KALIYA MA FURAYAAAL AYUU FAYSAL CALI RABAY HANYARAA [magdhaw buuxa ganaax iyo waliba xadhig ayay ahayd ]

 


Marka hore waxa amaan mudan ilaahay sxw si fudud inoogu hawl yareeyay hawshii khilaafka
xisbiga ucid ee ahaa [ku qabso ku qadi mayside].
KHilaafkan waxa hogaaminaayay garabka mucaaridka mr xisbi damaaciye mudane aadan mire waqaf
dhinaca garabka xisbiga ucidna waxa hogaaminaayay mr dagimaayo mudane faysal cali waraabe
khilaafkan oo hada lasoo afjaray maxkamaduna garta siisay garabka mr dagimaayo mudane gudoomiye
faysal cali waraabe ayaa ku dhamaaday qaab aniga ii cuntami waayay.

Maxkamadu may ahayn inay kaliya wareejinta furaha iyo faysal oo hawshiisi sii wata ay xukunto
waxay ahayd in si wayn arinkan ay u xukunto ganaax iyo xadhigna ku qaado qaybtii xaqdarada waday
waxay ahayd in dhamaan garabka mucaaridka ragii ugu cadcadaa ee muranka waday xabsiga loo taxaabo
isla markaana ganaax dusha ka saarto.
Maxkamadu ma ay ahayn inay ku dhamayso adiguna garbaad leedahay isaguna garbuu leeyahay
imikana kala tagaajo ninkastawba geestaada u dhaqaaq.

Gartan maxkamadu qaaday waatii ugu horaysay ee laba nin kawada qoslisa waana mid taariikhda galaysa
soomalidu waxay hore ugu maahmaahday gari laba nin kama wada qosliso laakin hada ragbaa yidhi
way ka wada qoslisaa.
gudoomiyaha xisbiga ucid mr dagimaayo faysal cali waraabe waxaad tahay nin aad u hanyar manay ahayn
inaad aqbasho kaliya in xisbiga xafiisayadooda dib loo furo waxase ay ahayd in dhamaan qodabadan
aad maxkamada ka hesho inay kuu go,aamiso waana kuwan hoos ku qoran

1-mudooyinkii xafiisku xidhnaa in dawladu magdhaw ka bixiso
2-beentii lagugu eedeeyay ee ahayd in waqtigaagi dhamaaday oo sumcadaada lagu ciyaaray in magdhaw lagaa siiyo
3-shaqadii xisbiga ilaa maalintii dawladu xidhay in tacwiid lagaa siiyo ama magdhaw
4-xisbiga ucid oo hada dib uga dhacay labada xisbi ee kale oo mudo aan hawl galin in taana magdhaw kagaa siiyo
5-dhamaan kharashkii kaaga baxay intii maxkamadu socotay in ayadana tacwiid ama magdhaw lagaa siiyo
6- hubsiimo la,aanta dawlada ee maamulka kulmiye iska xidhay xafiisyada in ayadana lagaa siiyo magdhaw
7-in adiga si gaara sumcadaada loo qaribay magdhaw lagaa siiyo
sababta magdhaw laguu siinayaa waxay tahay mar hadaad gartii yeelatay macnaheedu wuxuu yahay
in garabkii mr xisbi damaaciye aadan mire waqaf uu qaldanaa xaqdarana ku socday in dawlada xafiisyada
farayaasheeda qaadatay ee policka gaysay dhamaan xarumaha xisbiga ucid ay ayaduna qaldanayd
xaqdarana ku taageertay.

Laakiin kaliya xisbigii dib u maamul oo halkaa ka sii wad hawlahaagi hadii go,aankii lagu dhameeyo
taasi waxay ila tahay mid aan kugu munaasib ahayn ama cadaalada waafaqsanayn.
inta duni la burburiyo oo xisbigii dhamaa afka loo ganbiyo oo meel kasta oo xafiis uga furnaa la xidho
oo sumcad xumo loo galiyo aduunyada oo gudoomiyihii iyo xubnihii taageersanaa lagu tilmaamo dad
qaldan hadana kaliya lagu dhameeyo KALATAGAAJO ninkastawba bustahaaga dhinac u qaado
dee taasi waa hadii dadku aanu aqoon lahayn ama aanu wax fahmayn.

gabagabdii
Xisbiga ucid wuxuu u baahan yahay garyaqaan u dooda oo arinkan markale maxkamada geeya
kana dhaadhiciya in xisbiga ucid ay soo gaadheen dhaawacyo badan intii dawladu xafiisyada xidhay
una cadeeyaan in aan indhaha laga qarsan in xisbiga ucid mutaystay in la siiyo MAG-DHAW BUUXDA


wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

siciid cabdi dheen
dheen@live.co.uk
london