Khudbadii Cabdiraxmaan Tuur Ee
18 May 1991
Isniinta ay maalin kali ahi inaga
xigto, waxay ku beegan-tahay siddeed iyo toban sano guuradii ka soo
wareegtay la soo noqoshada madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland oo
magaallada Burco lagaga dhawaaqay bishii May 18-keedii 1991-kii.
Islamarkaana Madaxweyne iyo
Madaxweyne Ku xigeen loogu doortay Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo
Xassan Ciise Jaamac oo ahaa gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeenkii
Ururkii SNM ee hormuudka ka ahaa hal-gankii dib u xoraynta dalka.
Munaasibadan oo sanad kasta la xuso, waxa ka muuqda gobolada dalka,
guud ahaan daafaha dunidana ka socda diyaar-garow loogu jiro
dabbaal-daggeeda. Marka la eego caasimadda Hargeysa waxa jira Cod-baahiyayaal
lagu xidhay jidadka hal-bawlaha ah iyo arrimo kale oo weynanta
maalintan la xidhiidha, iyadoo Madaxweyne Rayaale qaban qaabada
munaasibadan u magacaabay guddi uu guddoomiye u yahay Wasiirka
Arrimaha guduhu.
Maalintani, waxay shacbiga Somaliland ugu fadhidaa qiimo aad u badan
oo Naf iyo maal-ba leh. Sida la og-yahay, dad-yawga dunidu waxay ku
kala tageen heerka dhugashada taariikhdooda. Haddaba, Wargeyska
Geeska Afrika, isagoo taas dabaqaya, waxa uu sannad kasta
Akhristayaashiisa u soo gudbiyaa nuqul ka mid ah khudbadii Marxuum
Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) ka jeediyay Xafladii lagaga dhawaaqay
gooni isu taagga Somaliland, 18 May, 1991. Sidoo kale labada sawir
ee la socda warkan ayaa ah laba muuqaal oo Madaxweynihii u horeeyay
ee Somaliland iyo madaxweyne ku xigeenkii u horeeyay laga qaaday
isla maalintaas 18 May ee lagu dhawaaqay la soo noqoshada
madaxbanaanida Somaliland. Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, waxa uu
hadalkiisa ku bilaabay. “Sidaa uu idiin sheegay Mujaahid Ibraahim
Meygaag Samatar galabta oo Burco la Joogo waxa uu golaha dhexe ee
SNM go’aansaday in waqooyigu gooni isu taago oo uu samaysto dawlad
madax banaan. Taasina ma aha wax ku kooban golaha dhexe ee waxa uu
ka turjumayaa dareenka dadka ku nool Waqooyiga, waanad la socoteen
shirarkii u socday dadka waqooyiga.
Ummaddii way shirtay waxaanay
gaadheen tallooyin waaweyn, Golaha dhexe ee SNM wuxuu isku raacay in
waqooyigu gooni isu taago taas macnaheedu maaha in colaad cadaawe
iyo calool xumo ay jirayso koonfur iyo waqooyi, waxaanu annagu
diyaar u nahay maamulka Golaha Dhexe iyo ummadda waqooyiga ku nool
in walaalahayaga koonfureed la yeelano cilaaqaad wanaagsan oo
walaaltinimo ah oo wax tar leh oo danahooda guud ahaaneed ka wada
hadli kara.
Annaga oo ah laba dal oo labaduba madaxbanaanyihiin iyada oo ay
dantu ku kalifayso inay wax badan iska kaashadaan iyaga iyo
dawladaha kale ee aanu jaarka nahayba. Sidaas ayaanu annagu
jecelnahay waxaanuna ka rajaynaynaa walaalahayaga koonfurta inay
iyaguna sidaa u arki doonaan taas oo aan iyagana waxa dhibaato ah u
lahayn, waxaan Eebe ka rajaynayaa in uu go’aankani noqdo mid waara.”
www.geeska.net
|