Kamooshinka oo caawa ku dhawaqay in ay joojinayaan hawlihii diwaan galinta G.Hargaysa

 

Gudoomiyaha Diiwaangelinta KDQ. Ismaaciil Muuse Nuur ayaa markii u horeysay caawa ku dhawaaqay in hawshii diiwaangelintu xidhmayso, isla markaana sheegay in Qalabka a Diiwaangelinta ugu talo galeen ku eeg yahay lixdaa maalmood ee ay socotay, awoodna aanay u lahayn in gobolka Maroodi-jeex ay kasii socoto diiwaangelintu.

Gudoomiyuha oo caawa mar uu ka hadlayay arrintan Saxaafaddu wax ka weydiisay sida ay ka yeelayaan cidii aan is diiwaangelin ama safafku ka buuxsameen ayaa sheegay in qalabka lagaga hawl galayay Gobolka Maroodi-jeex ku xaddidan yahay Muddadaa Lixda maalmood ah, Komishan ahaana aanay hayn dhaqaale lagu sii wado oo ay ku kordhiyaan, isagoo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi: "Haddii Gobolku iska kafayn karo isla markaana iska bixinayo gunnada Hawl-wadeenada Diiwaangelinta Waanu sii wadaynaa".

Dhawaaqan ka soo yeedhay Gudoomiyaha ayaa badiba shaki geliyay guud ahaanba mujtamaca kalsoonidii ay ku qabeen komishanka, taasoo ilaa Caawa dadku ku hadal hayeen goobaha laysugu yimaado.

Aqoonyahanka bulshada oo badiba falanqayn ku sameeyay hadalka GGD, ayaa walaac ka muujiyay haddiiba shacbiga gobolka Maroodi-jeex oo ka siman in la koxdhiyo Muddada diiwaangelinta ay bixiyaan kharashka Hawl-wadeenada ay labo kaclayn ku samayn karto Cabashadii Gobollada Saaxil iyo Awdal ka Qabeen Muddadii Diiwaangelinta ka qabsoontay bishii Oct.

Haddaba Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kabo-weyne) oo aan wax ka waydiiyay arrinta mar aan goor kula xidhiidhay khadka Telefoonka ayaa ii sheegay inaanu ka warqabin dhawaaqa Guddida Diiwaangelinta, balse ay Komishan ahaan iyagu dib isugu noqonayaan, go'aan rasmi ahna kasoo saari doonaan.

Si kastaba ha ahaatee Tibaaxdan kasoo yeedhay GGD ayaanay ilaa hadda wax jawaab ah ka odhan Xukuumadda Somaliland iyo Wakiillada Seddexda Xisbi Qaran, iyada oo la saadaalinaayay in wax lagu daromudada is diwaan galinta oo bari ku eeg hubaalna waxa jira dadaad u tiro badan oo aan is diwaan galinin sababtuna ayna iyaga ahayn ee ay ka dhalatay shaqaalaha wax diwaan galinaaya oo aad u gacan cuslaa iyada oo aanay shaqaalaha wax diwan galinaayay ay ahaayeen qaar aan khibrad badan lahayniyada oo dib u dhac balaadhani uu ka yimid xaga shaqaalaha kamooshinka ee wax diwaan galinaayay, sideedaba dadka iska diwan galiyay gobolka Hargaysa ayaa aad u tiro badan oo dadkii la filaayay ka farabatay, taasi oo ay shaqaalaha wax diwaan galinaayayna iska xejin waayeen culayska dadka is diwaan galinaayay, sida ay doontaba ha ahaatee dadweynaha reer Hargysa ayaa gudoomiyaha kamooshinku uu dhawaan ku tilmaamay qaar ka degen ama samir badan gobolada Awdal iyo Saaxil, goboladaasi oo uu sheegay in ay kala soo kulmeen dhibaato lamana garnaaayo in uu fursdaasi naxariista leh dadweynaha gobolka Hargaysa awgeed ay kamooshinku ugu adkaysanayaan in ayna waxaba ku darin mudada diwaan galinta.


 




Qarannews