Kastamka
Magaalada Berbera oo Muddo ka Yar Bil soo Xareeyey Lacag ka Badan 11
Bilyan
Berbera (TNN)-Kastamka cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada
Berbera, ay aa muddo bil ka yar oo masuuliyiinta loo magacaabay
xilka hayeen soo xareeyey lacag fara badan oo la sheegay inay ka
badan tahay 48 kun oo dollar.
Sidaana waxa shaaca ka qaaday Badhasaabka Gobolka Saaxil Mr.
Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) mar uu toddobaadkan xafiiskiisa ugu
waramayey wariye Jamhuuriya ka tirsan oo booqday, isagoo sheegay in
muddo labaatan maalmood ah kastamku qabtay lacag dhan 11 bilyan, 4
milyan iyo saddex boqol iyo dheeraad kun oo shillinka somaliland ah,
isla markaana noqonaysa dollar ahaan ku dhawaad kunton kun oo
dollar, taas oo uu xusay in aanay laam aha kale ee cashuurta
ee gobolku.
“Waxaan aad u hambalyeynayaa Kastamka Wasaaradda Maaliyadda hawsha
wayn ee ay qabteen oo runtii iyagoo waxaan ka badnayn muddo labaatan
maalmood ah Berbera lacag ta ay hayaan markii aan soo
kormeeray ay maraysay 11 bilyan iyo 4 milyan iyo saddex bo qol
iyo dhawr iyo sodon kun, oo dollar ahaan noqonaysa $48 kun oo dollar
iyo siyaado, taa s oo aanay ku jirin laamihii kale ee Wasaaradda
Maaliyaddu, waxaana taa keentay wada shaqaynta iyo habsami u socodka
shaqada dawladda ee gobolka ka jirta,” ayuu yidhi Badh asaabka
Gobolka Saaxil Mr. Ramaax.
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ka waramay qorshihiisa maamul oo uu
sheegay inuu ugu h orreysiiyey sidii uu iskugu xidhi lahaa
laamaha dawladda ee gobolka oo uu tilmaamay in aa nay hore
iskugu xidhnayn.
“Saaxil waa gobolka ugu dhaqaalaha badan gobollada Somaliland,
runtii in haddana la yidh aahdo waa gobolka ugu dib-u-dhaca
badan cid kasta oo reer Somaliland ahi way la yaaba ysaa oo ma
qaadan karaan, taana waxa keenay maamulladii hore, waayo haddii
aannu qo fku garanayn wax uu qaban karayo inuu isagu qabto oo
uu cid kale ka sugo oo shillinkii me esha ka soo baxayeyna aan
khasnadii dawladdana lagu ridin meel aan ku munaasib ahayna lagu
bixiyo waa dhibaato.
Waxaan qabaa in aan Berbera horumar degdeg ah gaadhsiin karo ka
badhasaab ahaan, ani ga oo ku shaqaynaya iskaa wax-u-qabso, inkasta
oo ay iminka tahay Ramadaan haddana waxaannu dadka u sheegnay in
habeen kasta 7 ilaa 10-ka aannu magaalada xashiishka ka ururino ama
nadiifino magaalada. Waxaan soo rogay in la shaqeeyo 7 subaxnimo
ilaa 1:00 maalinimo, waana la qaatay oo dadkeenu waa dad wanaagsan
oo amarka qaadanaya,” ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax, waxaannu intaa
ku daray, “Waxaan booqday cusbitaalka Waalida oo caawimo yar oo la
siiyo mooyee kaalmo kale helin, iminka waxaan u qoray afar qof oo
shaqaale ah oo nadiifiya maalin walba, si caafimaadku u horumaro.
Markaa Waxaan qabaa in waxyaabo badani ii hirgaleen, inta kalena ay
ii hirgeli
doonto.”
Mar uu ka hadlayey dekadda Berbera iyo xilligan hawlaheeda, waxa uu
yidhi, “Waxaan soo kormeeray dekadda sidii hawlaheedu u noqon
lahaayeen qaar hufan, maamulkii joogayna (kuwii la beddelay) waanu
ka wadahadalnay inuu moosinkii Xajku bilaambayo, isla markaa
na bad-furankii imanayo oo dekaddu culays badani fuuli doono, sidaa
darteed in loogu talo galo qaabkii looga faa’iidaysan lahaa,
waxaannu isla gaadhnay in koontiinarada madhan di bada loo soo
saaro oo barxada hore ee bannaan la dhigo iyo in loo fududeeyo dadka
deka da wax ka cashuuranaya oo dhibaato badan ku qaba oo ah ta
keentay in had iyo jeer gan acsatada Somaliland ku cararto
meelo kale.”
Source:Jamhuuriya
|