Khalaaf soo dhaxgelay wasiiradda Maaliyada Iyo Macdanta iyo biyaha
oo madaxweyne Siilaanyo xal kagaadhey..
Hargeysa (TNN)-Kulan degdeg ah oo albaabadu uxidhan yihiin oo ay
wada yeesheen madaxwe ynaha jamhuuriyada Somaliland md Axmed Maxamed
Maxamuud iyo Wasiirkiisa Maaliyada Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa
lasheegayaa sida aan kahelney warkan ilo ku dhaw dhaw kulankaa si
iyo sida uu ud hacey .
Arintani la shaaciyey ee iscasilaada Wasiirka Maaliyada Somaliland
oo lasii buunbuuniyey ayaa waxay ay ka dambeysay shirkii golaha
Wasiirada ee khamisitii 22/12/2011
ka qabsoomey xar unta Madaxtooyada Somaliland, halkaas oo
Wasiirka Maaliyada Somaliland Md. Maxamed Xaa shi uu ka soo jeediyey
in kharashka cadadkiisa lagu qiyaasey $500,000
, oo ka timid laba shirk adood ee kalla ah OPHER ENERGY iyo TULLOP,
oo si toos ah ugu dhacdey Acountka Wasiirka Ma cdanta iyo Biyaha
Somaliland ,Md Xuseen Cali Ducaale, oo Wasiirka Maaliyadu soo
jeediyey in lagu soo wareejiyo Acountka Wasaarada Maaliyada.
Dhanka kale ,Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Md. Xuseen Cali Ducaale,
oo isna kulankankaasi W asiirada ka sheegey iney jirto lacagtaasi
cadadkeeda kor ku soo sheegney, balse ku tilmaame y iney tahey lacag
uu u isticmaalaayo kharashaadka Wasaaradiisa.
Sidaan ku soo xusney xaga hore ,shirka Madaxweynaha Iyo Wasiirka
Maaliyada oo qaatey muddo saacado ah , ayaa gabo gabadii waxaa
Madaxweynaha iyo Wasiirku isla qaateen iney kharashkaasi si toos ah
loogu shubo khasnadda Dawlada si loo raaciyo miisaaniyad sanadeed ka
2012.
Axmed Shaqalle
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|