Khudbadii Madaxweynaha Somaliland ka jeediyay Fu ritaanka Shirweynaha
saddexaad ee KULMIYE
Hargeysa (TNN):-Madaxweynaha Somaliland Md.
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay aa maanta ka furay Huteelka
Maansoor ee caasimadda Hargeysa shirweynihii saddexaad ee xisbiga
tallada haya ee KULMIYE.
Madaxweynuhu waxa uu furitaankii shirweynaha ka jeediyay khudbad
dheer oo siyaasiya oo uu kaga hadlay arrimo badan oo iskugu jiray
waxqabadkii xukuumadda, siyaasadda iyo arrimo kale.
Khudbadii Madaxweynaha oo dhamaystirani waxay u dhignayd sidan:-
“Bismilaahi Raxmaani Raxiim Al-xamdu-lilaah, Ilaahaybaa mahad leh,
Mudanayaasha labada Gole, Wasiirada, Hogaanka Kulmiye, Xubnaha
Golaha Dhexe ee Xisbiga, marti sharafta, dadweynaha iyo saxaafadda.
Waxan idinku salaamaya salaanta islaamka “Assalaamu calaykum
waraxmatullaahi wa barakaatu”.
Ugu horeyn, waxan salaan iyo mahadnaq u dirayaa dhamman shacbiga
Somaliland gudo iyo dibedba, sidaas oo kale waxaan salaan iyo
mahad-naq gaar ah u dirayaa xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga
Kulmiye, waxaanan mar kale uga mahad celinaya tacabkii iyo
taageeradii aad xisbiga geliseen xiliyadii tartanka doorashada
taasoo sababtay inuu xisbigu doorashooyinkii kala danbeeyey kusoo
baxo derajada 1aad, waxaanan idinka rajaynayaa inaad halkaa ka sii
waddaan dadaalka, isku duubnida iyo illaalinta danta guud inta ay
umaddani gaadhayso himiladeeda.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Xisbiga Kulmiye wuxuu u taagan yahay xaqiijinta barnaamijkii xisbiga
oo ku qotoma himiladeena ummadeed, adkaynta nabadgelyada, midnimada
bulshada, horumarinta dalka iyo jiritaanka Qarannimada Somaliland.
Sidaad ka wada war haysaan, waxaynu samaysanay Dastuurka-Xisbiga,
qorshaha iyo barnaamijkeena siyaasadeed oo ka shidaal qaadanaya
Dastuurka Qaranka, Xeerarka iyo Siyaasada guud ee dalka, xilligii
ololaha doorashada ballanteenu waxay ahayd inaynu dalkan ka samayno
isbedel-siyaasadeed, isbedel-hab-maamul, isbedel-dhaqaale iyo
horumar dalkani ku talaabsado.
Ilaahay Mahaddii, dhamaan qodobadii barnaamijkii siyaasadeed ee
Xisbiga u qorshaysnaa ee aynu bulshada u balan-qaadnay wax fiican
ayaa laga qabtay; waa wax dhamaaday iyo wax gacanta lagu hayo.
Haddii aan dul-maro waxay kala ahaayeen:
- Aqoonsi raadinta Qarannimada Somaliland iyo Siyaasada Arrimaha
Dibedda.
- Horumarinta Garsoorka iyo Hagaajinta Nidaamka Cadaaladda.
- Nabadgelyada Iyo Difaaca Qaranka.
- Kobcinta iyo Kor u qaadida Waxbarashada iyo Caafimaadka.
- Xoojinta Wax-soosaarka, Dalaga Beeraha iyo Biyaha.
- Illaalinta Deegaanka iyo daryeelka xoolaha.
- Kobcinta Dhaqaalaha iyo Dhiirigelinta Ganacsiga.
- Dhismayaasha Xafiisyada Dawlada, Maddaarada iyo Horumarinta
waddooyinka.
- Shaqo Abuurka iyo Dhiirigelinta Dhalinyarada.
- Tixgelinta iyo kor u qaadida Waxbarashada iyo shaqo-siinta Dadka
la hayb-sooco.
- Soo Dhawaynta iyo Dhiirigelinta Qurbajooga.
- Horuminta Haweenka ee ka Qayb-Qaadashada hogaaminta iyo Siyaadada.
- Warbaahinta Iyo Saxaafada
- Xoriyatul-qawlka iyo Xuquuqal iinsaanka.
Haddaba, hadii aan dulmarkaa dabadii afar meelood si kooban uga
tilmaamo tussaale aha an (Arrimaha Dibadda, Adeegyada Bulshada,
Dhaqaalaha, Dhismayaasha-Dawladda iyo Waddooyinka).
1. Aqoonsi Raadinta Qarannimada Somaliland iyo SiyaasadaArrimaha
Dibedda:
Waxaanu xil iska saarnay xaqiijinta iyo taabo-gelinta
madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah sidii ay uga mid
noqon lahayd bulshada caalamka, una heli lahayd aqoonsi buuxa.
Waxaa hubaal ah in aanu arrintan kasoo hoynay guul aan qarsoonayn,
innagoo maanka ku hayna muhimadda uu madax-banaanideena u leedahay
xidhiidhka fiican iyo saaxiibo inagala shaqeeya ictiraafka, waxaynu
yeelanay saaxiibo badan oo ku hawlan inay inagala shaqeeyaan arintan
waxaana jira dedaalo badan oo ka socda wadamada jaarka iyo Europe
kuwaas oo midhadhalkoodii ugu horeeyey aad maqasheen mooshinkii ka
dhacay magaalada Shiffield, UK.
2. Arrimaha Bulshada:
A. Waxbarashada:
Ballanqaadku waxa uu ahaa in bulshada loo horseedo wax-barasho
bilaash ah si ay danyartu u hesho fursad la mid ah waxbarashada ay
helaan kuwa ladani, waana lagu guulaysatay, waxaa Ardayda tiradoodu
ahayd 111,500, waxaanay marayaan 215,031. Waxaa Iskuullo la dhisay
ama wax lagu kordhiyey waa ilaa 600 oo Iskuul. Waxaana la qoray 4000
oo Macalin.
B. Caafimaadka:
Annaga oo ogsoon in caafimaadku uu muhiim u yahay nolosha
Bani’aadamka, waxa Xukuumad ahaan aanu xil weyn iska saarnay sidii
loo hagaajin lahaa Daryeelka Caafimaadka, loogana hor tagi lahaa
cudurrada kala duwan, isla markaasna waxaanu ku dedaalnay in
dadweynaheenu ay Dalka gudihiisa ka helaan adeegyo caafimaad oo
dhamays tiran si ay uga raystaan inay dalka debadiisa ugu baxaan
arrimo caafimaad.
Waxa ay Wasaaradda Caafimaadku diyaarisay qorshe Sannadeedka Shanta
Sannadood oo la jaanqaadaya Qorshaha Horumarineed ee Qaranka iyo
Xeerka Caafimaadka Qaranka oo loo gudbiyay Golaha Wakiilada
Somaliland.
Haddii aan isdultaago kor u kaca adeegyada caafimaadka muddadii
Dawladda Kulmiye dalka hogaaminaysay waa sidan soo socota:
• Sannadkii 2010 waxaanu la wareegnay 15 Cusbitaallada Gobollada,
Sannadkan 2014 waxay marayaan 28 Cusbitaallada Gobolladu, waxay
Dawladda Kulmiye soo kordhisay 13 Cusbitaallada Gobollada.
• Sannadkii 2010 waxaan la wareegnay 21 Cusbitaalada Degmooyinka,
Sannadkan 2014 waxay marayaan 37 Cusbitaalada Degmooyinku, waxay
Dawladda Kulmiye soo kordhisay 16 Cusbitaalada Degmooyinka.
• Sannadkii 2010 waxaan la wareegnay 126 Xaruma Caafimaad, Sanadkan
2014 waxay marayaan 136 Xaruma Caafimaad, waxay Dawladda Kulmiye soo
kordhisay 10 Xaruma Caafimaad.
• Sannadkii 2010 waxaan la wareegnay 6 Ambulance, Sanadkan 2014
waxay marayaan 22 Ambulance, waxay Dawladii kulmiye soo kordhisay 16
Ambulance.
C. Dhaqaalaha:
Dhaqaaluhu waa laf dhabarta nolosha, waana dhidibada horumrka,
anagoo ka duulayna ballantii xisbiga iyo masuuliyada naga saran
umadii xilka noo igmatay, waxaanu dardar gelinay kobcintii
dhaqaalaha, iyadoo miisaaniyadii aan xilka kula wareegay ahayd 2010=
$44,000,000 US Dollar,
Ayaanu gaadhsiinay sanadkii 2011= $86,000,000 US Dollar,
Waxaanu gaadhsiinay sanadkii 2012= $106,000,000 US Dollar,
Waxaanu gaadhsiinay sanadkii 2013= $125,000,000 US Dollar,
Waxaanu gaadhsiinay sanadkii 2014= $152,000,000 US Dollar,
Waxaad dareemi kartaan faraqa u dhexeeya maalintii aanu la wareegnay
iyo maanta $44,000,000 — $152,000,000
D. Dhismayaasha Xafiisyada Dawlada iyo Wadooyinka:
Waa muhiim in xafiisyada dawlada ee dadka loogu adeegayaa ay yihiin
qaar u diyaarsan shaqada oo leh bilic iyo haybad u qalanta sharafta
dawladeed iyo karaamada Qarannimada anagoo arintaa ka duulaynana
waxaanu dhismayaal cusub kusoo kordhinay wasaaradaha: Daakhiliga,
Khaarijiga, Waxbarashada, Beeraha, Ciyaaraha, Xannaanada-Xoolaha,
Kaluumaysiga, Deegaanka, Duulista, Boosaha iyo Isgaadhsiinta,
Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada, Caddaalada, Gaashaandhiga iyo
Qasriga Madaxtooyada.
Wadooyinku waxay halbawle u yihiin isku xidhka dalka, isu gudubka
bulshada, sugida amaanka iyo kor u qaadida dhaqaalaha (Waxay ka mid
yihiin kaabayaasha dhaqaalaha) iyad oo loo baahanyahay noocyada kala
duwan ee wadooyinka sida wadooyinka waaweyn ee isku xidha gobolada
iyo degmooyinka kuwaas oo isugu jira Wadooyin laami ah, Jidcade iyo
Xagaaf.
Waddooyinkan, oo yaraanta-awoodeena-dhaqaale iyo dedaalka la geliyey
oo hooseeyay darteed, ayay dhamaantood ku habsatay dayactir la’aan
iyo horumar la’aan waxay xaaladoodu ku suganayd xaalad u baahan in
si dhakhso ah wax looga qabto, Dawlad-ahaan waxaanu ku qaabilay
sidii ugu dedaalka badnaynd ee ay awoodi noo saamaxday, waxaana laga
qabtay wax aad u weyn: waxaa dhamaaday Waddada Dilla-Borama,
Kalabaydh-Wajaale, Dayactirka Hargaysa-Berbera oo wax yari uun ka
dhimanyihiin gacantana lagu hayo, Bridge-ka 2aad ee Hargeysa oo aanu
dhamaystiray, iyadoo aan gacan fiican ka gaysanay dhamaan wadooyinka
muhiimka ah ee ay Bulshadu gacanta ku hayso, Anagoo billawnay
Wadadii dheerayd ee Ceerigaabo.
Waxaa ka warhayseen socdaalkii dheeraa ee aan ku maray dhawaan
xeebaha dalka (Saylac Illaa Laasqoray), waxaanay ahayd ujeedadu in
aan u kuur-galo xogogaalla u noqono nolasha bulshada, una samayno
qorshe ku wajahan sidii looga faaiidaysan lahaa khayraadka ku duugan
xeebaheena.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaan jecelahay in aan idin xusuusiyo qayb muhiim ah oo ka mid
ahayd balanqaadyadeenii xiligii doorashada, tasoo u dhignayd sidan
“Xisbiga Kulmiye waxa ka go’an inuu hubiyo in haweenku si buuxda oo
firfircoon oo xaq-soor leh uga qayb qaataan dhammaan dhinacyada
bulshada, siyaasadda, iyo dhaqaalaha ee dhismaha nololsha, iyadoo la
abuurayo quwad shaqaysa oo aqoon leh, taas oo awood u leh ka-qayb
qaadashada hawlaha dawladda”.
Haddaba: Arrimaha haweenka Xukuumad-ahaan waxaanu uga hawlgalay si
fiican iyadoo aan guddi u saaray sidii loogu samayn lahaa qorshe
lagu dhiirigelinaaayo sidii ay kaalin fiican ugu yeelan lahaayeen
hogaanka siyaasadeed ee dalka, waxaana guddigaasi soo jeedisay in
loo sameeyo Kooto, anigoo u gudbiyey Gollaha Wakiilada labo jeer,
illaa hadana gollaha lama horkeenin. Waxaan xubnaha golaha wakiilada
ee Kulmiye ka codsanayaa in mooshin lagu keeno lagana shaqeeyo sidii
sharciga loo waafajin lahaa.
Somalia
Waxaan leeyahay Dawlada Somalia, dadka Somaliland waa tashaday,
Waxay lasoo noqdeen madax-banaanidoodii, diyaar uma aha midnimadii
Somaliweyn idiin-mana soo socdaan. Walaalayaal hadday innaga
xumaatay walaalo midoobaa, yaanay inaga xumaanin wallaalo is
dhawrta, is-kaashada oo is-ixtiraama.
Waxaanu ku baaqaynaa nabad, waxaanu ku baaqaynaa jaarnimo-wanaagsan
iyo iskaashi wallaalnimo ku-dhisan, dagaal wiil baa ku dhinta ee
wiil kuma dhasho umana baahna mandaqadani maanta. Waxaan leeyahay
xuduudaha Somaliland mugdi ka ma jiro, taako, dhudhun iyo tallaabo
toona kama ogolin cidna gorgortan kala gelimayno, waxay ku
dhisanyihiin sharci, hadiise nalagu soo xadgudbo waxaanu u leenahay
awood aanu ku diffaacno.Wassalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa
Barakaatu.”
|