Khilaaf Xaasaasi Ah oo Ka Dhex Qarxay Xukuumadda Iyo Ku lmiye iyo Muuse Biixi oo Sheegay Inaanu Dalka Ka Talin Madaxwayne Siilaanyo, Balse Cidkalae Ka Taliso


 


Hargeysa (TNN):- Xogo Wargeyska Yool ka helay ilo ku dhow-dhow Qasriga Madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi uu kulan Jawigiisu Kakan ya hay la yeeshay Md. Axmed Siilaanyo, iyadoo sida Wararku xuseen Mujaahid Muuse Biixi kala hadlay Madaxweynaha arimo dhawr ah oo ku saabsan Qabsoomida Shirka Beelaha Sacad Muuse ku balan san yihiin inay ku qabsadaan Deegaanka Agabar ee Galbeedka Magaalada Hargeysa iyo sidoo kale, iska hor-imaad ka dhex dhaca Beelaha Sacad Muuse.

Waxaana wararku intaa ku dareen Guddoomiye Muuse Biixi inuu Madaxweynaha si kulul ugu sheega y in aanay Suurtogal ahayn in la iska horkeeno Beelaha Sacad Muuse, iyo sidoo kale in aanu Axmed-Siilaanyo ka bogsan Colaado iyo xanafo hore, hase ahaatee Muuse ahaan uu ka bogsaday dhacdoo yinkii laga soo gudbay. Muuse Biixi waxa uu si cadho ku jirto ugu sheegay Madaxweyne Siilaanyo in Xukuumaddu ku lug leedahay Khilaafka iyo muranka ka taagan qabsoomida Shirka Beelaha Sacad Muuse, iyo sidoo kale waxa uu ka digay qorsheyaal lagu maagan yahay in xilka laga qaado Guddoom iyaha Degmada Agabar, oo sida wararka qaar xuseen la tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay ama niyada kala jiro Muuse Biixi iyo Wasiirka Ganacsiga ee dhalasho ahaan kasoo jeeda Deegaanka Aga bar Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo isagu xullafo la ah garabka Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.

Dhinaca kale, waxa iluhu tibaaxeen in Mujaahid Muuse Biixi ku wargeliyey Madaxweyne Siilaanyo ha ddii Xukuumaddu faraha kala bixi weydo arrimahaa mushkilada ka dhalata aanu fal-celinta arinkaas noqon doonin mid ay Xukuumadu ka badbaado, waxa kale oo ilo-wareedyadu Carabta ku dhufteen in Guddoomiye Muuse Biixi intaanu madasha ka kicin uu cadho ku jirto ugu tiraabay isagoo la hadlay ey xubno kulanka isaga iyo Madaxweynaha kusoo biiray weedho Kakan oo nuxurkoodu ahaa in aan war ku seeganayn Shacbiga cidda masuuliyada talada dalka gacanta ku haysa aanay ahayn hogga ankii Ummaddu dooratay. Waxana ay arintu gaadhay in hadalku ka taag-taagmo labada masuul oo kulanku noqdo mid ay Maryo-dhiigle ku kala furteen Siilaanyo iyo Biixi, inkastoo ay ilo wareedyadu ka gaabsadeen inay si rasmi ah u iftiimiyaan jawaabta uu Madaxweyne Siilaanyo ka bixiyey garna qsiga Muuse Biixi.

Geesta kale, Wararka la xidhiidha qaban-qaabada Shirka Beelaha Sacad Muuse, ayaa sheegaya in Shir lagu qabtay Guriga Wasiirada Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan ay ku kulmeen Gan acsatada Waa-weyn iyo kuwa Dhexe ee Beelaha Sacad Muuse, kuwaasoo sida iluhu tibaaxeen ku lankooda looga gol-lahaa sidii ay Kaalmo dhaqaale uga geysan lahaayeen Shirka. Hase-yeeshee, iluhu ma xusin iyo waxyaabihii la isku la qaatay.



“..Maayarka Gabiley Maaha Inuu Golaha Kala Qaybiyo, oo Xisbiyo u Qaybiyo..”
Xildhibaan Cabdicasiis Cabdilaahi

Xildhibaan Cabdicasiis Cabdilaahi Ismaaciil oo ah gudoomiyaha gudida Nabadgalyada ee golaha deegaanka gabiley ayaa maanta shir jaraa,id ku qabtey magaalada gabiley, waxaanu raaligalin bixiyay dhacdadii lagula kacay wasiirka wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga Dr Maxamed C/laahi Cumar , waxaanu maayarka gabiley ku booriyey inaanu kala qabin xildhibaanada golaha deegaanka gabiley, waxaanu xildhibaanada usoo jeediyey inaaney suuqyada ka caytamin ee ay miiska wada hadlka kusoo noqdaan.

Ugu horeyn waxa uu yidhi” marka hore waxaan raaligalin siinayaa wasiirka wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga Dr maxamed c/laahi cumar, waxaan leenahay sacaadatu wasiir raali noqo gobolku waa gobolka udhashay waanan raaligalinayaa, Golaha deegaanka waxaa loo doortey inay ka sheqeeyaan danta umada iyo horumarkooda, cidkasta oo xildhibaanada reer ka dhigtan dambiga iyada leh, anigu waan ahay gudoomiyii amniga cida isku deyda inay buuga iyo qas samayso Talaabo adag ayaan ka qaadayaa.” Ayuu yidhi xil c/casiis c/laahi

Mar uu xildhibaanku la dardaarmayey maayarka degmada gabiley iyo xildhibaanada Hogaanka golaha mucaaridka ku ah waxaanu yidhi” waxaa lee yahay maayerka gabiley golaha ha kala jabinin, xildhibaanada ha u kala saarin xisbiyo, xildhibaanadu waa kuwii ku doortey mucaarid iyo muxaafidba adiga ayaa u maaryar ah, waxa ay tabanayaa inaad qancsio xaq ayay u leeyihiin , waxaan leeyahay xildhibaanada mucaaricka ah xildhibaano ayaa tihiiin looma baahna inaad suuqyada iyo maqaaxiya ka hadashaan, xildhibaano ayaad tihiin sharaf iyo karaamo ayaad huwan tihiin, waxaan tabayneysaan waxaa loo baahan yahay inaad soo fadhiisataan miiska wada hadalka, mudadii aynu joogney waxaa soo jiitamayey khilaaf kaasi oo naafeeyey waxqabadyo faro badan oo inoo qabsoomi lahaa, hadii uu maayerku xumaan iyo wanaagba leeyahay waan la waadaageynaa,waxaan ugu baaqayaa inay maamulka golaha iyo xildhibaanadu sida ugu dhakhasaha badan ku dhameeyaan khilaafka ka dhex aloosan,”sidoo kale waxaa u kula dar-dar may xildhibaanada in ay la xisaab tamaan maayaarka isla markana ay qiiraan waxaa u qabtay “xildhibaan c/casiis c/laahi ismaciil.
 


Wargeyska Yool ,Hargeysa