Khabiir masriya oo wargeyska Al-Ahram ee caa nka ah kaga hadley horumarka Somaliland
 

DR.Xamdi Cabdirahmaan ayaa ku qoray maqaal ku soo baxay wargeysak Al-Ahram tirsigiisa 44763 maalintii Sabtidii oo ku beegneyd 27/6/2009 kaas oo uu cinwaan uga dhigay wajiga kale ee Somaliya isagoo ula jeeda Somaliland hadalkiisiina wuxuu ku bilaabey qoraalo badan oo rer galbeedi waxay u sawireen somalilya ilaa 1991 kolkii dowladii dhexe duntay inay somaliya tusaale u tahey dowlad fashilantey waayo waxaa kajira gobolo badan dagaal adag,waxaana goboladaasu noqdeen meelo ay ku  dhuunt aan xoogag an sharci aheyn sida qabqablayaasha dagaalka oo kale iyo kooxo kacaana sida ururka alshabaab oo kale arintaasu waxay kentay in laga qaato somaliya sawiro xadidan si loola tacaamulo mushkilada  somali ya waxana hadheeyey xalalka Somaliya loo raadinaayo arimo amni gaar ahaana amniga dowladaa jaarka iyo masaalixda quwadaa  waawe yn,arintaa in laga eego somaliya arimaheeda xaga amniga waxaa sii xogeyey oo kale budhcad badeeda ku faaftay xeebaa soomaliya waxaa kaloo fiira gaara mudan in fikirka istiraatijiga ee carbeedna inuu isaguna dabinkaas oo kale ku dhacay lagana eegayo somaliya dhinaca amniga waxaana manta laga sheekeynayaa dhina carabta khatarta ay keeni karto hadii ururka shabaab qabsado casimada muqdisho iyo arintaasu waxay ku keeni karto khatar amni iyo degenaasho geeska afrika

Hase ahaatee hadii lagu sameeyo akhris wacyi badani kujiro xaalada somaaliya waxaa kuu muuqanaaya in waxaa ka socda dhica konfureed ee somaliya anay ka socon dhinaca waqooyi ee looyaqaan ilaa sagashanaadkii Somaliland xaqiiqadii waxan hortaaganay laba tajribadood oo aad ukala duwan gudaa somaliya mid waxaa mataleysa Somaliland oo aheyd mustacmarad ingiriisa taas oo kudhawaaqday inay gooni isutaagtay 18 may 1991 malintaa laga bilaabana waxay ku naalooneysay nabadgalyo iyo degenaasho tajribadaas oo soo bandhigtay awoodo kubalan qaadaya xukun dimiquraadiya tajribada kalana waxaa soo bandhigeysa khibrada dagaalka sokeeye taas oo kufaafsan konfurta somaliya wana ta keentay in odhaahda ah –xanuunka somaliya-. Can noqoto sida lawada ogyey waqooyiga somaliya –Somaliland- oo u dhiganta dhul,ahaan ingiriska iyo wales waxey aheyd mid gacanta ingiriiska ku jirtay 1887 ilaa ay kala midowday konfur 1960 kolkii uu Siyaad bare xukunkisu dhacayna dalkuna uu galay mowjad dagaal waxay

Somaliland dooratey in xidhiidhkii midnimo ay goyso arinkaas oo ilaa imika anay cidi ku aqoonsan cidna kama qarsoona in macdanta iyo kheyraadka Somaliland ee aan wali laga faa,iidaysan inuu ka mid yahey batroolka ,dhuxul dhagaxda waxaney leeday xeeb dherersan 850 km waxaney hodan ku tahey kheyraadka bada waxana marin badeed u ah dekeda berbera oo uu kuyaal midkamida madaarada ugu dhabada dheer qaarada afrika waxana dhisay midowgii sofiyeedka 1974 waqtigii dagalka qaboobaa socday,hadaba hadii shirarkii dib u heshiisiinta ee somaliya laga maalgalinaayey dhinacyo dabadeed ,luguna qabanaayey badankooda debeda taas oo ah takeentay inay fashilmaan Somaliland waxay qaadatey go,aan an ka noqosho laheyn markii u horeysayba kaas oo ah in aaney ka qeybgalin shirarkaas taas bedelkeedana waxay furtay shirar iyo wadahadalo gudaa ah waxaana ugu muhuumsanaa kii borama ka dhacay 1993 kaas oo keenay in somaliland ka dhalato xukumad rayidi

Somaliland waxay ku dhistay tajribadeeda dib u heshiisiineed iyo dib u dhiska iyadoo ixtiraamtay cadaadka iyo taqaaliida dadka somaliyeed iska dhaxleen taas oo keentay in aaney raadbadan yeelan masaaliixda gaarka ah ee gudaa iyo ta dabaduba ,sida uu dhigayana dhaqanka guud ee kajira Somaliland waxay ku leeyiin dadka waa weyni kaalin sare sida ay caadadu taheyna waxay leeyiin golayaal leysigu yimaado marka loo baahdo waxaa kaley leeyiin qabaa,ilka hoose caaqilo kaqeybqaata xalinta khilaafaadka dowrweyna ka ciyaara wada hadalada qabaa,ilka siday doonta hanoqotee tajribada Somaliland ee musaalaxda iyo dib u dhisku waxay ku taagantay mabaadi ay ugu muhuumsanyiin.

- In la aqbalo mabda,a wada hadalka si khilaafaadka mandiqadaa loo xaliyo ee tagan ama soo socda ,waana mabda,a asaaskiisa ay ku qabsoomeen shirarkii dib u heshiisiinta ee soomaliland

- Iyadoo leysku adkeeyey masuuliyada bulsho,amni ee jilibada qabaa,ilku leeyiin waxana loo arkey in jilibada qabaa,ilku kamasuul yihiin habdhaqanka dadkooda mabda,aasuna wuxuu kusaleysanyey xeerka diyada .

- Waxaa ahmiyad lasiiyey dhexdhexaadinta qof ahaaneed ama koox ahaaneed ee marka isqabsi dhaco ,sida caadada ahna dhexdhexaadiyuu waa mid si,dar alla u gala arinka ee aan ka mid aheyn dadka is haya lakiin maslaxo kuleh in uu dhamaado loolankaasu qodobkaas waxaa sicad u muujinaaya markii leysku qabsaday dekeda Berbera khilaafkaas oo dhexdhexaadin laga galay si guulana ku dhamaadey iyadoon debedlaga iman.

- Shirarkii dib u heshiisiinta ee somaliland maamulidooda waxa laga maalgaliyey hanti gudaa ,ah ,somalilandna waxay awooday in ay tabarucaad ka urursato dadkeeda gudaa iyo dadka debeda kunool,arinkaas oo ka badbaadiyey in dib u heshiisiintoodu ku dhacdo maalgalin shisheeye sida shirarka dib u heshiisiinta ee soomaliya .
Gabagabdii ma qarsoona in ay tahay tajribada Somaliland marka loo eego maqaayiista carbeed iyo afrika mid ka mida qisaska guulaa taas oo lacuskankaro, iyadoo ay ceynkaa tahay ayaa hadana beesha calamku ku adkeysaneysaa inay indhaa u laliso dhica fashalka iyo boholaa khilaafka ee afrika iyadoo indhaa laga qarsanaayo guulaa xaqiiqiga ah sida tan laxidhiidha Somaliland ,ee maxaynu ugu adkeysaneynaa dawooyinka ku fashilmay xalinta mushkilada somaliya ,miyaaney suurtagal aheyn inay noqoto tajribada Somaliland mid ku haboon ina ay mushkilada ka saarto gobolada kale.
 

 


Waxa si kooban u soo turjumay

Abdullahi nur hassan
daallo@hotmail