Kansarka Mindhicirada

 

Ugu horeyn inta aanaynu u gonda degin mawduuceenan waxaan door biday inaynu bal horta isla fahano waxa uu yahay Kansarku iyo halka uu salka kuhayo sharax koobana kabixino Wejiyada kala duwan ee uu soo maro,waxyaalaha dhaliya iyo doorka ay kaciyaaraan Unugyada  Jidhkee nu kasamaysan yahay. intii Ilaahay laga helo.

Kansarku wuxuu kudhici karaa qaybkasta iyo Xubin kasta oo Jidhkeena kamida,Unug kasta oo Halbowlayaasheenu kasamaysan yihiina wuxuu takhasus kuyahay waxyaalo gaar ah oo ku kaydsan,oo sheegaya wax qabadkooda,hab dhaqankooda iyo koriimadoodo,Unugyadaasoo ay kadhexayso hab war isgaadhsiineed oo ay ku xidhiidhaan ama kuwada shaqeeyaan,Waxay kaloo xambaarsan yihiin qaab-dhismeedkeene,hab-dhaqankeena,dabeecadeena iyo weliba dhaxalkii awoowyaasheen oo ay soo gelayso kumanaan wax oo aanaynaan hadeer halkan kusoo koobi karin, hadii uu markaa meesha kabaxo hidihii uu xambaarsanaa unugaasi ama xidhiidhkii udhexeeyey Unugyadu qabsoomi waayo waxaa markaa aan sidii loogu tala galay u qabsoomayn Shaqadii loo igmadey unugaa s,taasoo markaa kalifta in koriimadii Unugu noqoto mid aan xad lahayn oo khal-khal kuyimaado majaruhuna kahabaabo

Inta Unug isu bedelayo Kansar waxay badiyaa qaadataa Sanado,waxase jirta in mar walba unugyo kamida jidhkeenu yeeshaan qaab-dhismeedkaa aan dhamays tirnayn ee gabay shaqadoodii inaga oo aan dareemin, nasiib wanaag waxa inta badan ogaada Imunesystem-keena oo ah Taliska guud ee dusha ka ilaaliya Unugyada kamarin habaabay wixii shaqadoodu ahayd kanadhiga mid aan khatar geysan iyagoo  baabi'ina ya,hadiise Imunesystemkeenu awoodi waayo inuu dilo unugaa ridoobey waxa meesha imanaysa inuu Unugaas oo kaashanaya qaar kale oo noociisa ahi isu rogaan waxa loo yaqaano Kansarka.

Hadaba inuu Unug ama Unugyo kamida qaab-dhismeedka Jidhkeenu gabo wixii markii hore shaqadiisu ahayd ama uu xafido wixii ku kaydsanaa sidoodiina u dhaqan geliyo waxaa keeni kara waxyaabo badan oo  saama yn dibadeed iyo mid gudeedba kadhalan kara,hadaynu qaar kamida  halk an kusoo qaadano waxa kamida

Xidhiidhka wada shaqayneed ee kadhexeeya Unugyada laftooda oo ciladi soo wajahdo Isticmaalka waxyaalaha hoos ku qoran ee dhalin kara Kansarka noocyadiisa kala duwan (siiba kan aynu hada kawaramayno)
Gen-defekt jahada kalumisa oo kutimaada Unuga laftiisa Mid aad ka hido raacdo Awoowyaashaa ama mid kamida Ehelkaaga dhow oo aad kahido raacdo Xanuunka oo Unugan ku kaydsanaa Muruga kaala soo derista Qof aad jeclayd (Waalid,Walaal iyo Wehel) oo aad weydo sidaasna Ciladu kutimaado.

Waxaaynu sidoo kale kasheegi karaa waxyaalaha dibada kaaga yimaada ee dhalan rogi kara Unugyada jidhkaaga sida waxyaalaha sii daaya Radio-active-ka

Iskusoo wada duuboo Unugyadan aynu kahadlayno ee dhalan rogma Kansarkana isu bedelaa waa kuwa curdinka ah ee markaa  abuurmay a,aalaana madhacdo in Unugyada qaan gaadhey majarahabaabaan hadii aanay ku iman wax kaxoogbatay.

 

1: Caloosha
2: Mindhicirka-weyn (Colon)
3: Mindhicirka-yar (Jejunum / Ilium)
4: Dhamaadka-mindhicirka (Rektum)
5: Qabsinka Appendix vermiformis)
6: Mindhicirka laba iyo tobanlaha (Duodenum)


Guud ahaan Kansarka waxa loo qaybiyaa laba nooc oo kala ah:

A: Mid fiican iyo
B: Mid xun

Iyadoo lagu kala saarayo Xubinta unugani kasoo bilaabmay iyo inta ay le'egtahay dhalan roganka Unuga laftiisa

Kan hore wuxuu ku ekaadaa meesha uu kasoo ifbaxay isaga oo aan u gudbin Unugyada kale ee kuxeeran waana sidaa sababta loogu bixiyey mid fiican.maadaama ay fududahay in wax laga qaban karaa.

Nooca labaad (Metastasen) kuma ekaado Unuga uu markii hore ka bilaabmay oo qudha ee wuxuu markiiba weeraraa unugyada kale ee kuxeeran burburiyaana,intaasoo qudha kuma ekaado dhibaatadiisuye wuxuu sitoosa uraacaa Dhiiga oo ah gaadiidka Jidhka isagoo sida ugu dhaqsaha badan kugaadhe Unugyo kale oo hor leh kuna baahsan qaybaha kala duwan ee Jidhka kuna abuuraa Unugyo cusub oo hor leh Cuduka,sidaasaanuu kula baxay Magaca Mid xun.

Noocan dambe aad bay u adagtahay xakamayntiisa iyo in xal loo helo,maadaama uu kufidayo xawli sare.ilaa xataa lagaran waayo Xubinta uu asalkiisii hore kasoo bilaabmay.Qaliin lagu sameeyaa makeeno badiyaa guul laga soo hooyo maadaama uu sixawli ah ugu faafayo qaybaha jidhka.Qaabka keliya ee noocan loo waajahaa in lagula dagaalamo Shucaac lagu gano meelaha uu saldhigtay iyadoo larajaynayo in lagu dhimo ugu yaraan xawaaraha uu ku fidayo iyo in sijoogto ah baadhitaano isdaba jooga loogu sameeyo qaybaha kale ee Jidhka.

Hadii la ogaado inta uu yaryahay Unuga Kansarku ka bilaabmay waxay horseedi karaa in laga midha dhaliyo daaweyntiisa
Hadii Unuga Kansarku kabilaabmay dhexroorkiisu kaweynaado hal sentimiter (1cm) waxay u badan tahay inuu mar horeba u gudbey Unugyo kale oo hor leh marka laga hadlayo Nooca xun (inkasta oo aanay mar walba sidaa u dhicin oo Tumorada qaarkood si dhaqso ah u dal balaadhsadaan,halka qaar kalena qunyar socod yihiin).

Hadii la ogaado Xubinta uu asalkeedii hore kabilaabmay nooca xawliga kufida Metastasen (nooca xun) waxaa daraasado lasameeyey lagu ogaadey in lagu saadaalin karo Xubnaha cusub ee uu weerarkiisu kusoo maqan yahay ,boqolkiiba Todoba ayaa ah noocyada Kansarka xawliga kufid,nasiib darose mar hadii Cudurku kasoo gudbo Unugii uu kabilowday lana ogaado goor uu ku habsadey Unugyo hor leh oo noqon kara waax kastoo Jidhka kamida waxaa adkaanaysa in lasaadaaliyo Organada uu kusoo fool leeyahay,arintaasoo mugdi gelisa rajadii laga qabey kaguulaysiga Cudurkan halista ah.

 


Kansarka Mindhicirka:

Mindhicirka Caafimaadka qaba


Kansarka-mindhicirku wuxuu aad ugu badan yahay Wadamada qaniga ah iyo kuwa Wershedaha hore uga maray.

Kansarka mindhicirku wuxuu ka soo baxaa Mindhicirka weyn. Wuxuuna sida qaalibka ah ka billawdaa Buro yar oo ka soo baxda Mindhicirka oo loo yaqaan polyps. Muddo kaddib, polyps-ka qaarkii wuxuu isu bedelaa  kans ar. Kansarka-mindhicirku waa kansarka gala Mindhicirka-weyn (colon), qaybta hoose ee habka-dheefshiidka. Marka lagu daro Kansarka Futada oo isna gala 6-da halbeeg ee ugu dambeeya ee Mindhicirka waxaa lasku yidhaahdaa Kansarka-mindhicirka.Badiyaa Tumorada kudhaca Mindhicirka yari ma badna boqolkiiba sagaashan baa lasheegaa inuu Cudurkani  kudh o co Mindhicirka-weyn halka kan Futada lagu qiyaaso boqolkiiba  Laba. Iskusoo wada xooriyoo qayb kasta oo Mindhicirka ahba wuu ku dhici  kar aa,waxayse ku kala tagan yihiin nooca Xubinta haleelay inuu yahay mid xun iyo mid fudud.

 


Sawirka Mindhicir kansar ku dhacay


Calaamadaha lagu garto:

Dhiig lagu arko Saxarada
Mindhicirka oo majiirma
Shuban iyo Calool istaag isu kaa bedela
Isbedel kuyimaada sidii aad u saxaroon jirtey
Dibiro soo noq-noqota
Xanuun ama Xumad
Saxarada oo silama filaana usoo dhaafta qofka
Miisaanka Qofka oo si lama flaana isu dhima
Appetite-ka oo kaa luma,
Daal,
Wahsi
Uur kujirta oo si ladareemi karo kuu adkaata

Maadaama isbedelka Kansarka-mindhicirku yahay mid soo gur-guurta waxay sababtaa in badiyaa la ogaado goor dambe,calaamada ugu horaysa ee lagu gartaana waxay tahay marka Saxarada lagu arko Dhiig.


ps:Adigoo badsada waxyaalaha ay kubadan yihiin Vitamins-ka siiba Vitamin D iyo Vitamin C waxay wax weyn katartaa kahortaga Kansarka-indhicirka.

Sida Loo Baadho:

Farsamooyinka lagu daahfuro laguna ogaado Kansarka-mindhicirku waxay kukala duwan tahay hadba inta ay jirto masaafada uu gogosha dhigtay Kansarku.Rubuc kamida Cudurku wuxuu sababo aan lagaranayn kudhacaa 15-ka cm ee udambeeya Mindhicirka waxana badiyaa dhakhaatiirtu u adeegsadaan qalab la'aan iyagoo Fara kutaabasho isticmaalaya (Faraha ku cadaadinaya qaybta ugu hoosaysa Mindhicirka).
Meelaha ama Gobolada halkaa kasii durugsan waxa lagu hubiyaa baadhitaanka nooca (Rektoskopie)-ga loo yaqaano.Marka gebi ahaan Mindhicirka wayn si hufan loo baadhayona waxaa loo adeegsadaa baadhitaanka loo yaqaano (Koloskopie)-ga (Tuubo afka hore kuwadata Kamarad iyo Maqas halmar lagu wada samaynayo baadhis iyadoo weliba meesha laga shakiyo qayb yar oo kamida lasoo jarayo si baadhis dheeraada oo Labor loogu sameeyo debeda (Biopsie) )


Adeegsiga baadhitaanka (Koloskopie)-ga

Adeegsiga baadhitaanka (Koloskopie)-ga



Sidee looga hortagaa:

Cunida Khudradaha iyo midhaha siiba kuwa Qamadiga iyo wixii dhigooda ah
Kaluunka iyo Hilibka Baaleyda (Digaaga) oo lagu doorsado Hilbaha kale
Kawaantoga Cabida Aalkohoolka .
In laga dheeraado waxyaalaha dadku u isticmaal inay kahelaan Energy aan dabiici ahayn
Badsiga dhaq-dhaqaaqa Jidhka sida Isboortiga .


Marxaladihiisa khatarta ah:

Marka uu Kansarka-mindhicirka qaan gaadh noqdo gaadhona Unugyada kale ee kuxeeran ama Tumorku noqdo mid aad u kobcay ama yahay mid dhiigbax badan samaynaya waxaa Qofka ku iman kara dhiig la'aan.
Hadii Tumorku aad u weynaado wuxuu sababaa inuu adkeeyo soobixitaanka Saxarada ama mararka qaarkood isba hortaagaa,taasoo ay qasab tahay in sida ugu dhaqsaha badan qaliin deg-deg ah qofka loogu sameeyo.(sida sawirkan hoose kamuuqata)

 

Mindhicir uu ooday Tumorkii Kansarku

Waxaa dhacda in cadaadiska koritaanka Tumorku sababo daloolinta Gidaarka Mindhicirka,wixii Mindhicirka kujireyna kusii daayo Uurkujirta taasoo keenta ama lagu garto xanuun aad u daran oo si dhaqso ah Qofka ulasoo dersa,intaa waxaa dheer in marxalada noocan oo kale ahi geyeysiisaa Qofka kusugnaanshaha halista nololeed meesha ugu saraysa iyo weliba in fatahaadii Mindhicirka dalooshamay Kansarku uga sii gudbo Halbowlayaal kale oo hor leh Sida:Sambabada iyo Beerka iyo weliba isagoo bur-buriye Xubno kale oo muhiimad weyn ugu fadhiya nolosha.



Waxyaalaha laga dayriyey:


Cuntooyinka Duxdu kubadan tahay kuna yartahay waxayaalaha Dhirta kasoo jeeda sida:Salaadka,Khudrada iyo Midhaha

Waxyaalaha ladubey,aadka loo moofeeyey(ilaa ay yeesheen dhibco mad-madow)
Cuntooyinka Milixdu kubadan tahay
Cabitaanka Aalkohoolka
Qiijinta Sigaarka
intuba waxay u sii gogol xaadhaan Kansarka-mindhicirka

 


Wa Allahu Almuwafaq.

 

 

Hersi Osman
Frankfurt am main/Germany
osam71@hotmail.com