Kal-Fadhigii 18-Aad Ee Golaha Sare Ee Dallada SONYO Oo Hargaysa Lagu Soo Gabagabeeyey ......

 


Hargeysa (TNN)-Kalfadhigii 18aad ee golaha sare ee dalladda heer qaran ee ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey si habsami leh uga soconayay  H uteelka Maansoor ee magaalada Hargaysa ayaa Habeenkii Xalay ahaa la soo gabagabeeyey.

Kulankan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa lagu naaqishay mudadii uu socday  ajanday aal badan oo golahan u yaalay oo sidii caadada ahayd ay ka mid ahaayeen sidii qiimayn loogu  sam ayn lahaa hawlaha ay dalladdu u igmantahay, wixii dalladda u qabsoomay, waxa ka qabyada ah ee u baahan in la dardar galiyo iyo sidii istaraatiijiyad midaysan oo dhaxal gal ah loogu diyaarin lahaa hanaanka geeddi socod ee hawlaha dalladani u xil saarantahay. Afartii biloodba mar ayay golaha sare ee dalladdu isugu yimaadaan shirkoodan waxaanay mudadaasi gorfeeyaan hawlaha muhiimka ah ee dalladdu qabato iyo sidii dadaalka loo sii laban laabi lahaa.



Kal-fadhigan 18aad oo noqonaya kii ugu dambeeyey ee golahani fadhiistaan ayaa la filayaa in  aja ndayaashiisa ay ugu muhiimsanaadaan sidii loogu diyaar garoobi lahaa shirweynaha guud ee  dall adda SONYO oo la filayo in bisha December ee inagu soo aadan uu ka qabsoomo Hargaysa. Shirwey naha guud ee dalladda SONYO oo labadii sanaba mar la qabto ayaa lagu soo dooran doonaa xubno cusub oo xilka kala wareegi doona xubnaha golaha sare ee imika shirkoodu u soo dhamaaday.



Tani waa astaan katurjumaysa hanaanka dimuquraadiyadeed ee SONYO ku barbaartay kuna gaalin gashay iyada oo waddo cad oo toosan u horseedaysa bulsahdeeda. Shirka 18aad ee golaha sare ee SONYO ayaa si weyn loogu lafa guray sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha balaadhan ee SONYO ka baqato dhammaanab lixda gobol ee jamhuuriyaddu ka koobantahay.



Agaasimaha fulinta dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO Mudane Siciid Maxamed Axmed ayaa isaguna shirkan golaha sare waxa uu ka soo jeediyay oo lagaga dhagaystay warbixin qoto dheer oo lafa-gur ku samaynaysa waxqabadkii xafiiska fulinta SONYO u qamsoomay afartii  bil ood ee ugu dambeeyey iyo guud ahaan sida ay u socdaan hawlaha xafiisku. Xubnaha golaha sare ee SONYO ayaa doodo iyo macluumaad badan isku dhaafsaday mudadii uu shirkani socday  waxaa na la filayaa in imika loo diyaar garoobi doono shirweynaha guud ee SONYO (General Assembly) ,oo ah madasha ugu sarraysa qaab-dhismeedka dalladda.



Madashani waa halka laga soo doorto xubnaha golaha sare ee dhammaanba lixda gobol ee  Somalil and oo dalladda hogaamin doona labada sano ee food inagu soo haya. Guddoomiyaha dalladda  SO NYO Yaxye Maxamuud Axmed (Ubaxle) ayaa ku nuux nuuxsaday sida ay ugu faraxsanyihiin wax-qabadka ay SONYO ku tallaabsatay labadii sano ee ay golahan sare xilka hayeen oo ay u  qabsoomeen waxyaabo badan halka inta dhimana ay dadaalkooda isugu gayn doonaan sidii loo sii laban laabi lahaa wax ka qabashadeeda, maadaama dalladdu u shaqaynayso dhallinyarada Somaliland.

Dallada heer qaran ururrada dhallinyarada Somaliland SONYO ayaa muddooyinkii dambe oo dhan waxa ay ku hawlanayd sidii loo kordhin lahaa dadaalada horumarineed ee ku aadan dhallinyarada Somaliland. Mudadii shirkani socday waxa ay xubnaha golaha sare go’aan ku gaadheen in  qorshah a saddexda sanadood ee soo socota SONYO ku halw gali doonto si degdeg ah loo diyaariyo.

Ugu dambayn golaha sare ee dalladda SONYO ee xalay shirkoodu ku soo dhamaaday Huteel  Maan soor waxa ay guddi sideed xubnood ka kooban u saareen diyaarinta shirwaynaha guud ee bisha soo socota ay isugu iman doonaan xubnaha ururada dhallinyarada ee dhammaanba gobolada  Som aliland. Guddidan ayaa diyarin doonta qorshe hawleedka lagu hawl gali doono ee khuseeya shirwaynaha guud ee SONYO.



Axmed Maxamed Shaqale

Shaqale_88@hotmail.com
Hargeysa Somaliland