Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Laba Beelood Ku Dhex ma ray Ceerigaabo, Taliyihii Bileyska Fiqi-fuliye Oo La Khaa rajiyey Iyo Cabsi Soo Wajahday Dadka Deegaankaasi

 

 

 


Dagaalka labada Beelood ayaa la sheegay inay kala dhex galeen cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka



Ceerigaabo, November 3, 2011 (TNN) – Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag ayaa xalay Caweysinkii uu ka qarxay dagaal ku dhex maray laba beelood oo ka mid ah Beelaha Deegaanadaasi wada dega, kaas oo keenay Khasaare Mood iyo Noolba leh.

Dagaalkan labada dhinac dhex maray ayaa ka dhashay kadib markii salaadii Cishaa’i ee xalay xili ku beegan ay koox hubaysani toogasho ku dileen Taliyihii ciidanka Bileyska ee deegaanka Fiqi-fuliye Shiine Yaasiin Xiin Finiin, halka ay ku dhaawaceen saddex ilaaladiisa ah xili ay ku sugnaayeen magaalada Ceerigaabo, iyadoo kooxda dilka geysatayna la sheegay in laga dilay hal qof.

Dilka Taliyaha Bileyska ee Fiqi-fuliye Marxuum Shiine Yaasiin ayaa isagu ka soo jeeda Beesha Dhulbahante ee deegaankaasi, halka kooxda dishayna ay ka soo jeedo Beesha Muuse Ismaaciil (H/Yoonis), dilkaas ayaa salka ku haya markii dhawaan la dilay Taliyihii Saldhiga Daalo ee Ceerigaabo Muuse Tuwaale oo ka soo jeeda Beesha Muuse Ismaaciil (H/Yoonis) oo keentay in aano loo dilo xalay Shiine Yaasiin Xiin Finiin.

Dilka Taliyahan kadib ayaa waxa magaalada Ceerigaabo ka Qarxay dagaal u dhexeeya labada Beelood, iyadoo la sheegay in xalay magaalada ay dadweynuhu ka qaxayeen, isla markaana si weyn magaalada looga maqlayey Tacshiiradaha rasaasta ee ay isku adeegsanayaan labada Beelood.

Sida uu Haatuf u sheegay Siciid Cali Weyne oo ka mid ah dadka degan magaalada Ceerigaabo oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay, kaas oo walaac cabsi leh ka muujiyey dagaalka ka oogmay guddaha Ceerigaabo, waxaanu intaasi ku daray in isla xalayba ay dagaalkaasi soo kala dhex galeen Tiknikada Ciidanka Qaranka ee Guutada Lixaad oo fadhigoodu yahay Ceerigaabo.

Si kastaba ha ahaatee Magaalada Ceerigaabo oo ah Magaalo ay wada degaan dhawr beelood oo ka wada tirsan Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyey waxa ku sii badanaya iska horimaadyada ka dhasha dilalka Aanada ah ee ay isku geystaan dadka deegaankaasi, taas oo dhawaan lagu soo afjaray halkaasi dilal ay kala tirsanayeen qaar ka mid ah beelaha halkaasi degan.

Ma jiro ilaa iyo hadda war dagaalkaasi ku saabsan oo ka soo baxay Beelihii ku dagaalamay Ceerigaabo iyo Xukuumadda Somaliland toona.

 

Source:Haatuf