Komishanka Doorashooyinka Ayaa Sheegay In Ku tal agalkoodu Yahay Bisha June Inay Doorashada Madaxtooyadda Qabtaan

 

Hargaysa(TNN)- Guddoomiyaha Guddida Doorsahooyinka Somaliland Ciise Xamari ayaa  m aanta ku dhawaaqay kutalagalka wakhtiga Doorashada inay u qoondeeyeen inay dhacdo horaanta bisha June sidaana waxa uu ka sheegay mar uu goor dhaweyd ka hadlayay  xaf ladd ay ku saxeexayeen Komishanka Doorashooyinka iyo sadexda Xisbi Xeerka Anshaxa ee Doorashada oo maanta lagu saxeexay Hotelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa

Sidoo kale Ciise Xamari waxa uu sheegay hawshii Diiwaangalinta inay soo gaba gabayna yaan bisha May ee fooda inagu soo haysa, isagoo intaa ku daray inay rajo fiican ku qaba an inay Doorashadu si habsami ah u qabsoomi doonto.

Waxa hada lagu gudaa jiraa munaasibad balaadhan oo ay isugu yimaadeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo madaxda axsaabta waxaana kulankaasi maanta si rasmiya loogu kala saxeexanayaa Xeerka Anshaxa ee Doorashada oo mudada ay Doorashadu  so coto lagu xakamayn doono waxyaabaha khaladaadka ah ee ka baxsan sharciga



Source:Waaheen