Kharash intee le'eg ayaa kaga Baxa Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo Jawaabaha Mucaaridka iyo Shaqsiyaadka Dhaliila Waxqabadkeeda? WQ/Mustafe Future

 


Xukuumad waliba waxay wadataa waayeheeda Waxqabad iyo Door ay ka Ciyaarto Siyaasada Wadanka hadba halka ay marayso, waxaan jira jidad badan oo Loo Adeegsado Ka hortaga Mucaaridada, Dhaliilaha iyo God-daloolooyinka Shaqo ee ka soo bixi kara hawlmaalmeedka Xukuumaddu u hayso Shacabkii soo doortay.



Sida aynu wada ogsoonahay Shaqo la qabanayo Dhaliil lagama waayo, dhaliishu waxay Daawo u tahay Waxqabad la,aanta iyo shaqo xumadda waxaanay dhiiri galin u samaysaa Masuulka Shaqadiisa la dhaliilay, waana meelaha siyaasigu wax kala soo dhex baxo ee uu ka faa,iidaysto, sidaa darteed dhaliishu waxay faa,iido badani ugu jirtaa Xukuumadda iyo masuuliyiinteeda kuwaasi oo u baahan in ay Dhaliilahooda dhinaca wanaagsan uga faa,iidaystaan balse aanay wakhtiga iskaga qaadin iska caabin, difaac iyo jawaabo Daciifa oo aanay bulshadu u garaabi Karin.



Alle ha u naxariistee Marxuum maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ayaa inta badan la qiraa in uu ka mid ahaa Masuuliyiintii Dhagaysan jirtay Dhaliisha Bulshadu usoo jeediso Xukuumadiisa isaga oo Xanta Suuqa ka jirta ka sheegi jiray Fagaaraha Khayriyada ee Bulshadu iskugu Timaado.



Aan udaadago Duluc Mawduuca oo ah Kharashaadka Xukuumaddu ku Bixiso jawaabaha Mucaaridka iyo Shaqsiyaadka Dhaliila Siyaasadda Hogaanka taasi oo Caado u noqotay Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo tan iyo intii ay la wareegtay talada Dalka, waxaa ku badan dhagaha bulshada Somaliland ku dhaqan mar kasta oo Masuul ka mid ah Mucaaridka ama Shaqsi kale oo Bulshada Sumcad ku dhex lehi dhaliilo Waxqabadka Xukuumadda iyo Balanqaadyadii Madaxwaynuhu samayn jiray Wakhtigii uu Macaaridka ahaa in badi masuuliyiinta Xukuumaddu iska Daba jawaabaan iyada jawaabaha Qaarkood is burinayaan oo aanay war isku haynin marka ay jawaabayaan.



Waxaa inta badan dadku aad u barteen Shaqsiyaad badan oo Marka ay hadlaanba Todobaad dhan Xukuumadu ka jawaabto Dhaliisha ay soo jeediyaan, kuwaasi oo aan waxqabad lagaga jawaabin ee Cay iyo Aflagaado lagaga jawaabo Dhaliisha ay soo jeediyaan iyada oo ay ka mid yihiin Masuuliyiinta ugu Caansan ee Xukuumaddu u wada jawaabto, Dr.Maxamed Cabdi Gaboose, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, Eng.Faysal Cali Waraabe, muj.Cali Gurey iyo Masuuliyiin kale.



Beenalaha Calaamadihiisa waxaa ka mid ah Waxa uu ka Gubtaa Runta iyo Xaqiiqada waxaanu Dagaal ba’an la gala wax kasta oo Taageeri kara, waxaanu isku dayaa in uu Bulshada marin habaabiyo oo Meelo kale wax ka tuso si loo ilaawo Beenta uu sheegayo, waxaanu abuuraa Xiisad kale oo bulshadu kaga mashquuli karta beentiisa.



Waxaan tusaale gaaban u soo qaadanaynaa Maalin uu halday Dr.Gaboose oo uu soo bandhigay Meelaha Xukuumadu u liidato iyo Go,aan Qaadashada madaxwayne Siilaanyo waxaa jawaabo kala duwan ka Bixyay ku dhawaad 5 masuul oo siyaabo kala duwan uga hadlay Dhaliisha Gaboose usoo jeediyay Xukuumadda kuwaasi oo qaarkood inta ay ka gudbeen dhaliishii si shaqsi ah u weerareen Masuulkan dhaliisha soo jeediyay.



Kharashka ugu yar ee Todobaadkaa ku Baxay Jawaabta dr.Gaboose waxaa lagu Qiyaasi karaa Shan iyo Toban kun oo Dollar ($15,000 ) oo ku Baxay Warbaahinta Madaxa Banaan oo kaliya gaar ahaan TV-yada, Joornaalada iyo Website-yadda, kuwaasi oo Shaqsiyaad kala duwan ka Qaaday lacagta Baahinta Jawaabtan oo Xukuumaddu aad u danaynaysay, Masuuliyiinta jawaabayayna ay aad danaynayeen in Jawaabtooda Madaxwaynuhu Gaadho iyada oo mararka Qaar shaqsiyaadka jawaabaya ay soo galaan Salaadiin iyo Masuuliyiin Dibad joog ah.



Kuma koobna oo kaliya jawaabaha dhaliisha laga bixiyaa Siyaasiyiinta iyo Mucaaridka balse xataa mararka qaar waxay gashaa Abwaanada iyo wax garadka kale ee bulshada waxaana tusaale gaaban inoogu Filan Jawaabtii laga Bixiyay Gabaygii Gunaad ee Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ku dhaliilay Waxqabadka Xukuumadda iyo Sharciga sida loogu dhaqmo kaasi oo kharashkii habeenkaa jawaabta ku baxay lagu qiyaasay $9000 sida waliba ay ii xaqiijiyeen Masuuliyiin aad ugu dhuun daloola Madaxtooyada oo qaarkood ka qayb ka ahaa Barnaamijka.



Waxaan Xasuustaa habeenkaa anniga oo ku Gudo jira Hawlmaalmeedkayga shaqo isla markaana Xafiiskayga ku Sugan ayaa waxaa isoo wacay Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa shaqaalaaha Xafiiska Afhayeenka Madaxwaynaha waxaanu ii sheegay in ay jirto Caawa Xaflad madaxtooyadu Qaban qaabinayso taasi oo uu iga dalbaday in aan imaado Hotel Summer time oo Xafladu ka dhacaysay, waxaan u diray Mid ka mid ah Wariyeyaasha Xafiiska oo aanu isheegay in Madaxtooyadu Bixinayso kharashka Xafladaasi sidaa awgeed ka qayb qaato oo uu tago,sidiina uu ku tagay, Cabaar markii uu iga sii maqnaa ee uu meeshii gaadhay ee ay xafladii bilaabantahay ayuu ii soo sheegay in ay xafladu tahay mid lagaga jawaabayo Gabay uu Abwaan weedhsame ku dhaliilay Xukuumadda iyada oo uu Gabaygaasina uu ka jawaabayo Abwaan ka mid ah Abwaanada Gobolka Togdheer.



Markii aan dib u tix raacay ee aan waraystay Dumar iyo Dhalinyaro badan oo ka mid ahaa masuuliyiintii Xisbiga Kulmiye oo goobta ku sugnaa ayaa waxa la ii xaqiijiyay in abwaanka gabayga ka jawaabaya la siiyay lacag dhan $5000 taasi oo uu soo gaadhsiiyay masuul ka mid ahaa Xukuumadda oo Habeenkaa Xaflada joogay isla markaa iska dhigayay marti sharaf oo kale, kharashka intiisa kalena ku baxday hotelka iyo Warbaahita madaxa banaan.



Tiro iyo Cadad ma laha Kharashaadka ku Baxa Jawaabaha lagu Difaacayo Dhaliilaha loo soo jeediyo Xukuumadda iyada oo aanay meesha ka madhnayn jawaabaha Qalinka iyo Gabayga oo muddooyinkan danbe soo badanaya, tusaale ahaan jawaabaha Qoraaladii Boobe yuusuf Ducaale ku duri jiray Xukuumadda, Gabayada iyo heesihii Abwaan ilko jiir oo bulshada inteeda badani ogayd halka ay gaadheen, kuwaasi oo noqday meelaha ugu badan ee Xukuumaddu ku bixiso Hantida Shacabka iyada oo Magaalada hargeysa inteeda badani biyo la,aadahay.



Waxaa iyana hadda Taagan Tan Faysal Cali Waraabe usoo jeediyay Wasiirka Madaxtooyada iyo Madaxwaynaha taasi oo ay Bulshadu arkayso inta jawaabood ee kala duwan ee Xukuumadu ka bixinayso iyada oo ay dheertay labada jawaabood ee Wasiirku ka Bixiyay Arinta lagu dhaliilayo iyo shaqsi weerarka lagu Sameeyay Masuulkii dhaliisha soo jeediyay.



Jidkan Cusub ee ay Jeexday Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ayay Dadka badankiisu Aaminsanyihiin in ay ka mid tahay Asbaabaha lagu soo xulo masuuliyiinta la magacaabayo inta ay jawaabi karaan, waliba ay ujawaabi karaan Bulshada ay kasoo kala jeedaan, haddii laga waayana iyada oo aanay dhaliil kale jirin xilka laga qaado oo lagu badalo Afmiishaar kale oo si Fiican u Caytami yaqaana.



Guntii iyo Gunaanadkii waxaan Aragtidayda ku soo Afmeeri lahaa Shaqsi kasta Masuuliyad ayaa ka Saaran Xilka loo igmaday, waana la dhaliili karaa Waxqabadkiisa inta uu xilka hayo balse maaha in uu Masuuliyadii loo doortay ku illaawo is difaac iyo jawaabo caantayn ah, illaahay ayaa kaala xisaabtami doona waxa aad ka qabatay Shaqadii laguu dhiibay ee alle kaga cabso Amaannada aad umadda u hayso. Wa bilahi tawfiiq.


 


WQ/ Mustafe Future

mccfuture@hotmail.com

Berlin Germany