Khilaaf Xooggan Oo Ka Dhex Qarxay Dawlada Muqdisho Iyo Turkiga, Ka Dib Booqashadii Madaxweyne Siilaanyo

 



Hargeysa (TNN) - Wararka ka imanaya xarunta madaxtooyada Villa Soomaliya ee Muqdisho ayaa sheegaya in uu soo shaac baxay warar maalmahan la hadal hayey oo sheegaya in daw lada Soomaliya ka cadhootay booqashadii iyo casuumadii tooska ahayd ee uu Madaxwayn a ha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo ka helay dalka Turkiga iyo sidii loogu soo dhaweey ey dalkaasi ay la xumaatay xukuumada Soomaliya, kaas oo la ogaaday ka dib markii shalay uu qaabili waayey Madaxwaynaha Soomaliya safiirka dawlada Turkiga u fadhiya Magaalada Muqdisho, isla markaana ay ku qaadatay 3 saacadood in uu ku dul caajiso fadhiga Madaxtoo yada, isla markaana uu iskaga huleelo markii uu arki waayay masuliyiintii u sareeyay, taas oo waji gabax ku noqotay safiirkii Turkiga ee Muqdisho fadhiyay. Dhacdadan ayaa muujinay sa warar maalmahan la hadal hayey oo ku saabsanaa in dawlada Soomaliya ay bilaabayso inay dagaal diblamasiyadeed la galayso Somaliland, taas oo haatan soo shaac baxay.

Dawlada turkiga ayaa Soomaliya ka badbaadisay macaluushii ka taagnayd dalkaasi, isla mark aana indhaha caalamka ku soo jeedisay markii uu Muqdisho yimi Raysal Wasaaraha Turkiga, kaas oo noqday masuulkii ugu cuslaa ee reer Yurub sida daacada ay ka tahay wax ugu qabt ay dalka Soomaliya, kaas oo wakhtigaa uu booqashada ku marayay Somalia ku caawiyay lacag dhan $3200m halka maanta uu ka yahay $2200, kaas oo dalka ay ka shaqeeyaan 15 hay’adood oo Turki ah, oo wax ka qabta qaybaha caafimadka, waxbarashada, dhismaha iyo wadooyinka. Waxaana Turkigu Muqdisho Ku leeyahay sumcada ugu sareeysa ee Somaliya wakhtigan xaadirka ah looga hayo. Ma jirto ilaa hada cid ka hadashay dhacdadan ka dhacday xarunta Madaxtooyada, taas oo noqonaysa sida degdega ay ka muuqato ama cadaawada uu Madaxwayne Xasan Sheekh u hayo Somaliland.

Dhinaca kale waxaa lagu soo waramayaa inuu jiro wada shaqayn la’aan ka dhex taagan, isla markaana isku afgaran laayihiin Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga sida loo maa mulayo deeqaha ay ku soo qaadeen magaca Soomaliya, kaas oo dawlada Soomaliya bilowd ay in ay cuna qabatayn ku soo rogto qaabkii ay dalka ku maamuli jireen, waxa kale oo iyana la sheegaya in uu jiro khilaaf ku wajahan maamul samaynta Kismaayo in ay soo dedejisay ka bixitaanka ciidamada Itoobiya oo ka walaacsan maamulkaa Kismaayo dawladu haatan doona yso in ay shir gudoomiso, hawshana ay maamusho. Dhanka kalena waxaa la sheegayaa in AMISOM iyo dawlada Soomaliya uu jiro isfahan la’aan soo kala dhex gashay, ka dib markii muddada loo kordhiyey joogitankoodii Soomaliya, waxana ay danaynayaan sida la sheegayo in isbedelada ciidamada lagu sameeyey ay doonayaan in madaxda ciidamada laga simo bede lkooda oo aan qaar keliya la bedelin.

 

Source:Haatuf