yeeshay “ oo Ilaahay baa badbaadiyay , Khilaaf iyo isku dhac kale oo caadi ahna umaddu ma qaadi karto .
Waxaa looga fadhiyaa Komishankan Cusub inay wax ka duwan saaxibadoodii hore oo Maamul iyo Daacadnimo inay Bulshadu markasta aragto, si loo helo komishan dhexdhexaad ah oo lagu  kals oon yahay Garsoorkooda.

Komishanku waa Hay’ad Madax-banaan oo Dastuuriya, waa hay’ad saddexda xisbi ay aaminsan yihiin, iyagga ayaa leh cayimaadda maalinta doorashadu dhacayso, Waxaana Maanta umaddu ka Sugaysaa Komishanka Doorashooyinka, inta ay dhowdahay oo aan ugu fadhinaa inay  shaaci yaan Maalinta ay Doorashadu dhici lahayd.

 

 

Adan Yusuf Elmi , UK