Komishanka Doorashooyinka oo baahiyay Natiijada cusub ee Degmada Hargeysa, magacyada Xildhibaanada meesha ma baxay iyo kuwa bedelay
 

 


Komishanka doorashada ee qaranka ayaa hore u sheegay inay maxkamadda gobalka Hargeysa u gudbiyeen natiijadii.......

 

Hargeysa (TNN)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa mar labaad si rasmi ah u baahiya  y natiijada doorashadii golaha deegaanka ee degmada Hargeysa, iyagoo isbedel ku sameeyay qaar ka mid ah xildhibaanadii ay hore u sheegeen inay u soo baxeen golaha deegaanka Hargey sa.

Komishanka doorashada ee qaranka ayaa hore u sheegay inay maxkamadda gobalka Hargeysa u gudbiyeen natiijadii doorashada ee degmada Hargeysa, iyagoo sheegay inay hufid ku sameey een xogta goobaha cod bixineed ee degmada Faraweyne. Laakiin maxkamadda ayaa ka codsat ay inay marka hore ay baahiyeen isbedelada ay dib u hubinta degmada Faraweyne ku keentay natiijadii doorashada, waxaanay laba maalmood ka hor guddiga doorashadu natiijada rasmiga ah ku baahiyeen bartooda Internetka ay ku leeyihiin, waxaana ka muuqda isbedel ku yimid mag acyadii ay hore ugu dhawaaqeen inay ka mid yihiin xubnaha golaha deegaanka Hargeysa.

 Tusaale ahaan ururka Dalsan waxa ay hore guddiga doorashadu ugu dhawaaqeen inay golaha deegaanka Hargeysa u galeen Cabdcasiis Aadan Habane iyo Fu’aad Saxardiid Caabi, laakiin wax ay maxkamadda u gudbiyeen inay golaha deegaanka u galeen Cabdicasiis Aadan Habane iyo Il yaas Aw Xuseen Jaamac, waxaana meesha ka baxay Fu’aad Saxardiid Caabi, halka ururka Rays oo ay hore u sheegeen inuu golaha deegaanka u galay Khadar Xuseen Cali, ay hadda maxkama dda u gudbiyeen inuu golaha deegaanka Hargeysa galayo Ismaaciil Jaamac Xirsi Cabdi.

Hase yeeshe ma jiro isbedel kale oo ku yimid xildhibaanadii ay hore ugu dhawaaqeen inay urura da kale u galeen golaha deegaanka Hargeysa, marka laga reebo isbedel kooban oo ku yimid codadka qaarkood, waxaana la filayaa inay maxkamadda gobalka Hargeysa gudo gasho haddii ay jiraan cabashooyin natiijadan la xidhiidha oo loo gudbiyay.

Waa kuwan xubnaha ay guddiga doorashooyinku ugu dhawaaqeen inay u soo baxeen golaha deegaanka Hargeysa, waxaanay kala yihiin sidan:

KULMIYE:

1. Hanad Xaashi Axmed Caydiid (4588)

2. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco (4089)

3. Cismaan Xasan Faarax Waxar (3667 dhibcood)

4. Eng. Yuusuf Warsame Siciid (3651 Dhibcood)

5. Axmed Siyaad Muxumed (3611 Dhibcood)

6. Cabdi Cali Yuusuf (3050 dhibcood)

7. Axmed Daahir Axmed Magan (2643 Dhibcood)

Wadani

1. Maxamed Warsame Caalin Timacade (5311 Dhibcood)

2. Cabdiqani Yuusuf Cabdillaahi Ina Macalin (2967 Dhibcood )

3. Cabdillaahi Aadan Cali Cabaas (2900 Dhibcood)

4. Cabdirisaaq Faarax Xasan Qawdhan (2605 Dhibcood)

Xaqsoor

1. Saleban Daahir Cabdillaahi Dogox (4504 Dhibcood)

2. Cabdillaahi Aw Aadan Maxamed (2777 Dhibcood)

3. Cabdillaahi Siciid Faarax (2688 Dhibcood)

4. Deeq Ducaale Cismaan (2348 dhibcood)

Rays

1. Ismaaciil Jaamac Xirsi Cabdi (1764 Dhibcood)

Dalsan

1. Cabdicasiis Aadan Habane (2666 Dhibcood)

2. Ilyaas Aw Xuseen Jaamac (2027 Dhibcood)

UCID

1. Maxamed Aw Aadan Weyrax (4465 Dhibcood)

2. Khadar Ibrahim Axmed Maax (3514 Dhibcood)

3. Cabdicasiis Maxamed Xaashi (3000 dhibcood)

4. Maxamed Cabdi Aadan (2263 dhibcood)

Umadda

1. Axmed Cali Haybe (3782 dhibcood)

2. Khaalid Cabdi Cawad Abyan (2947 dhibcood)

3. Mustafe Cismaan Daahir (2860 dhibcood)
 

 


Guuleed Yare
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland