Kawaanka Maka-Durdure Iyo Kalkii Sheekh Muxumed Raage (IHUN)...Qaybtii Labaad
Taliyihii Xabsiga dhexe ee Hargeysa ayaa ka tirsadey ciidamadii watey tiknikada ee hor iyo da baba kacayey maxaabiista dilkii kawaanka Maka-Durdure laga soo dhaqaajiyey.Waxaa la isla gartey in odayaashan loo adeegsan karo dajinta iyo dib-u-soo celinta shicibka ka qaxey Mag aalooyinka Hargeysa, Burco,iwm, marka “afartan” xoogeystay laga guuleysto.Waa sida ay h adalka u dhigeen Ina Cali Samater iyo Afweyne Bare oo khadka foonyaha ku wada xidhii dhay ey. Inta aanu taliyahaasi maxaabiistaa ku xerayn qolka loogu talo galay wuxuu u jeediyey khudba d. “Annagu waxba ma soo qabqabano, dilna idinkumaanu xukumin,hase yeeshee waxaa la idiin ku soo gudbiyey xabsigan inaad ku xukuman tihiin dil-suge.Dilkaasi mar kasta wuu dhici karaa. Dhib idiin geysan mayno intaad nala joogtaan annaga,waxaanse xoog dheeraad ah ama ilaalo dheeraad ah saari doonaa Yaasiin Ismaaciil Maygaag oo aanu wada joognay gobolada dhexe. Sarkaal sare ayuu Yaasiin halkaa ka ahaa, waana nin ciidan ah oo tababaran………….” Ayaa ka mid ahaa khudbadii taliyaha Xabsiga. Dadkii waxay mar kaliya wada eegeen dhinicii uu joo gay Yaasiin. Hase yeeshee Sarkaal Sare Yaasiin Ismaaciil Maygaag wuu dhool-cadeeyey, tali yaha oo ay si fiican isku yaqaaneena hadal umuu celin. jidhku wuxuu dubaaxshaa damqadaa halbawluhu Intaa ka dib, ayaa sidii xoolaha dabada laga maray maxaabiistii loona hogaamiyey qolka dil-sugaha markaa loo qoondeeyey.Waxaa qolkaas ku sii jiray askar ay haybtoodu soo soocday oo ka tirsanaa ciidamada gaaska koowaad ee deganaa agagaarka Arabsiyo.Askartani waxay kooxdan la wadaagaan xukunka dil-suge.Taliyahaasi dadaal intuu karayey inuu dhibta uu geysan karo yareeyo wuu isku dayey.Waxaanu ogolaadey in dil-sugayaashu xidhiidh la yeelan karaan dhawr oday oo meherado ku lahaa ka soo horjeedka xabsiga,aaney u suurtogalin inay qaxaan oo meheradahooga iska joogay sida Aw Maxamed(IHUN) oo Jeelka ka soo horjeedkiisa tukaamo ku lahaa ay askarta jeelku wax ka iibasato iyo Gaaxnuug Barre.Sidoo kale ayuu taliya haasi ogolaadey in 24ka saacadood hal mar la siiyo raashin inay “iska dhintaan” dil-sugayaa shani ka ilaalin kara,naftana gaadhsiin kara intay dilka loo qoondeeyey u hogaansanto.Halkaa mar waxaa la siin jiray maxaabistan ku dhawaad shanta galabnimo. Muddo ayey sidaa loo qorsheeyey hawluhu ku socdeen.Ciidamadii ilaalinayey xabsiga dhexe ayaa didmo iyo kala-yaac muujiyey ka dib markay SNM-tu soo dhawaatey sidii oo SNM-tu ay ka war heleen odayaasha xabsiga la keenay. SNM-ta waxaa kaalmeynayey aqoon ay u lahaayeen guryaha ku xeeran xabsiga,xaruntii xisbiga ee ka soo horjeeda wasaarada warfaafinta Soomaaliland oo gacanta ugu jirtay,ayna ka arki karayeen dhaqdhaqaaq kasta oo jeelka agagaarkiisa iyo gudihiisaba ka socda,ciidanka faqashta oo dhinaca Illaahay lagaga riday baqdin joogto ah,iwm. Sidaa darteed ayaa taliskii Afweyne go’aansadey in ciidamadii Sheekh Biliso ee Soomaali-Aboo la keeno xabsiga,laguna amrey inay difaac uun kaga jiraan dhufaysyo lagu xeeray jeelka.Tani waxay ciidamadii SNM-ta ku khasabtey inay gurigaa xisbiga dusha uga baxaan,toogashana la beegsadaan askarigii dhaqdhaqaaq ku sameeya gudaha xabsiga iyo dibadiisaba.Taliyihii xabsiga ayaa markan u badaley xilligii maxaabiista loo keeni jiray cuntada cadceed dhaca ka dib. Waxaa dhawr jeer dil toogasho SNM-tu ku dishay dhawr askari oo cuntada siday ama gudaha xabsiga hawlo ka wadey.Sidaa ayuu ku istaagey askari dhaqdhaqaaq u badheedha inta cadceedu soo jeedo. Tani waxay kordhisay in askartu dhaqdhaqaaqoodu noqdo habeenada gudcurka ah.Qofkii magaciisa la yeedhiyo waa loo ducayn jiray,dib danbena looma arki jirin.Qofkuna isagood moodo neef arkaya daabka middida ayuu cagaha isdaba dhigi jiray.Sidoo kale ayaa oday ka mid ah maxaabiista waxaa quraac boorash ah u samayn jiray hablo maxaabiis ahaa oo aroortii si deganaan iyo ka dhuumasho qoriga liishaaman ee SNM-ta loogu saari jiray.Waxaa la badalay taliyihii xabsiga,loona badaley Madheera.Waxaa markan la keenay taliye ku-meel gaadh ah.Taliyahani wuxuu aqoon fiican u lahaa dhawr ka mid ah odayaasha,sidoo kale ayey odayaasha qaar ka mid ahina aqoon fiican u lahaayeen ilaa aabihii.Dabacsanaan ayaa laga filayey.Hase yeeshee hawshii way sii korodhay,raashinkii tayada lahaa waxaa loo badalay in qof walba cadceed dhaca la siiyo koobka shaaha ee dhaglaha ah muggii oo boorash la biyo-dhiciyey ah.Caagada saddexda litir ah oo biyo ah la isku siiyo saddexdii qofba hal caagad.Xilliga wax isa siintu ismay badalin oo waa 24kii saacadooodba hal mar. Waa aroor barqo ah,dadka qaar hurdaan,qaarna soo jeedaan.Hurdadu
waxay iska aheyd salal. Dhawr iyo lixdan qof ayaa qolka(hangarka) ku
wada jira.Waxaa mar kaliya si kadis ah ku soo galay qolkii askar
didsan,si toos ahna u abaarey gogoshii Sheekh Muxumed Raage(IHUN).
“Soo bax adigaa lagu rabaayee” ayaa mar kaliya ku wada dhacey
dhagihii Sheekha iyo maxaabiistii kale. La wada nax, dhan lo qaadana
la garan waa.Qof waliba bilaw inuu u duceeyo Sheekha kol haddey
gacan ka gar-darani dilayso.Sheekh Muxumed jooji wardigii uu
wadey,una diyaar-garoow inuu kor u kaco si uu askarta u raaco.Qofna
qof kale lamuu hadlin, indhaha dadka waxaad ka dareemaysay naxdin
iyo argagax.Iyaguba Waa dil-sugayaal mindidu dul saaran
tahay.Sheekhu albaabka markuu ka sii baxayey waxaa la arkayey
dhaqdhaqaaqa tusbixiisa oo muujinaysay inuu wardigii dib u
bilaabey.Malaha Illaahay ayuu ugu mahadnaqayey in gacan ka gar-darani
dishay,amase askarta ayuu u caqli celinayey:
|