kama dulqaadanayno Suldaanka Boorame ka hadlaya ee Tolaayeeyda haya

 

kama dulqaadanayno Suldaanka Boorame ka hadlaya ee Tolaayeeyda haya, kama dul qaadanayso Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, oo shalay Ceel Afweyn i lahaa inamo reerkayga ah oo wax dilay soo qabta oo nagu soo wareejiya, inuu Hargeysa iska hurdo beeshiisuna ay

Hargeysa(longlivesomalialnd News)-Boqor Cismaan Aw-Maxamuud  Bu urmadow, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa walaac ka muujiyay colaada xiisada Ceel-bardaalle ee u dhaxaysa gobolada Awdaliyo Gabilay hadii aan si dhakhso ah wax looga qaban in dhibaato ku keeni karto qaranimada Jamhuuriyada Somalialnd, waxaa kale oo canbaareeyay oo u ku baaqay in wadanka laga saaro haayada Inter-peace ee deeqbixiyeyaasha caalamiga ah. ee ka caawisa  Doorasho oyinka somalialnd, oo uu ku eedeeyay inay mijo xaabinayso jiritaanka Somaliland.

Boqor Cismaan Buurmadow, oo maanta Shir jaraa,id ku qatbtay  Hutee lka Crown ee Magaalada Hargeysa ayaa uga waramay Warbaahinta somaliland, Waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay"Waxaan doonayaa inaa maanta ka hadlo laba Arrimoood, oo aan isleeyahay haddii aanay shacbiga Somaliland si wada jir ah loogu gurman waxna looga qaban in wixii aynu soo wadnay labaatan sanadood inay maanta ku baaba'ayso wax aan maalmo ka badnayn, labadaasi arrimood waxay kala yihiin, dhibaatada iyo xasarada ka taagan Deegaanka Ceel-bardaalle ee   u dhaxaysa labada beelood ee walaalaha ah ee Dilla iyo Gabilay,  arrin ta labaad waxa weeye oo aan leeyahay waa arrinta lagu doonayo in lagu mijo xaabiyo Somaliland, waa waxa lagu sheego Haayada la yidhaahdo Inter-Peace, ee arrimaha doorashooyinka, waxaan u arkaa inay tahay mashruuc lagu baabiinayo Somaliland oo aanay ka soo hadhayn  Soma liland, ama aan odhan karo inay si nacasnimo ah ay ugu adeegayaan xisbiyada qaranku, waxaanan ku baaqayaa in dalka laga saaro oo Komishanka doorashooyinka ee aynu dooranay oo ay si rasmi ah u gutaan xilkooda".

Boqor Buurmadaw waxaa uu soo jeediyay inay doorashada  Madaxto oyadu ay xiligeedii ku qabsoonto, isla markaana la iska daayo Server-ka lagu kala shaandhaynayo Diiwaangalintii, isaga oo arintaa ka  hadla yana waxa uu yidhi "Xisbiyada iyo Xukuumadaba waxaan u soo  jeedin ayaa in la iska daayo Server-ka iyo waxan laga hadlaayo oo  waraaq aheenii inaynu ku gurano oo aynu doorashadii dib inooga dhicin. oo aan hal maalin dib loo dhigin oo ninkii nasiibkiisu siiyo aynu  siino, Waxa an aad ugu xumahay oo aan uga muragaysan nahay, aan doonayaa inaan tacsi uga jeediyo dhamaan Somaliland iyo qoyasaskii dadkii ku nafwaayay shaqaaqadaasi cid kasta ha ka dhinteene, waxaan  leeyah ay arrinta halkaasi ka socota waxaan ka xumahay dilka ciidamo iska soo horjeedaa ay ku dhinteen waa dhibaatooyin iska dhici jiray oo Somaliland ka dhici jiray, wax ugub ah inaguma aha laakiin waxa ugub inagu ah dad safar ah oo ahaa, Ganacsatadii,  mutacali miintii in  wada da laga qabto oo si xaq darro ah loo dilo arrintaasi waa mid fool xumo ah inaan dad aan dhibaatada qeyb ka ahayn si arxan darro ah loo dilo,"Ayuu yidhi Boqor Cismaan Buurmadaw.

Boqor Buur Madaw wuxuu Salaadiinta Somaliland ku dhaliilay gurmad la'aanta xiisada iyo shaqaaqada Ceel-bardaalle, waxaanu tilmaamay inay dhayalsadeed Dhibaatadaasi iyo Masuuliyadii Nabadgalyada ka saarnayd, waxaa kale oo uu ku dhaliilay Xukuumada Somaliland inaanay Gudan hawshii ay kulahayd shaqaaqada ceelbaraale iyo Nabad galyada Somalilandba.

Boqor Cismaan waxa uu ku celceliyay oo eed usoo jeediyay Masuuliyiin ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ee ku jira xisbiyada dalka inay la kala Qaybsan yihiin mashaakilka Ceel Bardaalle, waxaana uu ku dhaliilay Siyaasiyiinta ku kala safan Dhibaatada Ceelbardaale ee ukala  reera ynaya Shacbiga Gabiley iyo Dilla, Waxaana uu usoo jeediyay Axsaabta Qaranka inay dhex ka ahaadaan Dhibaatada Ceelbardaale.


Buur madaw mar uu ka hadlayay Masuuliyiinta xilku ka saaranyahay arintaasi inay wax ka qabtaan waxa uu yidhi

"kama dulqaadanayno Suldaanka Boorame ka hadlaya ee Tolaayeeyda haya, kama dul qaadanayso Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, oo shalay Ceel Afweyn ilahaa inamo reerkayga ah oo wax dilay soo qabta oo na gu soo wareejiya, inuu Hargeysa iska hurdo beeshiisuna ay ciidan urur iso, oo aanu waxba ka qaban. Taliyaha Ciidanka Qaranka ee inamaday ada Burco buuraha aan la geli karin , oo yidhaahda lama geli karo halkaasi”, Ayuu yidhi Boqorku.

Boqor Cisnaan waxaa uu ku sheegay in ku taageero Xukuumadda Somalialnd wixii wanaag ah, ta danbe ee timaadana ku taageeri doono wixii wanaag ah, waxaa kale oo uu ku dheeraaday in falalkii lagula ka kacay dadka safka ahaa in aan loo aanayn karin dadka reer gabiley ee dibada laga aabaabulay, waxaanu ugu baaqay in si deg deg ah maxkamad loo hor keeno, waxaanu usoo jeediyay inay xukuumadu soo qabato danbiilayaashaasi,


waxaa uu dhaliil usoo jeediyay boqorku sharciyada baarlamaanku  wa da ee sheegaya in Dawlada ku meel gaadh ah la dhiso, waxaana ku  ad keeyay carabkiisa in Madaxwaynaha uu badali karo madaxwayne la  s oo doortay, waxaa kale oo uu dhaliil usoo jeediyay Gudoomiyaha  Guu rtida oo sheegay inuu seefta isugu dhiibo Mudanayaasha Golaha, wax aana uu ka gaabsaday inuu wax sharaxaad ah ka bixiyo Go,aamadii Go laha Guurtidu ka soo saareen Shaqaaqada Ceelbardaale.
 


Longlivesomaliland News Desk
Hargeysa Office