Kawaanka Maka-Durdure Iyo Kalkii Sheekh Muxumed Raage (IHUN)...(Qaybtii 3aad)
Dhiig buu sidaa waqalkan aad sagalka mooddaaye
Siigada dhacaysaa ragbay sabibi doontaaye
Samadii daruur laguma arag Seermaweydadae
So'dii ceelka waa waxa biyuhu uga sal guureene
Adduunyadu sidaa kuma gudhoo subaxba waa cayne
Nin kastoo sallaan dheer u baxa siibashaa xigiye
Suuldaaro waw halis ninkay rag isa seegeene
Sirqabahana taariikhdu way sahamindoontaaye
Maantana Siciidow waqtigu saamaxaad malehe
Moorada salkeediyo xalaan sugay malluugtiiye
Sufurtaa madow ee dayaxa saaran baan garanne
Dhiig buu sidaa waqalkan aad sagalka mooddaaye
Siigada dhacaysaa ragbay sabibi doontaaye
Ilaahay sidaan ka arki jirey way ku socotaaye
Axmed Ismaaciil Diiriye "Qaasim"
(IHUN)
Qofna iskumuu hawlin inuu dibu-habeyn iyo hagaajin ku kaalmeeyo
gogosha kibirka lagula ka cey. “Waar wuxu miyaaney ixtiraam iyo
dadnimo midna laheyn” ayaa nafta si hoose loola wad aagey. Waydiintaa
ayaa warcelinteeda laga dheehan karaa maahmaahda ah “Ileyn doofaar
abidkii ma doorsoomo”.
Hase yeeshee waxaa bilaabmatey dood iyo ra’yi iswaydaarsi ku
salaysan falalka askartaasi kula kaceen gogosha Sheekha Xurmaada leh
iyo halkay Sheekha kaga yimaadeen. “Miyey inn aga qarsoonayd inaynu
dil-sugayaal nahay,waxaan la hubin uun sida la inoo dilayo-ee – ma
kali kali bay noqon mise innagoo isku duuban iskuna xidhxidhan ayey
qoryaha innagu hooobin” ayuu yidhi mid ka mid ah dadkii.
Weedhaa waxaa si lama filaan ah warcelinteeda iyo ka faaleynteeda
bogga ugu dhigay Sheek h Cabdilaahi Khaliif –Ku Caddeeye-(IHUN). Sheekh Cabdilaahi intuu Kitaabkii Quraanka ahaa ee uu gacmaha ku
hayey gacan kaliya iskugu geeyey ayuu yidhi: “Waxay og-yihiin in
Sheekha ciidan xoogani ka danbeeyo oo xertii oo dhami taakuleyn iyo
gargaar la garab istaagi doonto SNM-ta”. Askari ku jiray qolka, kana
mid ahaa xertii Sheekha ayaa u hinqadey wax-ku darsiga weedhaa,
yidhina “Xerta waxaa kaloo kaalmeynaya Illaahuu Sheekhu ku xidhan
yahay iyo Awliyaduu la khalaaweeyo habeen kasta”.
Dadkii arga-gaxsanaa ayaa qaar ilka cadeeyeen,qaarna sheekadiiba si
kaftan ah u rogeen. Waxaadse wali dareemaysay in dadkani wajiyadooda
ay ku sii dhigan tahay warwarka ay ka qabaan halkuu Sheekhu joogo
iyo xaaladuu ku sugan yahay. Itaal la’aantu xumaa marka dulmi la
arkayo waxba laga qaban kari waayo ee qalbiguun ka nac awooddu ku
soo ururto.Waa She ekh Muxumed Raage oo la ogaa hibbada iyo hanka uu
Illaahay ugu deeqay ayaa sidaa loola dhaqmayaa.Waxay muujinaysay
cadaawada garaad-laawe gosha gashadey siday u fogayd. Wax kale kuma
garatidee dareenka dadkaa waxaa loo sawiran karaa siduu dareenkiisa
u cabir ay abwaan Raage Ugaas Warfaa (IHUN):
Sida koorta Yucub oo la sudhay, korommo buubaal ah
Ama geel ka reeb ah oo nirgaha, laga ka xaynaayo
Ama beelo keynaan ah, oo kor u hayaamaaya
Ama ceel karkaarrada jebshiyo, webi karaar dhaafay
Ama habar kurkii iyo wadnaha, lagaga kaw siiyay
Ama kaal danley qaybsatiyo, kur iyo dhal yaabis
Shinni kaaluf galay ama siddii, koronkoroo oomi
Xalay kololo’aygii ma ladin, kaamil reeruhuye
Iyadoo dareenkaa qoomaamada leh lagu sugan yahay ayaa dhinaca
albaabka mar kaliya la wada eegay.
Sanqadha qufulka iyo furaha isla- hawlgalay ka dhalatey ayaa dadkii
soo jeedisay.
Waxaa soo galay Sheekh Muxumed Raage oo wajigiisu aad uga duwan
yahay siduu dadkan kaga tagey.Waxaa hareer socday labadii askari iyo
mid saddexaad oo ku soo biiray. Waa saddex xadhigle Siciid Quule oo
nugayl badan u muujin jiray dadkan. “Sheekh haddaanad hayn halkeed
ka keeni, haddii aad haysana iska sii way kugu kadeedi doonaanee..”
ayuu Siciid Quule isagoo dhinaca albaabka u sii dhutinaya.Siciid
Quule markuu sidaa leeyahay waxaad dareem aysay inuu ka damqadey sida
Sheekha loola dhaqmay,awood iyo itaal baase kaalmeyn waay ey
markaa.Sheekh Muxumed intuu eegay ayaanu wax hadal ah u celin.
“Ina Quulloow Sheekha halkeed gayseen” ayuu la gaadhey Xuseen
Cabdale oo albaabka u dh awaa. “Kuwo xagga sare laga soo diray ayaa
Sheekha waraysanayey” intuu Ina Quulle yidhi ayuu albaabka
boobay.Labadii askarina way ka sii horeeyeenba.Koox dhalinyaro ah oo
Sheekha gogol-daris ay ahaayeen ayaa la kala booday gogoshii. Intay
hurgufeen ayey ka gaadhsiiyeen inuu Sheekhu ku fadhiisan karo iyadoo
hagaagsan. Sheekhu wuxuu u jeestay dhinaca woqooyi ee
madax-dhigadkiisuna ahaa,isagoo go’iisii Ilaahay uga reebay
askarigii kawaanka ku jeeni-qaartey. Wuxuu sheekhu guda galay inuu
bilaabo dikrigiisii, dhaqdhaqaaqa tusbaxa iyo sawaxankiisana waa la
dareemayey.
La dareen in Sheekhu wuxuu diidan yahay ku soo dhaceen.Qof kaliya oo
ku dhacay inuu waydiiyo halka la geeyey Sheekha ma jirin. “Sheekhu
ha nastee u kaadi ” ayuu qof waliba iskugu sheekeeyey. “Aabbo biyo
ma kuu shubaa ” ayuu yidhi askarigii xerta Sheekha ahaa. Sheekhu
intuu dhiniciisa jaleecay ayuu si madax tilmaameed ah ugu sheegay
inaanu doonayn biyo iminka, ilka cadeyn uu khasbayeyna wuu raaciyey.
Hadal li’idaa Sheekhu dadkii dareen naxdineed oo kale ayey sii
galisay. “Annigaa dadkan idinka aqaanoo waxay doonaan ayey Sheekha
ku odhanayaan ama waydiinayaan” dhawaaqaas ayaa dhinaca daaqada laga
maqlay. Waa Caaqil Yuusuf Khaliif Cige-Xaruuri
-IHUN- oo fadhiyey
gogoshiisa,kuna dhaweyd daaqada dhinaca galbeed ee albaabka u
dhawayd.Waxaa Caaqil Yuusuf ka xigay dhinaca daaqada
Suldaan
Cabdiraxmaan Sh. Muxumed (IHUN) iyo
Abiib Xasan Filfil oo ahaan jiray
wasiirkii ganacsigee dawladii Daahir Riyaale.
Dadku Waxay u kala fadhiyaan laba saf oo dhaadheer.Mid dhinaca
Koonfureed ayuu xigaa oo ilaa dhawr iyo soddon qof ayuu
meeleeyey,halka ka kale ka soo jeedo dhinaca woqooyi uuna meeleeyey
ilaa dhawr iyo labaatan qof. Waab yar oo loo qoondeeyey in saxarada
iyo kaadida lala tago ayaa safkan dhinaca bariga ka soo gaabiyey.
Iyadoo lagu jiro aamusnidii, lagana dhursugayo warbixinta uu Sheekhu
soo gudbin doono ayaa dhawaaq xooggan oo rasaaseed la
maqlay.Dhawaaqu sidii wax soo dhawaanaya ayuu u
sanqadhayey,rasaastuna way sii badaneysay.Guul waabkan(xabsigan)
laga baxayo inay noqonayso iyo geeridii oo shilkeedii yimayd inay
tahay lama kala garan.
-Sixid: Taariikhda Sheekha kawaanka Maka-Durdure la geeyey waa
bishii Juun
1988 oo maalin Jimce aheyd.Maaha bishii Juun 1989 sidii aan
qoraaladii
hore ku soo qornay.Waa qalinka iyo gefkiisii..
la soco qaybaha danbe.
Ururintii iyo tifatirkii
Fu,aad Sheekh (somaliland@farshaxan.com )
Bahda mareegta Farshaxan
www.farshaxan.com iyo
www.farshaxan.org
|